Faa'iido ma leeyahay loollanka TikTok ee is caateynta?

TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka aad ka fekerto qorshooyinka sanadkan, jimicsi 75 maalmood ah ayaa laga yaabaa inuu ugu horreeyo liiska.

Balse taasi waa waxa sanadkan aadka la iskula dhex marayo iyadoo dadka ay TikTok ku wadaagayeen halka ay wax marsiinayaan.

Ugu horreyn, shuruucda aasaasiga ah: waa inaad ku koobnaataa cunno caafimaad leh adigoon dhex-gelineynin cunno kale amaba aalkolo.

Maalmahaas 75-ta ah, waxaad sameyneysaa jimicsi 45 ah, oo midkood aad bannaanka ku sameyneyso, waxaad cabeysaa in ka badan saddex litar oo biyo ah aadna akhrisaa 10 bog oo buugaagta sheekooyinka maaweelada aan ahayn.

Way fududdahay, sax? Hagaag lacalla haddii aad daneyneyso, labo qof oo loollankan kasoo baxay ayaa inoo sheegay sida uu yahay - iyadoo khubarrada ay walaac ka muujiyeen in xoogaa uu adag yahay, oo wax xoogaa ka fudud ay kuu fiicnaan lahayd.

'Wax cusub bey ii ahayd oo aan ka shaqeynayo'

Wax ka ogow sheekada Devamsha Gunput oo 29 jir ah, taasoo bishii March dhammeysatay loollankan oo lagu magacaabo 75 Hard iyadoo sidoo kale si buuxda uga shaqeyneysay shirkad weyn.

"Aad bey dhabtii u adkeyd," ayay u sheegtay BBC. "Sidoo kale anoo ku nool Edinburgh, mugdi ayay ahayd, qoyaan iyo qabow waana inaad mid ka mdid ah jimicsiga ku sameysaa bannaanka.

Devamsha ayaa sheegtay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag ee loollankan 75 Hard ay ahayd "inaad xad yeelato" marka ay booqaneyso qoyskeeda Koofurta Aasiya kasoo jeeda si ay ugu adadkaato cunnadeeda.

TikTok

Xigashada Sawirka, Devamsha Gunput

Qoraalka sawirka, Devamsha Gunput, oo 29 jir ah ayaa loollankan dhammeysatay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Inaan labo jeer jimicsi sameeyo maalintii aana ku adadkaado cunnadeyda waxay ahayd wax aan la jecleysan iyo wax ay ahayd inaan wax ka qabto, sababtoo ah weligey taas kuma fekerin," ayay tiri.

Balse tan iyo markii ay dhammeysay loollanka, waxay dareemeysay saameynta aan guurin ee loollankaas.

"Si joogto ah ayaa in badan u jimicsadaa, caadooyinkeyga wax akhrinta iyo xiriirka aan la leeyahay cunnada ayaa is beddelay," ayay tiri.

Iyadoo 75 Hard ay toddobaadyadii lasoo dhaafay caan noqotay, waxaa dhabtii sanadkii 2019 hindisay qoraaga Andy Frisella.

Wuxuu ku sheegay barnaamijkiisa in "20 sano uu ku bixiyay inuu la yimaado wax maskaxda carbiya" uuna aqoontan u adeegsaday sameynta qorshe.

Ma aha tababare xirfad leh amaba dhaqtar mana bixiyo talo ku saabsan cunno caafimaad leh waxa ay tahay, balse waxaa la fahansan yahay inuu kala jeedo cunno isku dheelli-tiran oo nafaqo leh.

Jimicsi kan ka fudud ayaa baraha bulshada kasoo muuqanayay dhowaanahan kuwaasoo lagu magacaabo 75 Soft (75 Fudud) iyo 75 Medium (74 Dhexe), kuwaasoo dadka sameeya ay cabayeen aalkolo ayna cunayeen cunno aan caafimaad lahayn iyagoo isla markaana jimicsiga sameynaya waxna akhrinaya.

'Qoyskeyga iyo saaxiibbadey way yaabeen'

Sophie Deakins, oo 27 jir ah, ayaa sidoo kale dhammeysatay 75 Hard sanadkii tegay xilli ay ku xigeenka maamulaha ka ahayd shineemo ku taalla London.

Waxay sheegtay inay loollankan billowday kadib markii ay muddo la daalaa dhaceysay "anshaxa iyo joogteynta" qorshooyinkeeda kale.

Waxay wax ka beddeshay cunnadeeda, iyadoo meesha ka saartay shukulaatada iyo macmacaanka balse cuneysa wax walba oo sokortoodu dabiici tahay sida furutada iyo malabka.

Sophie ayaa sidoo kale faa'iido u aragta nay nafteeda abaal-mariso sida inay ciddiyaha soo sameysato amaba ay buug cusub soo iibsato, balse qeybta ugu adag ayaa ah dhex-galka dadka, iyadoo tan ay ku lug leedahay inaad bannaanka wax kasoo cunto oo aad aalkolo cabto.

TikTok

Xigashada Sawirka, Sophie Deakins

Qoraalka sawirka, Sophie Deakins ayaa sheegtay in labada toddobaad ee ugu horreysay ay ugu dhib badneyd

Si arrintan loo xalliyo, ayay sharraxday: "Waan ka digtoonaa waxa aan sameynayay, marka wax cadaadis ah ma jirin marka aan tago isu imaatinnada bulshada balse weli waxay u baahneyd edbin nafta ah."

Tan iyo markii ay dhammeysay, waxay ku dheggan tahay qeyb ka mid ah qorshaha sida inaysan bannaanka wax kasoo cunin amaba aysan soo iibsan kafeyn iyo doolshe aan muhiim ahayn, taasoo ka caawisay "inay lacag badan keydiso".

"Balse waxa ugu weyn ayaa ah isbeddel maskaxeed - dhiirrigelinta aan ka helay inaan ogaaday inaan sameyn karo, marmarsiyada ku aaddan waqtiga iyo shakiga nafta dhammaan way baxeen." Ayay tiri.