Maxay Canada iyo Denmark ka dheheen damaca Trump ee ah inay ku biiraan Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka jawaabay hadalka Donald Trump ee ah inuu u adeegsan doono "awood dhaqaale" si Canada uu ugu soo daro Mareykanka isagoo sheegay inaysan fursad yar uga bannaaneyn in labada dal ay isku biiraan.
Hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump ee ku wajahan siyaasadda arrimaha dibadda ee wax ballaarsiga ayaa caro ku abuuray dalalka ay saameyneyso, sida Canada, Panama iyo Denmark.
Goor sii horreysay, Mr Trump ayaa soo celiyay hanjabaadihiisa ahaa inuu la wareegi doono Greenland iyo marin-biyoodka Panama.
"Waad ka takhaluseysaa qadkaas macmalka ah, waxaadna eegeysaa sida ay u muuqan karto, sidoo kale aad bey ugu fiicnaan lahayd ammaanka qaranka," Trump ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay hoteelkiisa ku yaalla Florida ee Mar-a Lago.
"Canada iyo Mareykanka, taasi dhabtii wax beyn ahaan lahayd."
Trump ayaa sidoo kale xsuay in muhiimad amni iyo mid dhaqaale ay u leeyihiin Kanaalka Panama, iyo Greenland.
Xildhibaan Greenland ku mayalaya baarlamaanka Denmark ayaa sheegay in mustaqbalkeeda ay tahay inay go'aansadaan dadka deggan.
Hadalkiisa Talaadadii ayaa ahaa markii ugu horreysay ee uu soo jeediyo inuu u adeegsan karo tallaabo militari.
Mar la weydiiyay in uu meesha ka saari karo in awood ciidan ama dhaqaale loo isticmaalo arrintan, Trump wuxuu sheegay in uusan meesha ka saareyn.
"Laakiin waxaan dhihi karaa, waxaan u baahanahay iyaga si loo ilaaliyo dhaqaalaha," ayuu u sheegay suxufiyiinta intii lagu jiray shir jaraa'id oo ballaaran oo uu ku qabtay gurigiisa Mar-a-Lago ee Florida, isaga oo labaduba ku tilmaamay kuwo muhiim u ah amniga qaranka Maraykanka iyo dhaqaalaha dalkaasi.
Hadalkiisa ayaa yimid xilli wiilkiisa, Donald Trump Jr, uu booqanayo Greenland.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Danmark iyo Panama labaduba way diideen soo jeedinta ah inay ka tanaasulaan dhulalka.
Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay kharashka difaaca ee Greenland, saacado ka dib markii madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu ku celiyay rabitaankiisa ah inuu iibsado dhulka Arctic.
Wasiirka Difaaca Denmark Troels Lund Poulsen ayaa sheegay in xirmada ay tahay$1.5bn.
Greenland, oo ah dhul Denmark ay maamusho oo madaxbannaan, ayaa hoy u ah tasiilaad ballaaran oo Maraykanka ah, waxayna muhiim u tahay Maraykanka, iyadoo ku taal waddada ugu gaaban ee Waqooyiga Ameerika ilaa Yurub. Waxay leedahay kayd macdaneed oo waaweyn.
Dadka ku nool 57,000, Greenland waxay leedahay madax-bannaani ballaadhan - laakiin dhaqaalaheeda inta badan wuxuu ku tiirsan yahay kaalmada Copenhagen waxayna weli ka tirsan tahay boqortooyada Danmark.
Trump waxa kale oo uu wacad ku maray in uu isticmaali doono "xoog dhaqaale" markii la waydiiyay in uu isku dayi doono in uu Canada ku soo daro Mareykanka waxa uuna ku tilmaamay xudduuda ay wadaagaan "khadka si macmal ah loo jeexay".
Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in Mareykanka uu balaayiin doollar ku bixiyo ilaalinta Canada, wuxuuna dhaliilay soo dejinta baabuurta Canada, alwaaxda iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.













