Masaajidda Minnesota oo la daalaa dhacaya maareynta kitaabbada Qur'aanka ee duugoobay

Xigashada Sawirka, Sahan Journal
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa waxaa soo foodsaaray caqabad la xiriirta maareynta kitaabbada Qura’aanka Kariimka ee duugoobay.
Maxamuud Faarax Dulyadeyn oo ka mid ah imaamyada gobolka Minnesota, islamarkaana cilmibaaris uu ka sameeyey kitaabbada dhowaan ku daabacay Wargeyska Sahan ee ka faallooda arrimaha Soomaalida Mareykanka, ayaa BBC u sheegay in kutubbada ay aad u yaallaan, isla markaana ay si dhaqso ah u duugoobaan.
Wuxuu sheegay inuusan jirin qorshe ku aaddan waxa laga yeeli lahaa kitaabbada.
"Qorshaha keliya ee loo sameeyay waa in la ixtiraamo oo qolal loo suubbiyay, marka qolalkii ayaa soo buuxsamaya meel bey yaallaan. Hooyooyinkii guryahooda uu ka batay, ardayda jaamacadaha dhigta ee xitaa kitaabbaddii gogo'ay ee ay wax ka baran jireen waxay bilaabeen inay keenaan," ayuu yiri.
Kitaabbada ugu badan ee la iibsado ayuu sheegay inuu yahay kan Qur'aanka, maaddaama dalkaas Mareykanka ay ka billowdeen tartamo dhanka Qur'aanka ah.
Mid ka mid ah dadka iibiya kutubbada ayaa u sheegay Maxamuud in waaliddiin badan ay uga soo cawdaan marka ay kutubbada Qur'aanka duugoobaan halka ay geyn lahaayeen, wuxuuna sheegay inuu kula taliyo inay masaajidda geeyaan.
Masaajidda ayaa kutubbada Qur'aanka ee duugga ah ku xareeya qol, balse haatan ay qolalka buuxsameen.
"Haddii la gubi lahaa sababta ay adkaatay waa inaad gobolka aad joogto aad la socodsiiso qolyaha deegaanka oo aad oggolaansho ka hesho. Waxaa intaa dheer ixtiraam iyo asturid loo hayo. Intii uu dayacmi lahaa diiniyan way bannaan tahay, haddana haddii la gubo dambaska kaoso hara waa in la aaso. Dhulka Mareykanka haddii aad wax ku aaseyso waa inaad dowladda ogeysiiso," ayuu yiri.
Islaamku ma aha diinta keliya ee shuruuc adag ay uga taallo maareynta kitaabbada barakeysan, sida Qur'aanka Kariimka.
Tusaale ahaan, Judaism-ka, kutubbadooda barakeysan, gaar ahaan Towrah ayaa qaababka loo maareeyo waxaa ka mid ah in la aaso.
Waxay aaminsan yihiin in kutubka keliya la gubi karo, haddii aysan waraaquhu ku xusneyn magaca Alle, balse haddii uu magaca Alle ku xusan yahay waxay qabaan in la aaso.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaalida ayaa aad loogu yaqaannaa barashada Qur'aanka Kariimka isla markaana ay kutubbo badan guryaha u yaallaan.
Maxamuud ayaa sheegay in bulshooyinka kale sida Pakistaaniyiinta ay leeyihiin mashiinno waaweyn oo kitaabbada Qur'aanka ee duugga ah lagu gubo.
"Way naga qorshe fiicna yihiin, way naga kutubbo yar yihiin, carruurtoodana sida carruurteenna Qur'aanka uma xafidsana." Ayuu yiri Maxamuud.
Imaamyada iyo hoggaamiyeyaasha masaajidda Minnesota ayaa dhowaan la kulmay Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Minneapolis si ay ugala xaajoodaan baahida loo qabo in xal loo keeno sidii loo asturi lahaa loona maareyn lahaa kutubbada barakeysan ee duugga ah.
Iyadoo hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee gobolka ay doonayaan qaab deegaanka u fiican oo loo asturi karo kitaabbada, ayaa waxaa laga yaabaa in teknolojiyadda ay xal u heyso arrintan.
Imaamyada qaar ayaa sheegaya in dad badan oo da'yar ah ay adeegsadaan app-yada Qur'aanka ee laga heli karo taleefannadooda casriga ah marka ay joogaan masaajidda, gaar ahaanna Jimcooyinka iyo inta u dhaxeysa salaadaha.
Adeegsiga app-yadan ayaa gacan ka geysan kara ilaalinta deegaanka iyo yareynta in kutubbo ay duug noqdaan, markaasna xal loo waayo maareyntooda, sida uu qabo Imaan Shucayb oo ka mid ah imaamyada gobolka.













