Maxay tahay billadda Biden uu siiyey Messi, Denzel Washington, Hillary Clinton, iyo qaar kale

Denzel washington

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tafatiraha Vogue Dame Anna Wintour, ninka safka hore kaga jira muusigga ee ah heesaaga kooxda U2 Bono, iyo bilyaneerka George Soros ayaa ka mid ah dadka la guddoonsiiyay billad sharafta ugu sarreysa ee Mareykanka ee uu bixiyay madaxweynaha xilka ka degaya Joe Biden.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku biirtay. Jilaayaasha Denzel Washington iyo Michael J Fox iyaga oo sidoo kale guddoomay billadda xorrriyadda ee madaxweynaha, xaflad ka dhacday Aqalka Cad.

19 qof ayaa sanadkan la guddoonsiiyey abaal-marin, kuwaas oo ku kala baahsanaa caalamka, ayagoo oo kala metalayey dhaqanka, siyaasadda iyo ololeeyayaal.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dadka billadda la siiyay loo doortay sababo ay ka mid yihiin in ay yihiin "dad wanaagsan oo wax aan caadi ahayn ku soo kordhiyey dalkooda iyo caalamkaba".

Biden oo abaalmarinta ugu sareysa siiyay Wintour, Bono iyo Soros

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bono magaciisa dhabta ah waa Paul David Hewson

Xafladdii galabnimadii Sabtida, Biden wuxuu u sheegay ka qaybgalayaasha: "Wadajir ahaan, waxaad uga tagteen horumar cajiib ah - waxaan ula jeedaa si daacad ah, kooxdan - waxay kaga tagayaan waddankeena wax la taaaban karo oo cajiib ah."

Bono, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Paul David Hewson, ayaa mar hore la guddoonsiiyay bilad sharaf dhaqameedka ugu sarreeya Faransiiska.

Waxa uu caan ku yahay u ololaynta dadka saboolka ah iyo taakulaynta dadka qaba HIV/Aids.

Wintour oo ka mid ahayd kuwa ugu muhiimsan naqsahdeynta dharka, ayaa uga shaqaynaysay xilka tifaftiraha guud ee Vogue ilaa 1988 iyada iyo hay'ado samafal oo kale ayaa gacan ka geystay ururinta in ka badan $20m oo cilmi-baarista Aidska ah.

Waxay sidoo kale lacag u ururisay ururrada fanka ee UK ka dib markii la dhimay maalgelinta sanadkii 2022.

Abaalmarin
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aqalka Cad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in samafalaha bilyaneerka ah iyo deeqbixiyaha weyn ee xisbiga Dimuqraadiga George Soros uu "taageeray ururrada iyo mashaariicda adduunka oo dhan kuwaas oo xoojiya dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, waxbarashada iyo caddaaladda bulshada".

Ku soo noqoshada xiddiga mustaqbalka Michael J Fox waxa uu u muuqday mid dareen shucuureed leh markii Biden uu amaanay waxqabadkiisa, oo ay ku jirto u doodistiisa cilmi baarista caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa isku duubay jilaa iyo agaasime Denzel Washington ka dib markii uu guddoonsiiyay biladdiisa.

Hillary Clinton ayaa markii ay soo xaadirtay si aad loogu sacbiyay. Waxay ahayd musharraxa Aqalka Cad ee Dimuqraadiga ee uu ka adkaaday Donald Trump doorashadii 2016.

Xiddiga kubbada cagta Inter Miami ee Lionel Messi, ciyaartoyga holwgabka noqday ee kooxda kubbadda kolayga ee Los Angeles Lakers Earvin "Magic" Johnson iyo nashqadeeyaha dharka Ralph Lauren ayaa iyaguna la guddoonsiiyay billadda.

Biden oo abaalmarinta ugu sareysa siiyay Wintour, Bono iyo Soros

Xigashada Sawirka, Reuters

Aasaasaha Machadka Filimada Mareykanka George Stevens Jr iyo gudoomiyihii hore ee Xarunta Kennedy David Rubinstein ayaa ka mid ahaa dadka helay billadaha.

Kuwa kale ee qaatay waxa ka mid ah José Andrés oo ka soo shaqeeyay arrimaha bini'aadantinimada oo xaruntiisa cunta karinta ee World Central ay ka caawisay siinta cunto, dadka rayidka ah ee ku sugan aagagga dagaalka iyo meelaha ay ku dhufteen masiibooyinka dabiiciga ah; waxaa sidoo kale billadda la guddoonsiiyay Jane Goodall oo ka shaqeysa seeraha xayawanaaka Ingiriiska iyo aqoonyahan cilmiga sayniska Bill Nye.

Xeer Ilaaliyihii hore ee Mareykanka Robert F Kennedy, Xoghayihii hore ee Difaaca Ash Carter, hogaamiyahii xuquuqul insaanka Fannie Lou Hamer iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Michigan George W Romney ayaa lagu maamuusay abaalmarinta, kuwaasoo geeriyooday.

Billadan ayaa la bilaabay xilligii madaxweynihii hore ee John F Kennedy, billadda waxaa lagu bixiyaa go'aanka madaxweynaha iyadoo la raacayo talada guddiga la-talinta dibadda.

Dadkii hore ee la siiyay abaalmarinta waxaa ka mid qofkii ugu jimcisga wanaagsanaa abid Simone Biles, Qalanjada jiliinka ee ku guuleeysatay Oscar Michelle Yeoh iyo aasaasihii Apple Steve Jobs.