Taariikhda iyo awoodda ciidanka badda ee Itoobiya

Ciidamada Badda ee Itoobiya

Xigashada Sawirka, Mereja

Qoraalka sawirka, Ciidamada Badda ee Itoobiya

Itoobiya waxa ay heshay xeeb iyo dekedo ku yaal Badda Cas sanadkii 1950-kii, markii Qaramada Midoobay ay go'aansatay in ay Eritrea la midowdo Itoobiya. Sannadkii 1955-kii, waxaa la aas-aasay ciidamada badda ee Itoobiya, oo saldhiggoodu ahaa, saldhigga ciidamada badda ee Haile Selassie, ee Massawa. Horraantii 1960-meeyadii waxaa Massawa ka socday dhismayaal, si loo helo saldhig badeed oo dhammaystiran.

Sannadkii 1958-kii, ciidamada badda waxay noqdeen ciidan si buuxda u madax bannaan, oo loo habeeyey mid ka mid ah saddexda ciidan ee Itoobiya ee hubaysan oo hoos taga guud ahaan taliyaha guud ee ciidamada.

Tababar iyo aqoon

Ciidanka Badda ee Itoobiya waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu tababarka wanaagsan adduunka. Xataa ka hor intii aysan Itoobiya la wareegin gacan ku heynta Eritrea, ciidamada badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayey ku soo dhoweeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin Eritrea si ay u siiyaan tababar dhinaca badda ah.

Kulliyada ciidamada badda oo saraakiisha ciidamada badda Itoobiya ay ku qaateen barnaamij 52 bilood ah oo waxbarasho ah, waxaa lagu aasaasay Asmara 1956-kii, fasal kasta waxa uu dhiganaysay celcelis ahaan 30 ilaa 40 arday.

Sidoo kale, Boqor Xayle Salaase I ayaa u xil saaray saraakiil ka tirsan ciidamada badda Norway in ay gacan ka geystaan abaabulka ciidamada badda ee Itoobiya.

Burburkii ciidamadii hore ee badda ee Itoobiya

Qariiradda
Qoraalka sawirka, Qariiradda

Dagaalkii Sokeeye ee Itoobiya iyo Xornimada Eritrea, waxay labaduba soo afjareen 1991-kii, Eritrea-na way xorowday, waxayna Itoobiya ka dhigtay mid aan bad lahayn. Ciidanka badda ee Itoobiya ayaa ka tagay dhul xiiso leh oo aan caadi ahayn isla markaana aan deked lahayn. Waxay sii wadeen roondo ay mar mar ku samaynayeen badda cas oo dhinaca dekedaha Yemen ah. Sannadkii 1993-kii, ayaa Yemen ugu dambayntii eriday maraakiibtii Itoobiya.

Maraakiibtii alaabaha kasoo qaadi jiray Yemen 1993-kii waxay u guureen Jabuuti. In muddo ah kadib waxaa loo malaynayay in Ciidanka Badda Itoobiya ay sii jiri karaan, xitaa Itoobiya waxay ka codsatay Eritrea in ay ka kireyso Badda Cas ee Casab halkaas oo ay ka hawlgalaan Ciidanka Badda Itoobiya ee badbaaday. Eritrea way diiday codsigaas.

Haddaba is jiid-jiidkaas ka dib hadda Itoobiya mar kale waxa ay yeelatay ciidan badeed oo cusub.

Maxaan ka ognahay ciidamada badda ee Itoobiya leedahay

Itoobiya waxa ay sameysatay ciidan cusub oo badda ah, Itoobiya oo ah waddan aan lahayn wax bad ah ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku howlanayd dhismaha ciidamada badda, kuwaasoo laga leeyahay ujeeddooyin muhiim ah.

Inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood ciidan oo dhanka badda ah, haddana markii Abiy Axmed uu noqday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya 2018-kii, waxaa howlihii uu guda galay ka mid ahaa inuu ka shaqeeyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cududda ciidanka badda ee waddankiisa.

Wakaaladda Wararka Fanaa ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigatay Mr Abiy oo sheegaya in dib u habeynta militariga ay tahay "in lala jaan qaadsiiyo dunida isbaddalka degdegga ah sameyneysa, sidoo kalena ku tallaabsaneysa horumarka dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda".

Abiy iyo Emmanuel Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Abiy iyo Emmanuel Macron
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

2019-kii ayay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha ciidamada.

Faransiiska ayaa ah dalka waddankan ku yaalla Bariga Afrika garabka ku siinaya tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Badda.

Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa kamida dalalka caalamiga ah ee Itoobiya ka caawiya tababarka ciidamada badda.

Waxaan si rasmi ah loo xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee ciidamada badda ee haatan u diyaarsan dowladda Itoobiya.

Hase yeeshee, awoodda ciidamada badda ee haatan ayaa khubarrada qaar waxa ay ku sifeynayaan in ay tahay mid aan si weyn u buurneyn.

“Ciidamada badda ee Itoobiya hadda malaha awood weyn, waxa ay kala maqnaayeen muddo badan, haddana si fudud umasoo laabaneyso awooddii ay waagii hore lahaayeen”, ayuu yiri sarreeye guuto duuliye Nuur Aadan Nuur.

“Waxa ay leeyihiin dugsi tababar, malaha bado ay ku tababartaan iyo xarumihii tababarka loogu tala galay waa macquul in ay ku tababartaan harooyin iyo wabiyo, sidoo kale qalabka lagu tababarto waxaa laga yaabaa in ay ka caawiyaan dalalka tababarkooda gacanta ka geysta” ayuu sii raaciyay.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu khilaaf kala dhexeeyo Masar, muranka soo jiitamayay ee u dhexeeya Masar, iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada, kaasoo u muuqda mid aan weli xal laga gaarin.

“Itoobiya hadda waxa ay leedahay labo hadaf, mid waa in ay saldhig ciidan ka sameysato Somaliland, midna waa dekedda oo lagu sheegay heshiis ganacsi, hase yeeshee arrintu intaa wey ka duwan tahay muhiimadda koowaad dabcan ma ahan ganacsiga ee waa saldhigga ciidan” ayuu yiri sarreeye guuto Nuur Aadan Nuur.

Ujeeddada Ciidamada Badda ee Itoobiya

DP WORLD

Xigashada Sawirka, DP WORLD

Qoraalka sawirka, DP WORLD

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay isku dayeyso sidii ay saameyn dhanka awoodda ah ugu yeelan lahayd gobolka dhinaca bari ee Badda Cas ayna la wareegto illaalinta amniga marinnada badda ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga ee Itoobiya.

Inta badan maraakiibta badeecooyinka u wada Itoobiya ayaa adeegsada badda Cas iyo Gacanka Cadan, ayagoo alaabta ka soo dejiya dekedaha Berbera iyo Jabuuti.

Arrintan waxay ku soo beegmeysaa xilli gobolka ay ka jireen arrimo xasaasi ah oo la xiriira muranka ka dhashay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo reysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.