Xisbullah iyo Israa’iil oo qarka u saaran dagaal toosa oo dhexmara

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, waxaa jirta cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dagaal kale oo uu Bariga Dhexe ka qarxo, kaas oo yeesha cawaaqib xunna ku yeesha gobolka iyo meelo kale.
Israa’iil iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah ee Lubnaan oo ay Iiraan taageerto ayaa iska hor imaadyo ku dhexmareen xadka sagaalkii bilood ee la so dhaafay. Iyadoo wali xiisadda u dhaxaysa ay sii kordhayso.
Haddii iska horimaadku sii balaarto waxaa laga cabsi qabaa inuu isu beddelo dagaal toosa oo dhinacyada dhexmara kaas oo soo jiidan kara maleeshiyaadka ay Iran taageeero ee Ciraaq, Suuriya iyo Yemen. Wuxu sidoo dagaalku ku faafi Bariga Dhexe oo dhan, waxayna soo galin kartaa dagaalka Maraykanka iyo Iiraan lafteeda oo iyaduna soo farafelin karta.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay "musiibo ka baxsan mala-awaalka."
Hadda, dagaal heer hoose ah ayaa kuleylaha xagaaga laga dareemi karaa meel 120km u jirta xaduud. Hal dhimbil oo halkan ah ayaa iftiimin karta Bariga Dhexe oo dhan.

Xigashada Sawirka, BBC / Goktay Koraltan
Xeebaha xiga soodinta ka sokow hirarka soo jabaya iyo hugunka ciyaaraha paddle, waxa jira dhawaq xoog leh oo laga maqlay oo gilgila halkan.
Wax yar ka dib qiiq ayaa cirka isku shareeray meel buur ah oo fog ka dib markii Israa’iil ay weerar fulisay.
Huteel dalxiisa oo aaggaas ah ayaa dhowr qof oo ka mid ah oo qorraxaysi u so baxay ay si kooban sawir ugu qaadeen figta buurta ee qiiqu ka muuqdo.. Kuwa kale oo goobtaa ku sugnaa iyagu isma dhaqaajin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaraxyada ayaa qayb ka ah dhawaqa xagaagan oo laga maqlay magaalada qadiimiga ah ee Tayre ee Lubnaan, iyadoo Xisbullah iyo Israa'iil ay rasaas isku weydaarsanayaan xadka meel 25 kiiloomitir u jirta.
"Maalin kale, bam kale," ayuu yiri Roland, 49 sano jira isagoo gariiraya, wuxuu dulsaarnaa sixnad biyaha dusheeda sabaynaysa . Waxa uu ku nool yahay dalka dibadiisa balse fasax ayuu ku yimi.
Saaxiibkiis Mustafa, oo 39 sano jir ah ayaa sheegay "Waan la qabsanay si uun si bile ah, in kasta oo carruurtu ay weli xoogaa cabsanayaan." Jugta qaraxa ayaa ruxday gabadhiisa Miral oo toddobo sano jir ah iyadoo ka soo baxda barkaha biyona ka tifqayaan.
"Marka ay maqasho qarax, waxay had iyo jeer waxay i waydiisaa, 'miyuu jiri doonaa bam hadda?'" ayuu yiri Mustaf.
Horraantii Bishan qoyska Mustafa, waxay ku sugnaayeen gurigooda oo ku xaafada Tira, xilli ay u fadhiyeen cuno cunayeen, waxa dhcaay dhacay qarax weyn. Israa'iil waxay dishay taliyihii sare ee Xisbullah, Mohammed Nimah Nasser.
Dadka ku qoraxaysanaya xeebta magaalada Tayre, waxaa ka khasaaraya waqtigooda. Magaaladan ayaa ayaa xudun u noqon doonta dagaal marka uu dagaal dhan walba ah dhaco, Magaaladan ayaa noqon doonta mid ku dagaalami doonta dagaalka marka uu dhaco dagaal dhan walba ah, iyadoo ay weheliyaan inta kale ee koonfurta Lubnaan, oo ah xarun ay ku xoogan yihiin Xisbullah.
Iska horimaadka oo sii kululaanaya

Xigashada Sawirka, AP
Siddeedii octoobar sanadkii hore, hal maalin ka idb markii rag hubaysan oo ka tirsan Xamaas ay weerar ku qadeen Israa’iil halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah iyo sidoo kale 251 kale oo ay qafaasheen. Xisbullah oo ah koox shiico ah oo hubaysan ayaa sheegtay inay ku biirtay taageerada Qasa, balse isla markiiba Israa’iil ayaa ka falcelisay.
Xisbullah, oo sidoo kale ah xisbi siyaasadeed, ayaa ah mid weyn ku leh Lubnaan. Laakiin si ka duwan Xamaas, Hezbollah ayaa awood u leh inay si dhab ah ugu hanjabto Israa’iil.
Waxa la rumaysan yahay in ay haysato Xisbullaah, hub ka badan 150,000 oo garnaylo iyo gantaallo qaarkood si sax ah loo hago oo awood u leh in ay waxyeello culus gaystaan.
Iran oo iyadu taageerta Xisbulah, waxay si weyn uga soo horjedaa Israa'iil , waxay ku faraxsan tahay inay tababarto oo ay maalgeliso cadawga Israa’iil.
Colaadda ayaa sii kululaatay, iyadoo kumannaan weerar laga isku waydaarsaday xuduudda.
Wadamada qaar oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Holland, Canada, Sacuudiga iyo UK, ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan iyagoo kula taliyey kuwa kale inaysan u safrin.
Balse labada dhinac Israa’iil iyo Lubnaan labada waxyeelo dadka degan soodimaha waxaa soo gaartay dhibaato, in ka badan 90,000 oo Lubnaan ah iyo ilaa 60,000 oo Israa'iil ah ayaa guryahoda ka tagay.
Saraakiisha Israel ayaa sheegay in 33 qof ay ilaa hadda ku dhinteen weerarada Xisbullah oo u badan askar, balse khasaaraha Lubnaan ayaa aad uga sarreeya oo gaaraya 466, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Inta badan dadka dhintay ayaa ahaa dagaalyahanno.
Iyadoo weeraradu sii socdaan, waxaa dhibaato gaarayaan qoysaska labada dhinac.
Lamaane u dhashay Israa’iil ayaa gaari ay saarnaayeen haleelay gantaaladda kooxda Xisbullah xilli ay ku sii jeedeen gurigooda oo ku yaala buuraha Golan Heights ee dalka Suuriya oo ay Israa’iil haysato.
Koonfurta Lubnaan saddex carruur ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay horraantii toddobaadkan. Waxay da'doodu u dhexaysay afar ilaa siddeed jir, waalidkoodna waxay ahaayeen shaqaale beeralay ah oo Suuriyaan ah.
IDF waxay ansixisay "qorsheyaal hawlgal oo weerar ah ku socda Lubnaan" bil ka hor.
Laakiin haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbulah oo isu ah laba cadow oo soo jireen ah - waxaa laga yaabaa in dagaal dhan walba ah uu yimaad.














