"Cadaab u geli mayno in aynu Ictiraaf helno" Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Xigashada Sawirka, MFA Somalia
Sid ay baahisay waaxda geeska Afrika ee BBC, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland C/raxmaan Daahir Aadan ayaa yiri "Naar u geli mayno ictiraaf".
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa hadalkaasi ka sheegay baarlamaanka Somaliland 5tii Janaayo, kadib khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka taas oo ku faahfaahiyay in dalkiisu uu mudnaanta koowaad siinayo sidii uu aqoonsi u heli lahaa, "ma aha in ay dhibaato u keento dalka iyo dadka ."
Wasiirku waxa uu ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiskii is af-garad ee dhex maray Somaliland iy Itoobiya 1 Janaayo 2024, wuxuuna sheegay in heshiiskaas aanu ahayn mid daahfuran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka wuxuu ku faah faahiyay in uu ka soo horjeestay Heshiiskii Is-afgaradka ah.
"Waxay Ethiopia tiri 'waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb', meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto," ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayay su'aal ay guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay heshiiska ka weydiiyeen.
Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland oo si iskeed ah ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda oo aan welina aqoonsi ka helin caalamka, si ay u hesho dhul xeebeed dhan 20 KM. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa Somaliland iyo in ay wadaagaan mashaariic horumarineed ayaa lagu xusay heshiiska.
Kadib markii ay Ethiopia ku dhawaaqday in ay saldhig ciidan ka sameysaneyso deegaankaas, isla markaana ay aqoonsan doonto Somaliland, Soomaaliya oo u aragta in heshiisku uu xadgudub ku yahay ayaa arrintaasi u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda cusub ee bedeshay xukuumaddii hore ee Somaliland ee heshiiska la saxiixday Ra'iisal wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in isaga iyo baarlamaankuba ay dib u eegis ku sameeynayaan heshiiskaas.
Wasiirka ayaa sidoo kale baarlamaanka u sheegay in uu mudnaanta koowaad siinayo aqoonsiga Somaliland oo muddo 33 sano ah raadinaysay aqoonsi caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanay "dalkooda dhibaato u gelin doonin" aqoonsi dartiis.
"Waxaynu sameyn doonaa wax walb sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, laakiin ictiraaf cadaab ku geli mayno, dadkeenana baabi'in mayno, waa in ictiraafku noqdaa mid faa'ido u leh danta Somaliland iyo danta dalkaas [dalka aqoonsiga bixinaya]. "ayuu sheegay.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray "Wax macno ah ma leh in dalkeenii dal kale laga iibiyo oo dad kale u ogolaano in ay kheyraadkeena iyo nolosheenna maamulaan , kaliyana in la yiraahdo waanu idin aqoonsanay".

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo aanu jirin dal aqoonsaday madax-banaanida Somaliland, haddana Somaliland oo muujisayinay leedahay wax kasta oo uu waddan u baahan yahay, ayaa dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyey waxa ka qabsoomay doorashooyin loo arkay inay yihiin kuwii ugu dimuqraadiga badnaa ee ka dhaca qaaradda Afrika.
Ka dib guushii xisbiga mucaaradka ah ee doorashada sanadkan iyo sida nabadda ah ee xukunka loogu kala wareegay, safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay ku ammaantay Somaliland "Taariikhda doorashada ee cajiibka ah iyo in si nabad ah la iskugu wareejiyo awoodda in ay tusaale u tahay gobolka iyo meelo kale."
Muddo sanado ah ayay siyaasiyiinta Somaliland waxay ku hawlanaayeen sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi, balse wasiirka cusub ee arrimaha dibadda waxa uu yiri "Aqbali mayno wax kasta oo dadkeena wax u dhimaya" si ay aqoonsi u helaan.
"Dadkeennu waa inay horumaraan, waa inaynu dhaqaalaheenna hagaajinnaa, u dulqaadan mayno caddaalad-darrada lagu hayo magaca ictiraafka, ictiraafka ma aha in naloogu geeysto xadgudub dal walba inta uu noo yimaado waxaan ayaan qaadanayanaa oo ictiraaf baan idiin sidnaa na oran maayo . Ictiraafka ilaah baa bixiya waana u shaqeysaneynaa wuuna imaanayaa" ayuu yiri.
Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa dadaal ay ku doonayso inay ku daboosho baahideeda dekadeed waxa ay Soomaaliya kula saxiixatay magaalada Ankara heshiis u ogolaanaya inay ku hesho marin badeed, marka laga reebo heshiiskii ay Somaliland la gashay sannadkii hore.
Labada dal ayaa wada gaaray heshiis dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed sugan, oo joogto ah oo ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaana heshiiska umuurtaasi lagu dhaqan gelinayo la filayaa in la saxiixo dhowr bilood gudahood.
Ma jiro war cad oo ka soo baxay labada dhinac ee ku aadan faahfaahinta heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo heshiiskii ka horreeyay ee ay Ethiopia la gashay Somaliland.
Heshiiskaas ka dib, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys, ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen uu ahaa mid gebi ahaanba la diiday, inkasta oo aan lagu xusin heshiiska iyo khudbadihii hoggaamiyaasha midna.













