Imaamyada masaajidda Soomaalida ee Minnesota oo ka arrinsanaya doorashada Mareykanka

gobolka Minnesota

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Cilimada iyo Imaamyada oo kulamo kala duwan ku yeeshay gobolka Minnesota
    • Author, Issak Malin
    • Role, Wariye

Imaamyada iyo culumada masaajidda Soomaalida ee ku yaal gobolka Minnesota ayaa shirar ay uga arrinsanayaan doorashada madaxweynenimo ee Mareykanka.

Doorashada Mareykanka oo ay ku tartamayaan murashaxiinta Xisbiyada Republican iyo Democratic ee ay u kala sharaxan yihiin Kamala Harris iyo Donald Trump ayaa lagu wadaa inay dhacdo shanta bsiha soo socota ee November.

Kulanka culumada ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo dhammaadka toddobaadkan, sida uu BBCSomali sheegay Imaam Maxamuud Faarax Dulyadeyn, oo ka mid ah imaamyada magaalada, islamarkaas na qeyb ka ahaa shirarka socda.

Shirka culumada iyo imaamyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa dabo socda kulan dhowr ah oo horey uga qabsoomay magaalada Saint Cloud ee qiyaastii hal saac u jirta magaalada Minneapolis.

Shirkaas oo saddex jeer oo hore qabsoomay aysan culumada iyo imaamyada Soomaalida ku guuldareysteen inay go’aan mideysan ka garaan doorashada, xisbiga iyo murashaxa madaxweynenimo ee ay ku talin lahaayeen in bulshada u codeeyaan.

Kala qeybsanaanta Imaamyada iyo culumada Soomaalida ayaa salka ku heysa kala-duwanaashiyaha siyaasada iyo qorshaha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoquraatiga, si gaar ah siyaasadda arrimaha dibeda iyo tan gudaha, sida uu BBC u sheegay Imaam Maxamuud Faarax Dulyadeyn.

Qeyb ka mid ah Imaamyada iyo culumada gobolka Minnesota ayaa doonaya in la taageero murashaxa xisbiga Dimquraatiga, iyo halka kuwa kale ay doonayaan in la qaadaco codeynta murashaxiinta Kamala Harris iyo Donald Trump labada.

Imaam Maxamuud oo kulamada qeyb ka ah waxa uu sheegay in kulankii ugu dambeeyay aysan jirin in culumada iyo imaamyada ay isku raaceen in la ansixiyo oo la wada taageero Kamala Harris, murashaxa madaxweynenimo ee Dimuquraatiga.

Kulanka Imaamyada iyo Culumada ee lagu wado in uu qabsoomo dhammaadka toddobaadkan ayaa la filayaa in looga hadlo sida la isugu soo dhaweyn karo aragtida Imaamyada, islamarkaasna la isku waafajiyo danaha iyo daruufaha Soomaalida ee ku xeeran doorashada Mareykanka.

Kulanka waxa uu sidoo kale dabo socdaa kadib markii la faafiyay war u eg war ay soo wada saareen Imaamyada iyo Culumada Masaajidda Soomaalida ee gobolka Minnesota, kaas oo Imaamyada qaarkood sheegeen in laga been-abuuray.

Dr Shiiq Xasan Jaamici

Xigashada Sawirka, Dr Shiiq Xasan Jaamici

Qoraalka sawirka, Shiiq Xasan Jaamici waxa uu kamid yahay Culimada iyo imaamyada diiddan in cod laga dhiibto doorashada madaxtinimada Mareykanka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah Imaamyada doorbidayay in la taageero Kamala Harris oo xariir la sameynay ayaa ka gaabsaday inay nala hadlaan, halka kuwa qaarkood aysan ka jawaabin farriimo iyo wicitaanada BBC Somali.

Laakiin Sheekh Xasan Cali Jaamici oo ka mid ah Imaamyada Soomaalida ee Minnesota oo ka mid ah culimada doorbidaya in la qaadaco doorashada ayaa BBC u sheegay in sababta ay taladan u jeedinayaan inay tahay siyaasada labada xisbi ee Israel iyo Falastiin oo aanan wax badan ku kala duwaneyn.

Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka kaalmada hub iyo dhaqaale ee ay siiyaan Israel, xilli xiisada barriga dhexe ay cirka isku sii shareereyso.

Waxa uu sheegay in uu doonaya in hadda wax laga bedelo taladii hore ee Imaamyada iyo culumada oo doorashooyinkii hore ahayd in labada xisbi oo kala codeeyo midka loo arko in uu dhib yar yahay.

Fiiro gaar ah: Sheekadan oo nuqulkeedii hore ka soo xiganay ilo deegaanka ah oo ku sugan gobolka Minnesota waxaa lagu sheegay in imaamyada iyo culummadu ay heshiis gaareen oo ay soo saareen bayaan saxeexan oo ay ku taageerayaan Kamala Harris, laakiin hadda waxaan ogaanay in aanay sidaas ahayn