Sida dalkan ku waayay baddiisa oo dhan, heshiiskii qarsoodida ahaa iyo go'aankii garsooraha Soomaaliga ah

Xeebta Antofagasta, oo ka mid ah dhul xeebeedkii ay Chile ka qabsatay Bolivia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xeebta Antofagasta, oo ka mid ah dhul xeebeedkii ay Chile ka qabsatay Bolivia

Sanad walba, hal oo ah dhammaadka bisha May ayay u dabaaldegaan maalinta badda. Waa bad iyo xeeb ay lumiyeen 145 sano kahor, markaas oo dalka la deriska ah uu xoog iyo xeelad kaga qaatay baddiisa oo dhan.

Tan waxay ka dhigtay in dalkan oo ay ku nool yihiin labo iyo toban milyan iyo bar qof uu noqdo kan saboolsan qaaradda oo ku yaal oo dhan, iyada oo sideedan boqolkiiba dadkiisu ay ku nool yihiin heerka ugu hooseeya ee saboolnimada dunida.

Waxa uu muddo dheer ku tiirsan yahay dekedaha dalkii ka qabsaday badda oo ay ku jiraan dekedihii laga qabsaday, halkaas oo ay uga soo degaan badeecadaha iyo agebyada kale ee dibeda looga soo dhoofiyo.

Dalkan oo ah kan keliya ee xiriirka dublumaasiyadeed u jaray dowladda Israel dhammaadkii sanadkii hore kadib markii uu bilowday dagaalka iyo duqeymaha xoogan ee ka socda Qasa ee daba-socda weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar.

Waxay ku guuldareysatay dedaalkii dhowr ah oo ay u gashay siddii ay dib ugu heli lahayd wax uun ka mid ah badda laga qaatay.

Markii ugu dambeysay, garsoore Soomaali ah ayaa laalay rajadii ugu weyneyd ee ugu dambeysay ee ay ka lahaayeen inay helaan bad iyo dekado dalkoogu yeesho.

Sida dalkan ku waayay baddiisa oo dhan, oo ku noqday xeeb la’aan, iyo heshiisyadii qarsoodida ahaa

Askari reer Bolivia ah oo calanka dalkiisa kor u haya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askari reer Bolivia ah oo calanka dalkiisa kor u haya

Dalkan waa Bolivia, oo ah kan labaad ee badda la’aan iyo dekad la’aanta isu raacday ee Koonfurta Ameerika, oo ay deris yihiin Chile, oo ah dalka ka qabsaday badda.

Waxa uu lahaa bad kheyraadku harqiyay oo dhererkeedu lagu qiyaasay 250 mayl oo ku teedsan badda Basafika.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin hoggaamiyeyaasha dalkan ma aysan siin wax ahmiyad ah, iyada oo khayraadka ka doorbiday ganacsiga macdanta, oo noqotay isha kaliya ee dhaqaale ee dalkan.

Lama dhisin wax waddooyin ah oo dalka intiisa kale ku xira dhulkan xeebleyd aha ee Bolivia, oo ay dekedisiihu aad ugu tiirsanaayeen Chile oo la deris ah. Ma na jirin wax ciidan xooggan ah oo ka joogay xeebaha.

Markii ay Bolivia kordhisay canshuurta alaabta ay dekedaha kasoo dejin jirtay shirkad ay wada leeyihiin Ingiriiska iyo Chile toban boqolkiiba, ciidamada Chile ayaa weerar balaaran kusoo qaadya dhulkaas xeebaha iyo badda leh ee Bolivia, iyaga oo ku doodaya in baddi dadka degan ay yihiin dad u dhashay Chile.

Waxay ciidamada Chile oo la taageero ka helayay Ingiriiska qabsadeen dhulkii Bolivia ee xeebaha ku teedsanaa oo dhan, iyaga oo afar sano kadib duulaankii 1879 dib u qaabeeyay qariirada Koonfurta Ameerika.

Waxay dalkooga hoos keeneyn dhul dhan 50,000 oo mayl oo isku wareeg ah oo ay ku jirto 250 mayl oo ah dhulkii xeebaha ee Bolvia oo dhan.

