Maxay ku kala duwan yihiin ama isaga mid yihiin fayraska cusub ee Shiinaha ka dilaacay iyo Covid 19

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobaadyadii la soo dhaafay, muuqaallada isbitaallada Shiinaha oo ay buux dhaafiyeen dad wejiyada soo duubtay ayaa ku wareegayey baraha bulshada, taas oo dhalisay welwel laga qabo masiibo kale oo ah fayrus kale oo faafa .
Beijing ayaa tan iyo markii ay qiratay kor u kac ku yimid kiisaska fayraska wax yeeleeya neef mareenka (metapneumovirus) ee hargabka u eg (HMPV), gaar ahaan carruurta, u sababeeysay kororka xilliyeed.
Laakiin fayraska HMPV ma aha sida Covid-19, khubarada caafimaadka bulshadu waxay yiraahdeen, iyagoo xusay in fayrasku uu jiray tobanaan sano, iyada oo ku dhawaad ilmo kasta uu ku dhacay cudurka marka uu shan jir ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah carruurta aadka u yaryar iyo dadka habdhiska difaaca jirkoodu uu daciif yahay, waxay u keeni kartaa jirro kasii daran.
Muxuu yahah HMPV sideese u fidaa?
HMPV waa fayras horseedi kara caabuq fudud oo xagga neef-mareenka sare ah oo dhab ahaantii aan la kala saari karin isaga iyo hargabka - dadka intooda badan.
Markii ugu horreysay fayrsaka waxaa lag helay dalka Netherland sanadkii 2001, fayrasku wuxuu ku faafaa xiriir toos ah oo dhexmara dadka ama in la taabto meel uu fayrasku ku dhex noolyahay.
Calaamadaha dadka qaba fayraska intooda badan waxaa ka mid ah qufac, qandho iyo sanka oo xirmo.
Kuwa aadka u yaryar, oo ay ku jiraan carruurta da'doodu ka yar tahay laba sano, ayaa ah kuwa ugu nugul fayraska, iyo dadka uu hab-dhiskooda difaaca uu daciif yahay, kuwaas oo ay ku jiraan dadka da'da ah iyo kuwa qaba kansarka daran, ayuu yiri Hsu Li Yang, oo ah dhakhtar cudurrada faafa oo ku sugan Singapore.
Haddii uu cudurku ku dhaco, "qayb yar laakiin aad muhiim u ah" taas oo ka mid ah difaaca jirka ayaa keeni karta cudur aad u daran halkaasoo oo uu saameynayo sambabada, waxaana uu leeyahay hirraag iyo neefqabatim.
"Qaar badan ayaa laga yaabaa in ay u baahdaan daryeel isbitaal, iyadoo qayb yar ay halis ugu jirto inay u dhintaan caabuqa," ayuu yir Dr Hsu.
Waa maxay sababta kiisaska fayrasku ay Shiinaha ugu soo badanayaan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida cudurro badan oo neef-mareenka ku dhaca, fayraska HMPV waxa uu aad ugu firfircoon yahay xilliga jiilaalka qaboobaha iyo xilliga gu'ga - khubarada qaar ayaa sababta ku sheegay in fayrasyadu uu si fiican ugu badbaadaan qabowga ayna si fudud dadku iskugu gudbin karaan, maaddaama dadku inta badan joogaan guriga.
Waqooyiga Shiinaha, sare u kaca HMPV ee hadda wuxuu ku soo beegmayaa heerkul hoose oo la filayo inuu sii socdo illaa bisha Maarso.
Dhab ahaantii waddamo badan oo ku yaal cirifka woqooyi, oo ay ku jiraan laakiin aan ka xaddineyn Shiinaha, ayaa waxa ka jira koror baahsan oo HMPV, ayay tiri Jacqueline Stephens, oo ah khabiir ku takhasustay cudurrada faafa ee Jaamacadda Flinders ee Australia.
"In kasta oo tani ay khusayso, kororka baahsan, waxay u badan tahay inay tahay koror xilliyeedka caadiga ah ee qaboobaha ," ayay tiri.
