Qilaafka Hawada : Soomaaliya oo sheegtay in hawada dal daris la carqaladeeyay iyo Somaliland oo iska fogeysay

Diyaarad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Somaliland inay ka talowday carqaladaynta hawada ee Soomaaliya una gudubtay wadan daris ah sida ay BBC-da u sheegeen masuuliyiinta Haya’adda Duulista ee Soomaaliya, balse Somaliland ayaa eedaas iska fogeysay.

Maareeyaha haya’dda Duullista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan ayaa BBC-d u sheegay in Hargeysa ay qadka u galeen diyaarad ku duulaysay marinka hawada ee Qabri-Dahar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee ay maamuso dawladda Itoobiya.

Axmed Macallin wuxuu sheegay in hagayaasha diyaaradaha ee Hargeysa ay la xiriireen diyaarad oo laga lahaa Talyaaniga taas oo ka timid dalka Mauritius kuna socotay magaalada Rome.

“Hargeysa ayaa raadiyaha kula xiriiray diyaarada, waxayna isku dayeen inay joogga ka badalaan, waxaana ka joojiyey Addis Ababa," ayuu BBC da u sheegay.

Hay'adda Duulista iyo Madaarada ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, ayaa BBC-da u sheegtay inaysan waxba ka jirin eedeymahaas oo ay iyagu ku egyihiin xadka hawada ee ay maamulaan.

Maareeyaha guud ee Haya’addaas Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa BBC-da u sheegay in eedeyntaasi tahay mid aan sal iyo raad lahayn ayna ilaaliyaan sharciga caalamigaa ee marinada hawada.

‘‘Somaliland iyo Itoobiya marinka hawadu waa cad yahay, mana dhaafno anagu xadkeena waligeedna ma dhicin, laakiin hadalka uu yiri maareeye Axmed waxay tahay inuu doonayo in Itoobiya iyo Somaliland oo isku wanagsan malaha xumee mahee ma jirto taas anigu waligayo ma aanan la hadlin diyaarad aan marayn xadkeena hawada” ayuu intaas ku daray Sayid.

Itoobiya ayaan wax war ah wali ka soo saarin arrintaan.

Is eedeynta labadaan hay'adood ayaa isi soo tareysa todobaadyadaan iyada oo aysan jirin cid si madaxbanaan baaritaan ugu sameysay waxa ay isku hayaan.

MURANKA HAWADA

Xigashada Sawirka, HAYA'ADDA DUULSITA IYO MADARADA EE SOMALILAND

Eedeymo kale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maalinimadii shalay ayaa qoraal ay boggeeda Facebook ku daabacday Hay'adda Duulista iyo Madaraada ee Somaliland waxay ku sheegtay "in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya", kuwaas oo kala ah duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Warka ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay "in labada diyaaradood la saaray laba khad oo isku dhaw oo kala ah, 40,000 ft iyo 39,000 ft, taas oo qatar galisay duulimaadyada, balse fariin digniin ah oo uu bixiyay qalabka ka diga isku dhaca keena shilalka ee saaran diyaaraduhu TCAS uu badbaadiyay,"

Qoraalka lagu daabacay bogga hay'adda ayaa waxaa wehliyay muuqaal laga duubay shaashad, kaas oo cod laga dhex maqlayo ay hay'addu sheegtay in ihiin duuliyayaasha oo wada hadlaya. Balse BBC du si madax banana uma xaqiijin karto dhamaan sheegashooyinkaas.

Dhanka Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo BBC du la xariirtay waxay sheegeen “in aysan jirin wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jireen laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka”.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa khatar, balse ay ahayd mid wargalin uun ah (Advisory).

BBC da ayuu u xaqiijiyay in ay xiriir la sameeyeen diyaaradda Qatar Airways oo ay saareen khadka 40,000, halka tan Itoobiya aysan iska badan qorshaheedii hore ee ay ku socotay.

Waxa uu sheegay in diyaaradda Itoobiya ay rakaab ka maraysay dalka Jabuuti, halkaasna ka dagtay iyada oo isticmaaleysay khadkii ay qorsheysatay inta aysan duulin ka hor.

BBC da ayaan si madaxbanaan u xaqiijin karin dhamaan xogaha ay kala sheegeen labada dhinac.

Bilowgii Khilaafka

Muuse iyo Abiye

Xigashada Sawirka, REUTERS

Xiisada u dhaxaysa Sooomaaliya iyo Soomaaliland ee wali ka taagan maamulka hawada ayaa timid ka dib diyaarado u socday Hargaysa oo ay jojiyeen hayada duulista ee Soomaaliya.

joojinta diyaaradahaas ayaa timid kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya laga kireeyo dhul xeebeed dhan 20 km, kaas oo ay ka dhisan doonaan saldhig ciidamada badeed ah oo ay Itoobiya leedahay. Soomaaliya ayaa ka carootay heshiiskaas.

Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, waxaa markii u horeysay ee waalac noocaan ah ka dhashay hawada Soomaaliya xilligaan oo xiisadi ka jirto gobolka geeska Afrika.