TikTok ma waxa uu ku socdaa in uu noqdo shaqo xirfad ahaan la sheegan karo mustaqbalka

Xigashada Sawirka, Reuters
In ka badan laba sano ka hor, muuqaal ay sameysay Bert Waked, oo ah gabadh Lubnaaniyad ah, iyo bisaddeeda oo ku dayanaysa xilli ay qaadayaan heesta Nancy Ajram ee la yiraahdo "Hobak Saffah" ayaa caan baxay. Si qosol leh, Bert waxay beddeshay sida erayada heesta loogu dhawaaqo una beddeshay "Hobak Saffaw," taas oo ay ku saleysay codka bisaddeeda.
Muuqaalkan fudud, ayaa helay malaayiin aragtiyo ah oo ka falceliyey, in ka badan hal milyan ayaa jeclaystay iyada oo ay sii baahiyeen malaayiin TikTok ah.
Adeegsadayaasha baraha bulshada ee dunida oo dhan ayaa qaadanaya qaabka Bert, taas oo keentay in Nancy Ajram, oo ah qoraaga heesta asalka ah, ay la falgasho muuqaalka. Nancy waxay ku sheegtay fariin ay ku soo qortay boggeeda rasmiga ah ee Instagram in ay ka heshay muuqaalkaas una qalmo in la soo baahiyo.
Maanta, laba sano kadib muuqaalkaas, Bert Waked, oo TikTok loogu yaqaan "The Bertilicious," waxay noqotay mid ka mid ah saameeyayaasha ugu caansan gobolka, iyada oo ay raacaan malaayiin qof oo adduunka oo dhan ah, waxayna tallaabooyin adag ku qaadayso abuurista nuxurka dijitaalka ah, iyadoo guulo dhaqaale oo la taaban karo gaaraysa.
Saameynta TikTok iyo Fursadaha Lacageed
Sheekada Bert – oo ay la socdaan sheekooyin badan oo ku saabsan muuqaal saameeyayaasha baraha bulshada maanta – waxay iftiiminaysaa sida baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ay u noqdeen ifafaale caalami ah oo fursado dhaqaale oo waaweyn u haya dhalinyarada, laakiin sidoo kale ay ka dhalan karaaan walaacyo waaweyn oo ku saabsan dadka iyo dowladaha.
Bert waxay ku tilmaantay TikTok mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee u suurtageliya dadka muuqaallada sameeya inay gaadhaan dadweyne ballaaran, taasoo si weyn u saameyn karta fikradhooda iyo noloshooda.
Shaqada Bert iyo TikTok

Xigashada Sawirka, The Bertilicious
Bert oo isku deyda in ay badanaa dadka si maad leh uga qosliso waxay BBC Carabi u sheegtay in ka shaqeynta TikTok aysan sahlaneyn, iyadoo ay ku baxdo waqti badan oo maalinta oo dhan ah si loo duubo muuqaallo, looga jawaabo farriimaha taageerayaasha, loona diyaariyo iskaashiga shirkadaha.
Waxay intaa ku dartay in qaar ka mid ah muuqaalada ay qaadan karaan maalmo shaqo ah si loo diyaariyo hal daqiiqo oo muuqaal ah.
"Dhaqanka 'ForYou' ee TikTok wuxuu u suurtageliyaa muuqaal kasta inuu gaari karo malaayiin qof, iyadoo dhageystayaasha ay go'aaminayaan haddii muuqaalka uu 'caan baxayo' ama kale," ayay Bert sharaxday.
Sida Algorithm-yada TikTok u Shaqeeyaan
Sida uu sheegay Salloum Aldahdah, oo ah khabiir ku takhasusay baraha bulshada, TikTok waxay ku shaqeysaa algorithm-yada adag oo falanqeeya doorbidyada isticmaalayaasha, taasoo ka dhigaysa nuxurka mid si sax ah loogu bartilmaameedsado qaybo kala duwan oo dadka ka mid ah.
Marka muuqaal la daabaco ama la baahiyo, waxaa ugu horreyn lagu soo bandhigaa kuwa raacsan abuuraha nuxurka, haddii ay wadaagaan muuqaalka, wuxuu gaaraa dhageystayaal badan oo kale. Haddii muuqaalka la jecleysto oo la wadaago, algorithm-ku wuxuu ku soo bandhigaa bogga "For You" ee TikTok ama bogga "Explore" ee Instagram, taasoo keenaysa in muuqaalka uu si weyn u faafo.
Tani waxay soo jiidataa shirkadaha inay heshiisyo la galaan saameeyayaasha muuqaalladaas si ay u xayeysiiyaan alaabtooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caannimada iyo Lacag-Sameynta Baraha Bulshada
Dunida Carabta, dhalinyaro badan iyo dad da' kasta leh ayaa u wareegay baraha bulshada si ay u helaan il dhaqaale oo muhiim ah, iyadoo TikTok iyo YouTube ay u noqdeen ilo dakhli oo ballaadhan.
Bert waxay ka cabataa siyaasadaha lacag-sameynta ee TikTok ee gobolka Carabta, waxayna sheegtay inay u wareegtay YouTube oo ay u aragto mid "ka wanaagsan" TikTok marka ay timaado lacag-sameynta. TikTok waxay ku tiirsan tahay hadiyado dijitaal ah oo u dhiganta lacago ay soo diraan dadka ku daawanaya, halka YouTube uu ku tiirsan yahay saacadaha daawashada iyo tirada daawadayaasha.
Tusaale ahaan, hadiyadda caan ah ee TikTok ee "Libaaxa" waxay siin kartaa qofka helaya ilaa $200 oo lacag ah inta lagu guda jiro tabintaa tooska ah. Si kastaba ha ahaatee, waddamada sida Britain iyo Mareykanka, saameeyayaasha TikTok waxay heli karaan faa'iidooyin waaweyn xitaa iyagoo kaliya ka helayalacag daawashada muuqaalladooda.













