Dhegeyso: Muxuu Muuse Biixi ka yiri heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara?

Qoraalka Codka, Muuse Biixi ayaa xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Cirro (B)
Dhegeyso: Muxuu Muuse Biixi ka yiri heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara?

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaaray heshiis lagu soo afajaryo xiisaddii dublamaasiyadeed ee u dhaxeysay labada dal muddada ku dhaw sanadka, ka dib kulamo gaar-gaar ah oo dhex maray madaxweynaha martida loo ahaa ee kulanka qaban qaabiyey Rajab Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay ahayd markii ugu horreysay ee ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan tan iyo markii khilafka uu soo dhex galay labada dal, horraantii sannadkan.

Shir jaraa'id oo seddexda mas'uul ay wada qabteen ayey ku muujiyeen yididiillo iyo inay doonayaan hore loo socdo.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay xafladdii xil wareejinta kaga hadlay heshiiska Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana u sheegay inaanay quseyn waxa dhex maray labada dowladood ee ay jaarka yihiin.

Lifaaqa ka dhegeyso: