Axmed Macallin: Hawada Soomaaliya waa qeyb ka mid xorriyadda iyo calanka Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo ayaa qalabka casriga ah ee lagu maamulo hawada Soomaaliya tijaabiyay markii Muqdiso loo soo wareejiyay

Xigashada Sawirka, RADIO MOGADISHU

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo ayaa qalabka casriga ah ee lagu maamulo hawada Soomaaliya tijaabiyay markii Muqdiso loo soo wareejiyay

Ayadoo Soomaaliya ay ku jirto qorshe ay sare u qaadayso mamulka duullimaadyada iyo hawada ayaa waxaa soo baxaya in uu jiro muran ku saabsan sida ay taas ku hanan karto.

Hay'adaha qaarkood ayaa walaac ka muujiyey in weli aysan hay'adaha Soomaaliya ee arrimahaas u xil saaran u diyaarsanayn in sare loo qaado.

Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha hay'adda duullimaadyada rayidka ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay, isagoo ku dooday in Soomaliya ay ka horrayso dalal badan oo nidaamkeeda maamulka hawada uu wanaagsan yahay.

Axmed Macallin oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sidoo kale ibaaxay inaysan jirin wax muran la yirahdo hawada Soomaaliyana muran maba geli karto.

"Hawada Soomaaliya waa qeyb ka mid xorriyadda iyo calanka Soomaaliya, Kenyana si cad oo la isla wadaogyahay ayaan kala soo wareegnay. Dhanka kale markii Hay'adda Caalamiga ah ee ICAO, hawooyinka caalamka waxaa lagu qiyaasaa G ilaa A inagana markaasi waxaan joognay heerka ugu hoseeya ee G oo ah talo bes aad bixineyso oo aadan amar siin karin duuliyaha marka in laga tago heerka G oo la gaaro heerka A waxay u baahantahay qodobo fara badan, shaqaalihii waan tabarnay, shuruucdii waan hormarinay, iyagana la wadaanay ICAO qeyb ayay ka tahay hormarinta Soomaaliya."

Hase yeeshee ICAO oo ah hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga ayaa 16-kii bishii December 2021ka ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya. Sida lagu baahiyay website-ka Hiiraan Online.

Waxaa la sheegayaa inuu hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.

Balse Axmed oo ay BBC-da weydiisay waxa ka jira arrintaas ayaa yiri: "Hay'adda ICAO oo caalami ah oo la isku halleyn karo ayaan kala soo wareegnay marka caqliga saliimka ah ayaan ku siinayn in hay'adda Qaramada Midoobay kala soo wareegno oo haatan iyadoo gacanta Soomaaliya ku wareejino shirkad kale marka waa astan qaran gacanta soomaaliya ayay ku jirtaa weligeena kama baxayso."

"Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay tahay dalka keliya ee aysan ICAO kormeer ku sameyn marka waxaan rabnaa inay kormeer ku sameyso inagana aan iska sii saxno waxyaabaha dib noo dhigi karo."

Garoonka Adan Cadde

Xigashada Sawirka, Reuters

Horaantii sanadkii 2018-kii, dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay shaqaalihii hay'adda duulista hawada Soomaaliya, kuwas oo ka howgali jiray magaalada Nairobi, balse haatan laga maamulo magaalada Muqdisho.

Arrinkan oo soo billowday sanadkii 2016-kii ayaa xilligaas waxaa dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay qalabka maamulka hawada, waxayna arrintaas dowladda Federaalka ka caawisay in aysan Kenya u daba istaagin maamulka hawada.