Sidee ayay Cabdulcasiis Al Sacuud ugu suuragashay in uu dhiso boqortooyo uu xukumo?

Xigashada Sawirka, Saudi National Museum
Shantii Jannaayo 1902-dii ayuu amiir Cabdulcasiis bin Cabdulrahmaan Al Sacuud ku guuleystay in uu ka soo celiyo magaalada Riyad gacantii Al Rashid kaddib markii uu halkaas ku yimid weerar yar uu ka soo qaaday Kuwait.
Weerarkiisa waxaa ka qeybqaatay 60 nin oo qarabaadiisa iyo taageerayaashiisa ah iyo dadka Riyad oo u ballanqaaday in ay taageerayaan.
Hadaba maxaan ka ognahay taariikhda Cabdulcasiis Al Sacuud?
Cabdulcasiis Al Sacuud wuxuu ku dhashay Janaayo 1876-dii magaalada Riyad. Wuxuu ka dhashay qoyska Al Sacuud ee halkaas maamulayay balse mar dambe waxaa jabiyay reer Al Sacuud qoyska Al Rashid kuwaas oo xukumayay magaalada Xaabil ee Najad.
Cabdulcasiis waxaa lagu qasbay in uu la qaxo qoyskiisa isagoo 10 jir ah.
Aabihiis, Cabdulraxmaan bin Faysal bin Turki Al Sacuud wuxuu ahaa imaamkii ugu dambeeyay dowladii labaad ee Sacuudiga. Hooyadiisa waxay aheyd Saraha bint Axmed Al Kabir bin Muxammad bin Turki bin Salman Al Sudairi.
Taariikh ahaan sida lagu dhisay boqortooyada bilowgii Janaayo 1902-dii waxay aheyd Al Sacuud oo xukumayay magaalada Riyaad, wuxuuna ku soo galay weerar uu ka soo qaaday dhinaca Kuwait.
Bishii Sebtambar 1904-tii ayuu ku jabiyay dagaalkii Al Shanana ciidamadii Al Rashid, wuxuu qabsaday Al Qassim kaddibna wuxuu xukunkiisa ku sii fidiyay inta badan Najad.
Sanadkii 1912-kii ayaa la sameeyay "Walaalaha kuwa Alle Raacsan" waana halka ka soo bilowday dhaqdhaqaaqa Wahaabiyada. Nidaamkaas degdegga ku fiday waa halka uu taageerada weyn ka helay Cabdulcasiis.
Sanadkii 1913-kii ayuu Cabdulcasiis ayuu ciidamadiis la aaday dhinaca Al-Ahsa isagoo ka qabsaday dhulkaas boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Xigashada Sawirka, BRITANNICA
1921-kii weerar uu hoggaaminayay Amiir Faysal bin Cabdulcasiis Al Sacuud ayaa ku qabsaday xukunka Asir. Bishii Sabtambar isla sanadkaas waxaa u suuragashay in uu galo magaalada Xaabil oo aheyd xiligaas halkii ugu dambeeyay ay ku xooganaayeen qoyska Al Rashid. Taas waxay keentay in xukunkiisa uu ku sii fido dhammaan dhulkii Najad.
Isla sanadkaas wuxuu Cabdulcasiis isku magacaabay in uu yahay Suldaanka Najad iyo sidoo kale Xijaaz. Xiriirkii kala dhexeeyay hoggaamiyihii maamulayay Sharif Xussein bin Cali wuxuu ahaa mid kacsan.
Ciidamada Sacuudiga waxaa u suuragashay in ay galaan Ta'if iyo Makah sanadkii 1924-kii balse Jeddah waxay u adkeystay go'doominta ilaa iyo 17-kii desember 1925-kii.
Sanadkii 1926-kii munaasabad lagu qabtay masjidka Makah ayaa looga dhigay si rasmi ah Cabdulcasiis in uu noqdo boqorka Xijaaz.
Dowladda iyo kacaanka kuwa Alle raacsan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Duruufihii caalamiga ee xiligaas jiray waxaa ka mid ahaa Britian oo timid xeebaha Khaliijka. Cabdulcasiis wuxuu go'aansaday in uu dhiso dowlad casri ah balse waxaa ka horyimid isbahaysigiisa kuwaas oo diiday in ay joojiyaan dhul qabsashada.
Dagaal u dhexeeyay wadaaddada iyo qoyska Al Sacuud ayaa dhacay. Wadaaddada waa laga adkaaday. Cabdulcasiis wuxuu aqoonsaday Ciraaq, Kuwait iyo Urudun kuwaas oo ka horjeeday wadaadadii xiligaa dagaalamayay.
Dhaqdhaqaaqa kooxda waxa uu noqday mid xagjir ah kaddib markii la mideeyay dhammaan deeganada Jasiiratul Carab taas oo hoostageysay Cabdulcasiis Al Sacuud. Markii la qabsaday Xijaas ayey kooxda toos uga hortimid Cabdulcasiis. Waxay aamineen in uu khilaafay Shareecada.
Waxay diideen in ay raacaan amarada Cabdulcasiis ee ah in aysan weerarin xuduudaha Ciraaq iyo Kuwait. Dagaal ayaa dhexmaray labada dhinaca bishii Maarso 1929-kii. Markaas ayaa kooxda la jabiyay iyagoo isaga baxay Kuwait kaddib markii ciidamada Britain ay hareereeyeen.
Ugu dambeyn saddex jeer ayaa la baddelay magaca Sacuudiga, mar waxaa loo bixiyay imaaradii Najad iyo Al-Ahsa. Magacaas wuxuu shaqeynayay ilaa iyo 1921-kii kaddib waxaa laga dhigay 1922-kii Saldanadii Najad. Kaddib waxaa loo bixiyay hadana saldandii Xijaaz iyo Najad. 1932-dii ayaa la sameeyay magaca hadda jira ee boqortooyada Sacuudiga Carabiya.
Cabdulcasiis waxaa loo bixiyay magacyo badan sida in lagu magacaabay Napoleon-kii Carabta (janaraal xukumi jiray Faransiiska) iyo Boqor Suleymaan.