Xogta laga helay mas'uuliyiinta caafimaadka ee Mareykanka iyo UK ayaa muujineysa in dalalkan, sidoo kale, ay la kulmeen koror ku saabsan kiisaska HMPV tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
HMPV ma la mid yahay Covid-19? Intee in le'eg ayayse tahay in aan ka walwalno?
Cabsida laga qabo qaabka safmarkan leh astaamaha 'Covid-19' ayaa ah mid xad dhaaf ah, khubarada aya asheegay, iyagoo xusay in safmarkan uu sida caadiga ah ka dhashay cudur-side cusub, oo aan ahayn kiiskii HMPV.
HMPV waa mid caalami ah oo soo jiray muddo tobanaan sano ah. Tani waxay la macno tahay in dadka adduunka oo dhan ay ila iyo xad leeyihiin "waxoogaa difaaca sabababtaasna lagu ogaaday cimi baarisyadii hore",ayauu yiri Dr Hsu.
Paul Hunter, oo ah barfasoor caafimaad oo wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Anglia ee Ingriiska ayaa yiri "Ku dhawaad ilmo kasta waxa uu qaadi doonaa ugu yaraan hal caabuqa HMPV marka ay gaaraan da'da shanaad ee dhalashadooda , waxa aanan filan karnaa in ay dib u qaadaan caabuqyo badan inta ay nool yihiin".
"Marka guud ahaan, uma maleynayo inay hadda jiraan calaamado muujinaya dhibaato caalami ah oo kasii darta ."
Weli, Dr Hsu waxa uu kula talinayaa in la sameeyo taxaddarka guud ee caadiga ah sida xirashada af-xirka meelaha dadku ku badan yahay, ka fogaanshaha meelaha dadku ku badan yahay haddii ay suurtogal tahay in qofku halis aad ah ugu jiro jirro caabuqyada fayraska neef-mareenka ku dhaca , fayadhowrka gacmaha oo si wanaagsn logu dadaalo, iyo qaadashada tallaalka hargabka.

Xigashada Sawirka, Dr Mohamed Haji Abdullahi Beldaje
Dr Mohamed Haji Abdullahi Beldaje oo ah dhaqtar Soomaali ah oo ka howlgala Magaalooyinka London iyo Nairobi ayaan wax ka weeydiinay waxa aynu ka naqaan ilaa iyo hadda fayrsakan waxana uu kaga jawaabay: Human metapneumovirus (HMPV) waa fayrus ku dhaca hawo mareenka oo badanaa sababa hargab ama duray. calaamadahiisa waxaa ka mid ah qufac, xiiq, duuf iyo dhuun xanuun, xaaladihiisu badanaa waa fududyahay oo waa iska tagaa, hase yeeshee marar aan badnayn ayuu isku badali karaa xaalad khatar ah oo nafta halis galin karta, gaar ahaan caruurta, waayeelka Iyo dadka difaacoodu hooseeyo. Laakin Labada fayraus ee HMPV iyo Covid 19 waxay u faafaan si isku mid ah waxayna badanaa ku dhacaan hawo mareenka waxayna keeni karaan bronkiito Iyo infekshinka sanbabada.ayuu sheegay Dr maxamed Xaaji.
"Walwalka ugu wayn waa inuu is bebedel (mutation) sameeyo sida badanaa dhacda fayruska. Waxaa laga walwalsan yahay sida uu ugu faafay China Iyo wadamada dariska la ah" ayuu yiri Dr Mohamed haaji oo intaa ku daray in saameeynta uu ku yeelan karo Soomaaliya oo kale ay tahay in dalku aanu weli lahay caafimaadka asaasiga, haddii uu saameeyana wuxuu culays ku noqon karaa adeega caafimaad ee yar ee haddaba jira, sidoo kale dalku ma laha isbitaalo ku filan oo la tacaali karaa xaalladaha caafimaad daro ee soo wajahda dalka sanado babada.













