Sida wiilka ku dhashay Dhagaxbuur uu duuliye uga noqday mid kamid ah diyaaradaha ugu waawayn Afrika

Hamze Dahir

Xigashada Sawirka, Xamze Dahir

    • Author, Maxamed Bashi Khaliif
    • Role, Wariye, Nairobi

Gugii 1996 dii, ayaa wiil yar ku dhashay degmada Dhagax-buur oo haatan ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida. Wiilka ayaa u dhashay qoys ganacsi yar ku lahaa deegaankaoo nolosha uun ay ku dabaraan.

Xilligaas ma jirin rajo sidaas oo wayn oo ay qabayn qoyskaan Soomaalida ah. Balse wiilkii yaraa ee Xamse ayaa dhawr iyo laabatan sano kadib sameeyay guul aysan xitaa waligood ka filayn qoyska uu u dhashay.

Sanado yar kadib qoysku waxay awoodeen in ay waxbarasho geeyaan wiilkooda, isaga oo markii uu afarjir ahaa la kowsaday barashada quraanka. Wuxuu dhameeyay isagoo labo iyo toban sano jir ah quraankii.

Xilligaas ayuu waxbarashada maadiga ah ka bilaabay iskuul la yiraahdo Iskoolada Xaaji Cali Xaydar isaga oo markii dambana usii badashay iskuul ala yiraahdo Shiikh Muumin oo isna ku yaalla isla Dhagax-buur.

Yaraantiisii Xamse Daahir wuxuu aad u jeclaa inuu waqtigi galiyo samaynta diyaaradaha caruurtu ka sameeyaan warqadaha, ka dibna dabaysha la raaciyo si ay u duusho, laakiin marna kuma fakarin inuu noqon doono duuliye diyaaradeed.

Iskoolka Xaaji Cali Xaydar oo Xamse ka bilaabay aqoonta maadiga ah waxaa ku dhawaa garoon diyaaradeed oo an cidi adeegsan, agagaarka iskoolkana waxaa taalay diyaarad xumaatay xili hore oo ay lahayd shirkada shirkada Ethopian Airline, waxay ka mid tahay waxyaabaha uu haatan ka xusuuta caruurnimadiisii maadama ay haayd diyaaradii ugu horeysay ee uu waligiis indha saaro.

Sanadkii 2012-kii dowlada federalka Itoobiya ayaa badashay manhajka waxbarashada xiligaas oo Xamse ku guda jiray fasalka labaad ee dugsiga sare, isbeddelkaas ayaa caqabad ku keenay waxbarashadiisii sabatooo ah deegaanka kama aysan jirin macalimiin fahmi karay manhajka cusub oo ka baxsan kuwa iskuulkooda.

Markii danbana wuxuu u soo hayaamay magaalada Jigjiga si uu u helo fursad ugu fiican ee fahanka xaga waxbarashada ee magaaladiisii.

Noloshii Xamse ee Jigjiga

jigjiga jamacada

Xigashada Sawirka, XAMSE

Qoraalka sawirka, Maalintii qalin jabinta Xamse Daahir ee jaamacada Jigjiga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jigjiga waxaa Xamse ku qabsatay halgan nololeed oo adag isagoo xitaa mararka qaar waayey wixii uu ku dabari lahaa noloshiisa.

Balse garab uu ka helay mid kamid ah macalimiintiisa ayaa fursad u siisay inuu noqdo macalin guri dhiga xisaabta iyo fiisigiska, halkaas oo uu ka helay kab dhaqaale oo uu noloshiisa ku maareeyey.

Wuxuu aad ugu fiicnaa Xamse maadooyinka Xisaabta iyo Fiisigiska isagoo sidoo kale macalin kaga noqday intii waxbarashada ku guda jiray magaalooyinka Dhagax buur iyo Jigjiga.

Sanadkii 2014-kii ayuu Xamse ku biiray Jaamacada Jigjiga qaybteeda cilmiga Injineernimada halkaas oo bilowga sanadkii 2019-kii ku soo dhameeyey heerkiisa kowaad ee jaamacada oo ku qadatay shan sano kuna bartay cilmiga injineernimada ee ‘Hydraulic engineering’ ee dhismaha biyo xireenadda.

Shahaadada heerka labaad ayuu sidoo kale ku diyaariyey cilmiga Hydraulic engineeringka.

Hamigaan wuxuu rumeeyey isagoo ay hore maskaxdiisa ugu jirtay inuu dhiso mashaariic la mid ah biyo xireenka ugu weyn ee Itoobiya ee “Grand Ethiopian Renaissance Dam” si deegaanka Soomaalidu u helo koronto laga dhaliyo biyo xireeno la sameeyey.

Xamse, kolkii uu dhameeyey jaamacada wuxuu helay fursad naadir ah oo ay soo bandhigeen maamulka biyo xireenka ‘GERD’ oo ahayd in ardayada dalka ee kaalimaha sare ka galay jaamacadaha ay siinayaan fursad aqoon kororsi ah oo ay ka howlgalayaan xarunta biyo xireenka.

Maadaama uu jaamacadda kaga baxaay darajada afaraad oo ahayd mid ka mida shuruudaha ku xirnaa inuu khibarad kororsi u aado halkaas, ayuu fursadaas ku helay.

Safarkiisii jigjiga ilaa xarunta biyo xireenka “Grand Ethiopian Renaissance Dam” waxay Xamse, ku dhalisay fursad ka dahsoonayd intii hore ee uu ku sugnaa deegaanka Soomaalida.

