Cudurka Corona ee Soomaaliya: Xaqiiqda qabri-qodaha: Dhimashada cudurka corona ee qarsoon

Qoraalka Muuqaalka, Xaqiiqda qabri-qodaha: Dhimashada cudurka corona ee qarsoon

In ka yar 100 qof ayaa fayraska Covid-19 ugu dhimatay Soomaaliya, sida ay saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Balse barnaamijka Baaritaanka ee BBC Africa Eye ayaa ogaaday in qubuuraha ay buuxsameen iyadoo hannaanka caafimaadka dalka uu baaba'sanaa muddo 30 sano ah oo colaado ay dalka ka jireen.

Barnaamijka ayaa eegay dhab ahaanta coronavirus ee Soomaalia, iyadoo la dabagalayo labo dhallinyaro-dhaqaatiir ah oo naftooda u huray ladagaallanka cudurka corona.