Maxaa haddana xalay ka dhacay Lubnaan, maxayse Israa'iil ka tiri?

Xigashada Sawirka, AFP
Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay in ka badan 450 kalena way ku dhaawacmeen maalintii labaad oo qaraxyo ka dhashay qalabka is gaarsiinta ay ka dhaceen Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaas.
Qalabkan oo ay isticmaalaan kooxda hubeysan ee Xisbullah ayaa ku qarxay koofurta caasimadda Beirut, Dooxada Bekaa, iyo koofurta Lubnaan - goobahan oo loo arko inay kooxdu ku xooggan tahay.
Qaar ka mid ah qaraxyada ayaa dhacay xilli aas loo sameynayay 12 qof oo wasaaraddu ay sheegtay inay dhinteen markii qalabka qaar ka mid ah Xisbullah uu qarxay Talaadadii. Xisbullah ayaa Israa'iil ku eedeysay weerarka. Israa'iil weli kama falcelin.
Weerarrada ayaa imaanaya iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Israa'iil Yoav Gallant uu ku dhawaaqay "weji cusub oo dagaalka ah" iyo iyadoo qeyb ka mid ah ciidamada Israa'iil loo daabulay waqooyiga.
Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa ka digay “khatarta sare ee kasii daridda xaaladda” wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka baaqsadaan arrintan.
"Waxaa cad in fekradda ka dambeysa sameynta dhammaan qalabkan si ay u qarxaan waa inay horudhac u tahay howlgal ballaaran oo militari," ayuu u sheegay weriyeyaasha.
Waxaa jirta cabsi sii kordheysa oo ku saabsan dagaalka kadib 11 bilood oo dagaal xadka ka gudbay uu socdo kaasoo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa.
Saacado kadib qaraxyadii shalay, Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray inuu soo celinayo tobnaanka kun ee ku barakacay waqooyiga dalka ayna si badqab leh ku tegi doonaan dalkooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Gaashaandhigga Yoav Gallant ayaa dhanka kale sheegay in Israa'iil ay “weji cusub oo dagaalka ah bilaabeyso” iyo in “xuddunta dagaalka ay u wareegeyso waqooyiga iyadoo la qeybinayo ciidamada iyo qalabka la heli karo”.
Qeyb ka mid ah ciidamada dhowaan ka dagaallamayay Qasa ayaa loo daad-gureeyay waqooyiga, sida uu xaqiijiyay militariga Israa'iil.
Xisbullah ayaa sheegtay inay taageereyso Xamaas -oo sidoo kale ay taageerto Iiraan isla markaana urur argagixiso ay u aqoonsan yihiin dalal badan oo Galbeedka ah - ayna keliya joojin doonto weerarradeeda xadka ka tallaabay marka uu dhammaado dagaalka Qasa.
Tallaabada xigta ee ay kooxda qorsheyneyso ayaa la ogaan karaa maanta, marka hoggaamiyahooda awoodda badan ee Xasan Nasrallah uu khudbad jeediyo.
Xafiiska warbaahinta ee Xisbullah ayaa shalay ku dhawaaqya geerida 13 ka mid ahaa dagaal-yahannadooda uuna ku jiray wiil 16 jir ahaa, tan iyo markii ay billowdeen mowjadda labaad ee weerarrada.
Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxda ay ku beegsatay ciidamada Israa'iil meel u dhow xadka iyo Buuraha Golan ee ay Israa'iil heysato maalintii, iyagoo gantaallo ku garaacay goobaha madaafiicda ee Israa'iil.
Militariga Israa'iil ayaa sheegay in ilaa 30 gantaal ay kasoo gudbeen Lubnaan shalay, iyagoo sababay dab balse aysan cidna ku dhaawacmin.
Wuxuu sheegay in diyaaradaha Israa'iil ay dagaal-yahannada Israa'iil ku weerareen koofurta Lubnaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaraxyadii ay dadka ku dhinteen ee shalay ayaa dharbaaxo kale ku ah Xisbullah waxaana laga yaabaa inay caddeyn u tahay in dhammaanba qalabka ay ku wada xiriiraan ay Israa'iil ku lug leedahay.
Dad badan oo reer Lubnaan ah ayaa weli yaabban - oo ka carooday - waxa dhacay Talaadadii, markii kumannaan qalabka is gaarsiinta ay isla hal waqti qarxeen, kadib markii ay dadku heleen farriin ay moodeen inay uga timid kooxda.
ilaa 12 qof - oo ay ku jiraan gabar siddeed jir ah iyo wiil 11 jir ah - ayaa dhintay halka 2,800 oo kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Koox BBC ka socotay ayaa shalay ku sugneyd duugta afar ka mid ah dadkii ku dhintay xaafadda koofurta Bayruut ee Dahiya markii ay maqleen qarax weyn abbaare 17:00 waqtiga dalkaas (14:00 GMT).
Jahwareer ayaa ku dhacay dadkii u baroor-diiqayay ehelkooda dhintay, kadibna waxaa soo baxay warar sheegaya in qaraxyo ay sidoo kale ka dhacayaan qeybo kale oo dalka ka mid ah.