Bolivia oo la jebiyay waxay aqbaleen jabkii soo gaaray 1904tii, markaas oo heshiis nabadeed ay la saxiixdeen Chile, iyaga oo ku bedelanaya balan ah in si buuxda oo lacag la’aan ah u adeegsan karaan dekedaha ganacsi ee Chile uu ka dhisay dhulkii uu ka qabsaday.

Bolivia waxay noqqotay bad iyo dekad la’aan. 120 sano kadib, weli waxba kama aysan hirgelin heshiiskaas.

Waxaa kale oo jiray heshiisyo kale oo qarsoodi ah oo ay Chile la gashay Bolvia 1975dii sida uu shaaciyay madaxweynehii hore ee Bolivia.

Heshiiskaas waxa uu dhigayay inay Chile dib u siiso dalkii ay badda ka qabsatay xeeb dhan 10km, iyada oo Bolvia ay siineyso Chile dhul cusub oo leh biyo. Heshiiskaas kale ee qarsoodida ah waxba kama hirgelin.

Rajadii ugu dambeysay ee go’aankii garsooraha Soomaaliga ah ee Kiiska Bolivia iyo Chile ee badda

Cabdulaqawi Yuusuf oo Soomaali ah waa madaxweynihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda

Xigashada Sawirka, ICJ

Qoraalka sawirka, Cabdulaqawi Yuusuf oo Soomaali ah waa madaxweynihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda

Bolivia oo weli daba-joogta baddii laga qabsaday 145 sano kahor ayaa dacwad u gudbisay maxkamada caalamiga ah ee dembiyada sanadkii 2013kii. W

axay dooneysay in maxkamadu ku qasabto Chile inay wada xaajood badda ah la yeelato Bolivia, kaas oo ay horseedi kara inay dib hesho qeyb ka mid ah dhulkii xeebaleyda ahaa eel aga qabsaday.

Labada dal ma lahayn wax xiriir dublumaasi ah wixii ka dambeeyay 1978dii. Kiiskan oo uu gudbiyay madaxweynihii hore ee dalkaas Evo Morales waxay Bolivia ka rajo qabtay inay uga baxdo deked iyo xeeb la’aanta mudada dheer heysatay.

Laakiin Maxkamad ooh adda qaadeysa kiiska dacwada tacadiyadda dagaal ee Qasa ee u dhexeeya Koonfur Afrika iyo Israel ma leh wax awood ah oo ah ku fuliso xukumada iyo go’aamada sharciyadeed ee ay gaarto, si la mid ah go’aankii kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidaas oo ay tahay, go’aankii maxkamada ee 2018kii ay ka gaartay kiiska badda ee Bolivia iyo Chile, ma noqon mid kii ay fileysay Bolivia.

Maxkamada Qaramada Midoobay ee uu hoggaaminayay garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf waxay sheegtay in uusan jirin wax waajib uga dhigaya Chile inay wada xaajood la xiriira badda iyo dekedaha la gasho Bolivia, kadib muddo shan sano ah oo uu socday kiiska.

Madaxweynihii Bolivia ee xilligaas na waxa uu yiri: "Bolivia marnaba ma quusan doonto".

Maxkamadu xukun iyo go’aan midna kama gaarin Bolivia iyo Chile, midka sida sharciga ah u leh dhulka lagu muransan yahay ee badda.

Garsoore Cabdulqawi oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamada waxa uu sheegay in go’aanka maxkamada ee kama dambeysta ah inay u codeeyeen labo iyo toban garsoore halka ay kasoo horjeesteen saddex garsoore oo keli ah.

Bolivia waxay weli ku tiirsan tahay dekadihii iyo dhulkii xeebta lahaa ee laga qabsaday, halkaas oo ay kala soo degto alaabta iyo badeecadaha dibeda looga keeno, iyaga oo uu canshuurta ka qaadayo dalkii ay horey ugu canshuuri jirtay ee Chile. Sidaas oo ay tahay, Bolivia waxay weli leedahay ciidan kooban kuwa badda ah, iyada oo weli rajo ka qabta in ay mar uun dib u hanato nadda iyo xeeb.