Xamse

Xigashada Sawirka, XAMSE

Qoraalka sawirka, Xamse Daahir iyo Injineerada kale oo ku sugan xarunta biyo xireenka ee "Grand Ethiopian Renaissance Dam”

Sida uu ku helay fursada duuliyanimo

duuliye Xamse

Xigashada Sawirka, XAMSE

Qoraalka sawirka, Xamse oo loo xirayo xariga saddexaad ee duulinimada.

Fursadii naadirka ahayd ee uu helay Xamse, iyo khibradiisii uu kororsaday waxay indhaha u furtay inuu yeesho yool uu yaraantiisii jeclaa.

Maalin uu ka safray Addis Ababa isagoo ku sii jeeda magaalada Asosa oo qiyaastii 100 kilometer u jirta xarunta biyo xireenka ayuu arkay arday buuxinaysa deeq waxbarasho oo ay soo bandhigtay shirkada diyaaradaha ee Itoobiya ee ‘Ethopian Airline’ taas oo lagu qaadanayey arday la barayo duuliyanimo.

Wuxuu isku dayey inuu ka faa’iidaysto fursadaas basle marna si qoto dheer maankiisa uma galin in uu heli doono, maadama qof ka soo jeeda deegaankiisa uusan uga horeyn, waxayse ka hayad "ha daalin waa gaari doontaaye".

Shirkadda Ethopian Airline, waxay qorshahaan u bandhigtay ilaa sodon iyo sideed jaamacadood oo ku yaala guud ahaan Itoobiya inay soo gudbiyaan ardayda ugu qayb noqonaysa barnaamijkaas.

Tartan ay galeen ilaa 15,600 oo arday guud ahaan Itoobiya ayaa laga doonayey inay ka soo baxaan boqol qof oo qayb ka noqda deeqda waxbarasho ee duuliyenimada.

Xamse, wuxuu ka mid noqday ardaydaas imtixaamka u galay fursadaas wuxuuna sugay nasiibkiisa.

Galab ayaa saaxiibkiisa oo soo arkay natiijadu ku wargaliyey inuu ka mid noqday dad la soo dhajiyey magacyadooda oo la sheeay inay guulaysteen.

Xaqiijin ka dib, Xamse wuxuu farxada la wadagaagay hooyadiis oo wali ku sugan degmada Dhagax buur. Wuxuu marar badan sheegay "in hadafkiisa oo fogaa iyo dadaalkiisa ay barbar socotay ducada waalidkiis".

Jiho kale oo waxbarasho ayaa Xamse u bilaabatay sanadkii 2020-kii, wuxuu galay waxbarashadii duuliyanimadii uu yaraantiisa jeclee, wuxuuna rajaynayey in diyaaradii warqada ahayd ee duulin jiran ay maalin uun isugu badasho diyaarad uu isagu duuliye ka yahay.

Riyadan ayaa u rumowday bishii Agoosto sanadkii 2022-kii, markii Xamse uu duuliye ka noqday diyaarad kaligaas uu wado oo ka kacday garoonka diyaaradah ee magaalada Bahar-daar, taas oo qayb ka ahayd barashadiisa duuliyanimo.

Maalintii ugu farxada badnayd Xamse

duuliye xamse

Xigashada Sawirka, XAMSE

Qoraalka sawirka, Duuliye Xamse Daahir

Ka sokow inuu xaqiijiyey hadafkiisii inuu noqdo duuliye, laakiin maalintan duulimaadka uu Xamse wado way ugu duwan tahay kuwii ka horeeyey ee duuliyey gudaha iyo dibada Itoobiya.

Waa xilli barqo ah abaaro 10: 26 xiliga Itooobiya, Xamse wuxuu maalintaan oo Isniin ahayd diyaaradii uu duulinayey dulmaraysaa Dhagax Buur halkii uu ku dashay iyo magaaladii uu ku arki jiray diyaaradii ay lahayd Ethopian Airline ee ku ciyaari jiray, laakiin isagoo isla diyaarad ay leedahay shirkadaan duuliye ka ah ayuu indhaha ka bogtay cirka oo daruur lahaa. Dareenkiisu wuxuu dib ugu celiyay xasuus ah in guusha uu gaaray ay mar riyo u ahayd.

Waligiis kuma soo dhicin inuu hawada sare ka eegi doono isagoo diyaarad wada magaaladiisa Dhagax Buur.

Sidoo kale Xamse, oo marar badan duulimaadyo kala duwan galay, waxaa gaar u sii ahayd maalintii uu diyaarada ka dajiyey magaalada Jigjiga oo ahayd meesha labaad ee noloshiisa ugu suntan si gaar ah.

Xamse Daahir Muxumud, hadda waa duuliye ka mida duuliyaasha diyaaradaha shirkada Ethopian Airlines oo ah tan ugu saameynta badan Afrika.

Dhabadaas uu jeexay Xamse, iyo furasadii uu ka helay meel deegaankiisa ka fog wuxuu u bandhigay dhalinyaro deegaankiisa ka soo jeeda oo fursadan horey loogu gayn deegaankooda taas oo horseeday in arday hadda ay hadda hayaan jidkii uu Xamse maray.

Arrinta xusidda mudan ee naawilayo Xamse xiligan oo duuliye yahay waa in uu Hooyadiis u rumeeyo hadal ay oron jirtay muddo labaatann sano ka hor marka ay aragto diyaarad hawada maraysa habeenkii, kaas oo ahaa, "Goorma ayaan diyaaradaas ku tagi doonaa Xajka?".