Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee Iran xilli Tehran ay beegsatay saldhigga Mareykanka ee ku yaalla Urdun

Nidaamka difaaca hawada ee Urdun ayaa qabtay gantaallo laga soo riday Iran.

Xigashada Sawirka, EPA

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada shidaalka oo Iran leedahay, iyaga oo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay laba weerar oo Iran ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qaaday markab dagaal oo Maraykan ah.

Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in afar ka mid ah Maraakiibta, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran, lagu bartilmaameedsaday Badda Cumaan.

Markabka Shidaal ee shanaad ayaa lagu weeraray meel u dhow jasiiradda Kharg, oo ah xarun weyn oo dhoofinta saliidda ah oo ku taalla xeebaha Iran ee Gacanka.

Iran ayaa jawaab uga bixisay weerarrada Maraykanka iyadoo gantaallo ku tuurtay saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.

Si kastaba, Urdun ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay soo rideen 18 ka mid ah 20-ka gantaal ee Iran ay ku tuurtay dalka.

Weerarrada is-daba-joogga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ayaa toddobaadkan sii xoogeysanayay, in ka badan lix bilood kadib markii Maraykanka iyo Israa'iil ay 28-kii Febraayo weerarro ka dhan ah Iran qaadeen.

Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay bilowgii ganacsiga suuqyada Aasiya.

Shidaalka noocaBrent, oo ah halbeegga caalamiga ah, ayaa kor u kacday 1.5%, iyadoo fuushay $99.41 foostadii, halka shidaalka Maraykanka laga kala iibsado ay kor u kacday 1.6%, oo gaartay $94.55 foostadii.

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladii Iran ku tuurtay Jordan ay ku dhaceen goobo aysan dad deggenayn.

Iran ayaa ka digtay inay qaadi doonto weerarro kale oo aargoosi ah.

Waxay shaqaalaha Maraakiibta shidaalka ee xiriirka la leh Maraykanka, kuwaas oo ku dhow dekedaha Kuwait iyo Bahrain, ugu baaqday inay "si degdeg ah uga baxaan maraakiibtooda", haddii ay dekedaha ku jiraan ama ay meel ka baxsan dekedaha ku xiran yihiin.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iran ayaa sheegtay in maraakiibtan shidaalka ay noqon doonaan bartilmaameedyo.

Wareeggan ugu dambeeyay ee xiisadda ayaa yimid kadib markii Iran ay gantaallo ballistic ah ku bartilmaameedsatay markab dagaal oo Maraykanku leeyahay, taas oo CENTCOM ay sheegtay in markabku "si guul leh uga badbaaday".

CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay in aanu jirin askari Maraykan ah oo ku dhaawacmay weerarrada.

Maraykanka ayaa sheegay in shanta Markab ee ah nooca qaada Shidaalka ee Iran ee uu bartilmaameedsaday ay qayb ka ahaayeen "shabakad qarsoodi ah oo balaayiin dollar ku kacaysa, taas oo maalgelisa Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha ay gobolka ku taageerto."

Jasiiradda Kharg, oo ah halka lagu weeraray mid ka mid ah Maraakiibta Iran ee weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka, waxaa ku yaalla xarunta ugu weyn ee Iran ee ay shidaalka kadhoofiso.

Qiyaastii 90% Shidaalka cayriin ee Iran ayaa mara jasiiraddan, iyadoo shidaalka laga soo gudbiyo dhulka ay dhuumo maraan.

Xasillooni-darrada ka jirta gobolka ayaa sidoo kale sii kordhisay cadaadiska saaran qiimaha shidaalka.

Sidoo kale Talaadadii, Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iran ayaa weeraray xarumo tamareed iyo kaabayaal rayid oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, waxaana ku dhaawacmay 73 qof, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Sacuudiga.

Milatariga iyo Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarka oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo uu sababay dab ka kacay xarumaha iyo goobaha shidaalka, taas oo keentay in si ku-meelgaar ah loo hakiyo hawlihii shaqo.

Weerarradii Maraykanka uu qaaday Talaadadii ayaa dhacay saacado kadib markii naaquuda lahayn, gudaha marin-biyoodka Hormuz.

Kabtan Tim Hawkins oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, isla markaana ah afhayeenka CENTCOM, ayaa sheegay in "Markabkani Gujiska ee isaga is wda ee ay adeegsanayeen ciidamada Maraykanka ay cilad gashay maalin ka hor".

Waxa uu sheegay in qalabkaasi loo adeegsanayay kormeerka biyaha gobolka, si uu "u taageero hawlgallada socda".

Hawkins ayaa sheegay in qalabka ciladda galay uu ahaa "nooc hore oo aan ururin xog xasaasi ah, isla markaana aan sidin wax qalab raadaar ah oo sir ah".

Waxa uu intaa ku daray in hawlgallada ciidamada Maraykanka ee biyaha gobolka ay weli socdaan.