Shantii nin ee hoggaamisay Itoobiya iyo sida ay ugu hadleen baadigoobka bad ay helaan

Xigashada Sawirka, Google
- Author, Nimaan Osman
- Role, BBC
Juqraafi ahaan barta uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika iyo xeebaha badda Cas waxa ay muddo dheer xuddun u ahaayeen xiisadda juqraafi-siyaasadeed ee gobolka ka taagan. Ka hor quwadaha reer Yurub iyo kaddibba waxa uu ahaa goob si weyn isha loogu hayo.
Hoggaamiyayaashii kala duwanaa ee soo maray Itoobiya waxa la rumaysan yahay in mid kasta oo ka mid ah aanay qorshihiisa ka madhnayn danaha uu ka leeyahay Badda Cas.
Taariikhyahannu waxa ay aamminsan yihiin in riyada Itoobiya ee xeebaha Badda Cas ay soo jirtay ilaa xilliyadii Boqor Yohannes-kii Tigreega iyo taliskii ay Gonder xarunta u ahayd ee Boqor Tewodros. Waxaa se danaha dhabta ah ee Itoobiya uu bilowday Boqortooyadii Menelik oo lagu tilmaamo aasaasaha Itoobiyada Casriga ah.
Bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, raysalwsaaraha Itoobiya oo soo xiganaya hadal taariikh ah oo laga reebay dagaalyahan Itoobiyaan ah oo la odhan jiray Ras Alula Abba Negga waxa uu yidhi “Badda Cas waxay ahayd soohdinta dabiiciga ah ee Itoobiya waanay ahaan doontaa.”
Boqor Menelik iyo Itoobiyada cusub

Xigashada Sawirka, Google
Kaddib markii Talyaanigu uu ku jabay dagaalkii Cadwa sannadkii 1896, boqorkii Itoobiya ee xilligaasi Menilik waxa uu is tusay in la joogo xilligii Itoobiya ay qayb weyn ka qaadan lahayd biyaha Badda Cas oo saamaynta Itoobiya ku leedahay ay hoos u dhacday intii uu dalkaasi gacanta u galay gumaystaha Talyaaniga.
Boqor Menelik waxa uu dejiyay siyaasad hor leh isaga oo Faransiiska ka dalbaday in Jabuuti ay noqoto dekadaha rasmiga ah ganacsiga, halka Maxmiyaddii Ingiriiska uu wayddiistay in dekadda Saylac looga dhigo aag cashuur la’aan ah oo ay ka soo degaan badeecadaha Itoobiya.
Markii la gaadhay 1917 Boqor Menilek waxa uu goobjoog ka noqday waddo tareen oo isku xidhaysay Jabuuti iyo caasimadda markaas cusbayd ee Addis Ababa.
Qoraaga Soomaaliga ah ee Nuuraddiin Faarax waxa uu ku qoray maqaal lagu daabacay Wargayska Horn of Africa Journal, 1978, hadal uu qoraagu ku sheegay in Boqor Menilek uu kula hadlayay quwadaha Reer Yurub oo u dhignaa:
“Dalkaygu aad buu uga fog yahay dalkaaga. Waddada aan u maro xeebta, Saylac, Tajuura iyo Cadan hadda waa ay xidheen muslimiintu. Waxay hor taagan yihiin in dalkayga ay soo galaan sahayda, hubka, agabka beeraha, farsamayaqaannada ama xitaa wadaaddada faafiya Diinta. Si naxariis leh, codkaaga xooggan ma ugu biirin kartaa si uu iigu furmo jidkan oo muhiim u ah in dalkaygu helo ilbaxnimada, sirdoonka iyo farshaxanka Yurub?”
Qoraagu waxa uu intaas raaciyay in Boqor Minelik uu Quwadaha Reer Yurub u sheegay kuwa ay yihiin dadyowga ka hortaagan biyaha Badda Cas. Waxaanu yidhi “Muslimiintii naga xidhay dariiqa badda ma ahayn Soomaalida Saylac iyo Tajoora, balse waxay ahaayeen Khaliifadii Masaarida oo maamulaysay dhammaan xeebaha Soomaalida islamarkaana hayay furaha Baab Al Mandab, Xaafuun, Berbera iyo Ogaadeen oo ay ku jirto magaalada Harar.”
Boqor Xayle Sellaase iyo aasaaskii ciidanka Badda

Xigashada Sawirka, Google
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii uu xilka hayay Ras Taferri Mekonnen oo loo yaqaanno Boqor Xaylle Sellaase-aha kowaad waxa ay Itoobiya heshay xeebo iyo dekado ku yaalla Badda Cas kaddib markii Qaramada Midoobay ay Eriteriya ku dartay Itoobiya.
Sannadkii 1955 Itoobiya waxay samaysatay ciidan badeed oo saldhig looga dhigay dekadda Masawac ka hor intii aan laga dhigin qayb ka tirsan ciidammo saddex ah oo ay Itoobiya leedahay.
Sida ay daabacday waaxda taariikhda ee Maraykanka booqashadii Xaylle Sellaase uu ku tagay Washington, bishii July, 1969 waxa uu Maraykanka ka dalbaday in la siiyo taageero millateri maaddaama uu dalkiisu wajahayo cabsi ku gadaamman Badda Cas oo kaga imanaysa Midowga Soofiyadka, Dalalka Carbeed iyo waddamada gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto.
John Drysdale, taariikhyarahan Ingiriis ah oo inta badan noloshiisa ku qaatay Soomaaliya, 2016-kii na ku geeriyooday Hargaysa waxa uu hadda ka hor qoray maqaal uu u bixiyay ‘Muranka Somaalida’ sida uu Boqor Xaylle Sellaase ahmiyad weyn u siinayay biyaha Badda Cas.
“Imbaraadoor Xaylle Sellaase 1931-kii isaga oo boqor ka ah Itoobiya, wuxuu mar kale soo nooleeyay hammigii boqorradii ka horreeyay ee ku aaddanaa biyaha diirran ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,” ayaa uu yidhi John Drysdale.
Mengistu iyo dekadda Casab

