Toban cunto oo sare u qaada firinfircoonida iyo farxadda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka niyaddaadu hooseyso ama aad dareento firifircooni yari, waxay u badan tahay in aad cunto macmacaan, cunnooyin kaloori sare leh si aad niyadaada kor ugu qaaddo, laakiin waxaa jira doorashooyin cunto oo ka wanaagsan.
Isku darka dookhyada saxda ah ee cuntada iyo dhimista welwelka, hurdo fiican iyo jimicsi joogto ah ayaa laga yaabaa in ay jawaab u noqoto nashaad iyo farxad.
Haddaba kuwani waa 10-ka cunto ee ugu sarreeya si aad kor ugu qaaddo awoodda maskaxdaada iyo cuntooyinka kobcinta niyadda ee aannu jecelnahay.
Noocyada kala duwan ee kaluunka subagga leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo dheer ayey culumada saynisku inoo sheegayeen in kalluunku yahay 'cuntada maskaxda' waxaana jira caddayn lagu qanci karo oo lagu taageerayo tan.
Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in isticmaalka joogtada ah uu yareeyo xis guurka la xiriira da'da waxaana laga yaabaa in ay wanaajiso xusuusta - waa silsiladda dheer ee omega-3 fatty acids, ee laga helo kalluunka, kuwaas oo u muuqda in ay mas'uul ka yihiin tan.
Waxay tan ku sameeyaan iyaga oo kor u qaadaya calaamadaha signalka u dhexeeya unugyada dareemayaasha, taas oo u oggolaanaysa maskaxdu in ay si dhakhso ah oo fudud u wada xiriirto.
Waxaa sidoo kale loo maleynayaa in ay gacan ka geysan karaan hagaajinta niyadda iyo firifircoonida.
Shukulaatada madow

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shukulaatada ka kooban kookaha ugu yaraan 70% ayaa u muuqataa in ay kordhiso xasilloonida iyo farxadda. waxaa ka buuxa maadooyinka sare u qaada nashaadka iyo farxadda.
Hase yeeshee waxaa lagu talinayaa hal ama laba xabbo oo kaliya in aad ka cunto shukulaatada maadamaa ay ku jirto sokor badan.
Ukunta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isha waxtarka leh ee fitamiin D-ga, 'fitamiinkan qorraxda' wuxuu la xiriiraa niyadda wanaagsan iyo farxadda.
Waxaa laga helaa dhawr ilo oo cunto ah laakiin mid ka mid ah kuwa loogu kalsoon yahay waa ukunta iyo sidoo kale kalluunka saliidda dufanka leh.
Cuntooyinka la qamiiriyey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cuntooyinkan, oo ay ku jiraan caanaha garoorka ah ama ciirta iyo noocyada kale ee caanaha iyo khudradda la qamiiriyo, waxay wanaajin karaan caafimaadka mindhicirka iyagoo beddelaya dheelitirka bakteeriyada dheefshiidka in aad cuntooyinkan isticmaashana waxay saameyn kartaa heerarka hoormoonka dareenka wanaagsan ee serotonin.
Mooska/Muus

Xigashada Sawirka, Getty Images
Moosku waa isha weyn ee fitamiin B6, kaas oo muhiim u ah samaynta kiimikooyinka maskaxda ee dareenka wanaagsan oo ay ku jiraan dopamine iyo serotonin, muusku sidoo kale waa il wanaagsan oo sonkor dabiici ah oo lagu daray fiber kaas oo caawiya xasilinta heerarka tamarta.
Qaar ka mid ah fiber-ka laga helo muuska ayaa ah qaab istaarij ah oo adkaysi leh, oo ah nooc ay doorbidayso bakteeriyada xiidmaha ee faa'iido u leh dheef shiidka.
Iniinyaha bocorka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bocorku waa miro laga helo aashatada loo yaqaan tryptothan, taas oo looga baahan yahay soo saarsita kiimikada serotonin ee xogta maskaxda isu gudbisa.
Iniiinyahani waxay sidoo kale leeyihiin zinc macdanta xasiloonida ee magnisium.
Walnuts

Xigashada Sawirka, Getty Images
Walnuts-ka oo ku dhow noocyada kale ee lawska, si gaar ah waa isha ugu wanaagsan ee aashatada omega-3 fatty- wax yar oo la cuno maalintii waxay xitaa wanaajin kartaa niyadda waxayna yaraynaysaa niyad-jabka.
Digaagga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Digaaggu waa ilo aad u fiican oo borotiin ah, oo ay ku jiraan aashatada tryptophan oo looga baahan yahay soo saarista serotonin. Hilibkan khafiifka ah wuxuu kaloo bixiyaa fiitamiin B12, foo laga yaaba in uu dib dhigo niyadda hoosaysa iyo cajiska
Digirta iyo misirka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cuntadan Fiber-ku ku badan yahay iyo isha wanaagsan ee borotiinka ku salaysan dhirta, digirta iyo misirku waa il heer sare ah oo laga helo fiitamiinnada B guud ahaan, kuwaas oo laga yaabo in ay caawiyaan niyadda iyadoo kordhinaysa wax soo saarka dopamine iyo serotonin.
Kooxda B ee fiitamiinada waxay door muhiim ah ka ciyaaraan isgaarsiinta neerfaha taasoo u oggolaanaysa xidhiidhka habboon ee u dhexeeya maskaxda iyo habdhiska dareenka.
Sidoo kale waa il wanaagsan oo laga helo zinc, magnesium iyo birta kuwaas oo laga yaabo in ay niyadda kor u qaadaan oo ay yareeyaan daalka iyo cajiska.
Qaxwaha/kafeega

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maadada caffeine-ta ku jirta kafeega waxay ka hortagtaa isku-dhafka dabiiciga ah ee loo yaqaan adenosine in ay ku xirto dareen qabtayaasha maskaxda - tani waxay nin siinaysaa feejignaan dheeraad ah. kafeyntu waxa kale oo ay kordhisaa sii daynta hoormoonka farxadda ee dopamine.













