Soomaalida iyo Trump: Wax ka ogow dhowr arrimood oo uu hore uga yiri

Mareykanka

Xigashada Sawirka, AP

Donald Trump markale ayuu guulesytay. Sideed sano ka hor markii uu si layaab leh uga xanaaqay Hillary Clinton iyo farar sano kaddib oo Joe Bided xukuka kala wareegay, waxa uu hadda noqday Trump makale madaxweyne.

Guushiisa waxay ka dhigan tahay soo laabasho cajiib ah. Wuxuu ahaa nin xukunka kaga dagay sumcad xumo ka soo gaartay lixdii Janaayo taas oo dhawac u geysatay. Afar sano kale oo safar ah ayuu u soo galay in uu xukunka ku soo laabto.

Isniintii ayuu Trump sheegay in ololihiisa uu guul weyn ka gaaray isbahaysiga Carabta iyo Muslimiinta ee Michigan kuwaas oo uu sheegay in ay soo jiidatay ballanqaadiisa nabadda.

“Waxaan dhiseynaa isbahaysigii ugu weynaa, uguna xoog balaarnaa taariikhda Mareykanka. Waxaa ku jira tiro badan oo ah muslimiinta iyo Carabta Michigan oo doonaya nabad” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa X ka hor codeynta inta aysan dhicin.

Dhanka Soomaalida, inta badan waxay u codeyn jireen xisbiga Dimuqraadiga. Hadda waxaa jira tiro badan oo taageeray Donald Trump. Soomaalida ayaa ku taageeray in markii uu xilka hayay uu dhaqaalaha xoogganaa inkastoo ay jireen walaac ku saabsan siyaasadihiisa soogalootiga.

Faysal Diiriye oo ah guddoomiyaha Afrikaanka xisbiga Jamhuuriga Minnesota ayaa ku adkeeyay Soomaalida Mareykanka in ay u codeeyaan Trump isagoo sheegay in Soomaalida Mareykanka oo ay ku jiraan darawadalada gawaarida xamuulka ay dareemeen dhaqaalaha in uu fiicnaa markii uu xilka hayay Trump.

Tani waxay muujineysaa in ay soo baxeen Soomaali taageereysa madaxweyne Trump taas oo meesha ka saareysa fakarkii hore ee ahaa in dhammaan Soomaalida ay taageeraan Dimuqraaddiga.

Intii uu ku jiray ololaha, Trump si cad uma dhaliilin Soomaalida sidii uu hore u sameyn jiray. Wuxuu isku dayaya in uu soo jiito inta badan Islaamka.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, AP

Muxuu hore uga sheegay Soomaalida?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadihii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore wuxuu marar badan soo hadal qaaday Madaxweyne Trump Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Sidoo kale wuxuu ku daray Soomaaliya 13 dal oo Muslimiin u badan oo xayiraad dhanka socdaalka ah uu saaray.

Madaxweyne Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay markii Trump ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho, kaddib markii ereyo lagu tilmaamay "Yuhuud naceyb" ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa'iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo in ay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida.

Bogga internetka ee telefishinka CNN ayaa hada ka hor daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida madaxweyne Trump uu u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalkaasi CNN, bilihii ugu horreeyay ee muddo xileedkiisa hore, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke oo xilligaasi ahayd ku simaha arrimaha ammaanbka gudaha weydiiyay sababta ay u mamnuuci la'dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Dhammaadkii bishii Janaayo ee sanadkii 2017 ayuu Madaxweyne Trump xayiraad ku soo rogay ajaaniibta ka imaanaya siddeed waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, kaddib amar madaxweyne oo uu soo saaray.

Sida lagu xusay buuggaasi, "madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni karaan Mareykanka.

Markii doorashada looga guuleystay, Trump waxa uu ku mashquulay dacwada la haystay iyo fadeexooyinka soo wajahay.

Ololahiia doorashada 2024-ka kama marneyn hadalada naceybka wuxuu inta badan ka hadlay naceybka soogalootiga. Sidii hore u dhici jirtay markan Soomaalida kuma soo darin.