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gennet Ayele, wariye iyo qoraaga buugga Xasuustii Kornayl Mengistu Haile Maryam oo hoggaamiyahan kula kulantay gurigiisa hawlgabka ee magaalada Haraare ee dalka Zimbabwe ayaa sheegtay in hoggaamiyahani uu u sheegay haddii uu talada hayn lahaa uu soo celin dekadda Casab.
Wariyaha ayaa ku kedisay su’aal ahayd ‘maxaad ka yeelaysaa sharciyada caalamka.’ Kornayl Mengistu waxa uu wariyaha u sheegay in aanu dheg u dhigi lahayn waxa ka dhalanaya, beddelkii shacabka maalyiinta ah ee Itoobiya ay noqon lahaayeen kuwo biyaha badda ka tuugsada qayrkood.
Mengistu ayaa talada Itoobiya hayay intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1991 ka hor intii aanu dalka ka cararin. Xilliyadaas uu madaxweynaha ahaa, Itoobiya waxa gacanteed ku jirtay dekadaha Casab iyo Masawac oo xilligan ka tirsan dalka Eriteriya.
Dakad la’aantii Itoobiya ilaa hadda
Dalweynaha Itoobiya oo ka mid ah kuwa caalamka ugu qadiimsan uguna dadka badan Qaaradda Afrika ayaa ku biiray waddamada aan badaha lahayn sannadkii 1991-kii xilligaasi oo Ereteriya ay noqotay dal ka madax bannaan Itoobiya inteeda kale.
Go’itaanka Eriteriya iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay waxay soo afjareen jiritaanka ciidammadii Badda ee Itoobiya, sannado koobanna waxaa meesha ka baxay gebi ahaan roondadii ay ka samayn jireen biyaha Badda Cas kaddib markii ay Yaman soo eriday maraakiibtii Itoobiya ee halkaasi joogay.
Intaas wixii ka dambeeyay waxaan suurtagal noqonin filashadii laga qabay in ciidammada badda ee Itoobiya ay sii jiri karaan waxaanay Itoobiya ku hungawday codsi ay Eriteriya kaga dalbatay in laga kireeyo dekadaheeda.
Bad la’aantu waxa ay Itoobiya badday in ay adeegsato dekadaha Jabuuti wax ka badan 90% boqolkiiba.
Qorshaha Itoobiya ee xilligan iyo doonista marin toos ah oo badda ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Sannadkii 2018 kursiga Araat Kilo ee looga taliyo dalkaasi waxa ku fadhiistay raysalwsaaraha hadda xilka haya Abiy Axmed. Taasi waxa ay gabagabo u ahayd maamulkii TPLF oo dalkaasi xukumayay muddo ku dhow 30 sano. Abiy oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee xilkan qabta ayaa sii waday qorshaha bad raadinta ee Itoobiya.
Waxa uu dib boodhka uga jafay ciidammadii badda ee Itoobiya waxaana 2019-kii ay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha ciidamada.
Doodda Itoobiya ee ku aaddan in ay raadinayso adeeg toos ah oo ay ka hesho Badda Cas waxa uu yimid in raysalwsaaraheedu uu si bannaanyaal ah ugu sheegay baarlamaanka dalkiisa in jiritaanka Itoobiya uu ku xidhan yahay hadba inta ay u jirsadaan biyaha Badda Cas.
“Waxa jira dad cabsanaya oo ku dhahaya, haddii arrintan la taabtaabto waxa aan isku dhici karnaa Eriteriya ama Jabuuti. Waxaan u sheegayaa 50 milyan ayaad ahayd, hadda se 150 milyan ayaad noqonaysaa dhowr sano kaddib. Dadkaasi kuma noolaan karaan xabsi-juqraafiyadeed sababta oo ah waxa jirta baahi daran. Jeclow ama necbow dadkaasi way qarxayaan maalin maalmaha ka mid ah,” ayaa uu yidhi Abiy Axmed.
Bilowgii sannadkan, Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis isafagarad ah oo Addis Ababa ay ku doonayso in dekad ganacsi iyo saldhig ciidan laga siiyo xeebta Lughaya.
Arrintan oo muddooyinkii la soo dhaafay ahayd hadal haynta ugu badan ee xiisadaha geeska ayaa dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda.
Itoobiya waxa ay marar badan oo hore sheegtay in ay sharciyad ay u leedahay Badda Cas. Khudbad saacado qaadatay oo Abiy Axmed uu ka horjeediyay baarlamaanka dalkaasi, bishii October ee kal hore waxa uu soo xigtay hadal uu hore u jeediyay Boqor Xayle Sellaase. Waxa uu yidhi:
“Muddo laga joogo 70 sano ayaa Xaylle Sellaase oo ka hadlay arrinta biyo-xidheenka webiga Niilka markii loogu hanjabay in aanu biyo-xidheen ka dhisi karin webiga waxa uu ku calaacalay xilligaasi, anigu awood uma lihi maanta laakiin ubadkayga ayaa awood u yeelan doona. Si la mid ah anigu maanta haddii aan awood u yeelan waayo Badda Cas carruurtayda ayaa u yeelan doonta.”
















