Muxuu yahay xanuunka cusub ee laga baqayo in sida Corona uu dunida ku faafo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyeyaasha caafimaadka warshadaha ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland iyagoo ka wada xaajoonayay muhiimadda qorsheynta xanuun kale oo safmar ah oo dillaaca, waana kan loogu yeero "Cudurka X". Balse muxuu yahay xanuunkan cusub ee safmarka ah annaguna diyaar ma u nahay?
Bishii November 2022, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa isu keenay in ka badan 300 oo saynisyahanno ah si ay ugu kuurgalaan caddeymaha in ka badan 25 bakteeriyo oo sababi kara inay xanuunno dillaacaan.
Ururka ayaa daah-furay hannaan calami ah oo lagu cusbooneysiinayo liiska fayrasyada sababi kara inay dillaacaan cudurro iyo xanuunno safmar ah, si loo jiheeyo maalgashiga dunida, baaritaanka iyo horumarinta, gaar ahaanna tallaallada, baaritaannada iyo daaweynta.
Eray-bixinta “Cudurka X” ayaa loo adeegsaday in loogu yeero xanuunka aan la aqoon ee sababi kara inuu dunida aad ugu faafo.
Ma ahan cudur gaar ah, balse waa eray-bixin loo adeegsanayo baaritaanka, u kuurgelidda iyo u diyaargarowga si loo ogaado wuxuu yahay loogana falceliyo.
Muxuu yahay cudurka X?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa magac ku meel gaar ah oo loo adeegsanayo in lagu ogaado xanuun mustaqbalka dillaaci kara oo sababi kara inuu dunida ku faafo, loogumana talogelin in magacan loo adeegsado cudur gaar ah.
Madaxa hay’adda Ammaanka Caafimaadka ee UK Jenny Harris ayaa sheegtay in sababta eraygan loo adeegsaday ay tahay in saynisyahannadu "aysan aqoon waxa xiga ee sababi kara xanuun faafa", iyadoo xarafka X-na uu u dhigan yahay sida aan la aqoon ee uu cudurka noqon doono, iyo baahida loo qabo in loogu diyaar garoobo oo laga feejignaado.
Dadaalladan ayaa ka dhigan qaab garwaaqsasho ah oo sheegaya in mar walba ay jirayaan suurtogalnimada cudurro cusub oo leh dabeecado aan la qiyaasi karin.
Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya cudurka X iyo xanuunka safmarka ah ee coronavirus?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Iyadoo bani’aadannimadu ay Meesha ka saareyso xannibaadda u dhaxeysa aadmiga iyo nooleyaasha kale iyadoo loo marayo suuqyada xayawaanka iyo xaalufinta, waxana u baahannahay u kuurgelidda oo lasii wado, darsidda, iyo hagaajinta amniga deegaanka ee guud ahaan dunida,” ayay intaa raacisay.
Erayga "Cudurka X" ayaa aad loogu hadal hayay baraha bulshada, gaar ahaan dalka Mareykanka. Dadka isticmaalaha baraha bulshada ayaa ka digay in u diyaar-garowga xanuunkan aan la aqoon ay u dhigmi doonto tallaabooyin la mid ah xayiraadaha intii uu socsay safmarka Covid-19."
Tallaabooyinkan ayaa aad looga cambaareeyay gudaha Mareykanka iyo Yurub, iyadoo dadka qaar ay aaminsna yihiin in safmarkii Corona uu yahay wax lasoo abaabulay.
Monica Crowley, oo maamulkii Trump u qaabilsaneyd arrimaha maaliyadda iyo bulshada, ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in “caabuqa cusub uu hoggaamiyeyaasha caalamka u oggolaan doono hirgelinta xayiraado guud, xannibaadda xorriyatul-qowlka, uuna burburiyo xorriyado badan.” "Marka cadowgaaga ay kuu sheegaan waxa ay qorsheynayaan, rumeyso una diyaar garow," ayay intaas raacisay.
Waa maxay booska Ururka Caafimaadka Adduunka?
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa cudur u yaqaanna fayraska Nipah, cudurka henipavirus, xummadda Rift Valley, iyo fayraska Zika.
WHO ayaa ahmiyad siisay baaritaanka iyo horumarinta marka la eego sida ay degdegga u yihiin dhammaan xanuunnadaan, iyadoo la doonayo in baaritaan qoto-dheer lagu sameeyo goor horena loo diyaargaroobo.
Maxay tahay sababta looga baqayo in mustaqbalka ay xanuunno safmar ah dillaacaan?
Bare sare Andrew Pollard, Madaxa Kooxda Tallaalka Oxford, ayaa warbaahinta Sky News u sheegay inay u badan tahay in mustaqbalka ay dillaacaan xanuunno safmar ah sababo la xiriira isbeddelka cimilada.
Wuxuu intaa ku daray, "Dabcan waa suurtogal in la go’aansado xilliga ay tan dhaceyso, balse xaaladaha aan horteenna ku aragno ayaa laga yaabaa inay suurtogelin karaan."
Wuxuu sharraxaad ka bixiyay sababta xanuunno badan oo safmar ah looga yaabo inay dillaacaan mustaqbalka isgaoo yiri: “Waan ognahay in isbeddelka cimilada uu sababayo bakteeriyo iyo fayrasyo cusub inay deegaankeenna ka dillaacaan. Waxaa sidoo kale jirta deegaameyn. Iyadoo bani’aadamku ay aad ugu guurayaan meelaha xayawaannada, waxaan kordhineynaa khatarta inay tan dhacdo.”
Wuxuu sheegay sidaan aragnay Covid-19, ay dadka aadka u badan horseedaan xanuunno safmar ah: “Haatan ilaa 8 bilyan oo qof ayaan dunidan ku saarannahay. Ilaa 30-ka sano ee soo socda waxaan ka badnaan doonnaa 10 bilyan.” Ayuu yiri.













