'Jooji toogashada! Gabadheyda way dhimatay': Ardayaddii saxaafadda ee lagu dilay Daanta Galbeed

Digniin: Sheekada waxaa ku jira macluumaad laga yaabo inaad dhibsato.
Waxyar kahor Sanadka Cusub, Shatha al-Sabbagh oo 21 jir ahayd bannaanka ayay aadday si ay shukulaato ugu soo iibiso carruurta qoyskeeda, dukaan ku yaalla Jenin, Daanta Galbeed ee la heysto.
Ardayaddan saxaafadda ee "geesiyadda ah" – oo dooneysay inay iftiimiso dhibaatada Falastiiniyiinta – waxay la socotay hooyadeed, labo ay eeddo u tahay iyo qof kale oo ay qaraabo yihiin.
"Way qosleysay waxayna lahayd caawa oo dhan waan soo jeedi doonaa," ayay tiri hooyadeed oo dhacdada dib u milicsaneysa.
Kadibna madaxa ayaa laga toogtay.
Hooyada Shatha oo lagu magacaabo Umm al-Motassem, iyadu xanuunku weli waa u cusub yahay. Marka ay ka sheekeyneyso way joojineysaa oo xoog u neefsaneysaa.
"Indhaha Shatha way furnaayeen. Waxay u muuqdeen inay aniga i eegayaan iyadoo dhabarka u jiiftay dhiigguna kasoo burqanayay madaxeeda.
"Waxaan bilaabay inaan qeyliyo, 'Jooji toogashada! Gabadheydu way dhimatay. Gabadheydu way dhimatay.'"
Balse toogashada ayaa socotay ilaa 10 daqiiqo. Shatha ayaa geeriyootay iyadoo ku dhex jirta dhiiggeeda oo sida daadkii dhulka u qooyay.
Qoyska Shatha ayaa ciidamada ammaanka Maamulka Falastiiniyiinta (PA) saaraya mas'uuliyad buuxda oo dilkeeda ah, iyagoo sheegay in aaggaas ay gacanta ku hayaa PA.
"Cid kale oo aan ahayn PA ma noqon karto... sababtoo ah aad bey u joogaan aaggeenna - cid kale ma imaan karo mana bixi karto."
Balse PA ayaa ku eedeyneysa kooxda Jenin Battalion, oo ka kooban dagaal-yahanno ay ku jiraan Palestinian Islamic Jihad (PIJ) iyo Xamaas.
PA ayaa inyar uun ka xukunta Daanta Galbeed ee ay Israa'iil heysato.
Howlgal ammaan oo ballaaran ayay bishii hore ka fuliyeen xerada qaxootiga Jenin iyagoo beegsanaya kooxaha hubeysan ee halkaas saldhiggoodu yahay, kuwaasoo ay u arkaan inay caqabad ku yihiin maamulkooda. Ku dhowaad afar toddobaad oo kasoo wareegatay, way sii waddaa.
Jenin Battalion ayaa lagu eedeeyaa inay qarxiyeen gaari xerada ku jiray ayna fulinayeen "howlo kale oo sharci-darro ah".
"Waxaan qabannay tiro badan oo hub ah iyo walxaha qarxa," ayuu yiri Janaraal Anwar Rajab oo PA ka tirsan.
Gen Rajab ayaa sidoo kale ku eedeeya Iiraan inay taageerto oo ay maalgeliso kooxaha hubeysan ee xerada.
Jenin Battalion ayaa beenisa inay xiriir la leeyhiin Iiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
PA oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamuud Cabaas, ayaan caan ka ahayn gudaha Falastiiniyiinta sababo la xiriira inay iskaashi ammaan la leeyihiin Israa'iil.
Carada ayaa sii xoogeysatay kadib markii ay PA howlgal ugaarsi ka sameeyeen xerada.
Israa'iil ayaa kooxahaas u aragta argagixiso, balse dad badan oo Jenin deggan ayaa u arka sida iska caabbin ka dhan ah heysashada daanta.
Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu dilay ugaarsiga, wiil 14 jir ah ayaa ku jiray, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta.
Haatan, dad badan oo reer Jenin ah ayaa ka cabsi qaba PA in ka badan howlgallada militari ee Israa'iil. Geerida Shatha al-Sabbagh ayaa keliya soo cusbooneysiisay baqdintooda.
Kahor inta aysan geeriyoon, Shatha ayaa dhowr qoraal kusoo wadaagtay baraha bulshada kuwaasoo muujinaya burburka ka dhashay howlgalka PA ee Jenin - iyo sidoo kale howlgallada Israa'iil ee xerada ay ku qaadday sanadkii hore.
Qoraallada kale ayaa muujinaya sawirrada rag da'yar oo hubeysan oo lagu dilay dagaalka, waxaana ka mid ahaa walaalkeed.
Dilkeeda waxaa cambaareysay Xamaas, oo walaalkeed ku sheegtay xubin adag oo garabka hubeysan ee kooxda ka mid ahaa, waa garabka Izzedine al-Qassam Brigades.
Mustafa Barghouti, oo hoggaamiya xisbiga siyaasadeed ee Palestinian National Initiative, ayaa dagaalka Jenin u arka cawaaqib-xumo ka dhalatay kala qeybsanaanta u dhaxeysa firqooyinka waaweyn ee Falastiiniyiinta - Fatah, oo ka ay inta badan PA ka sameysan tahay, iyo Xamaas, oo maamusha Qasa tan iyo sanadkii 2007.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gudaha xerada, dadka deegaanka ayaa sheegay in nolosha maamlmeed aysan hagaagsaneyn.
Biyaha iyo korontada ayaa la jaray iyadoo qoysasku ay la dhibtoonayaan cunno la'aan, cimilada oo aad u qabow iyo dagaal joogto ah.
Dadka oo nala hadlay ayaa codsaday in magacyadooda la beddelo, iyagoo sheegay inay ka baqayaan aargoosasho uga timaadda PA.
Hay'adda arrimaha bani'aadannimada Qm ee OCHA, ayaa ku baaqday baaritaan lagu sameeyo waxa ay ku sheegtay carqaladeynta xuquuqda aadanaa ee ciidamada PA.













