Soomaaliya & Itoobiya: Dawladaha daneeya Soomaaliya ee aan weli ka hadlin heshiiska is-afgarad iyo sababta

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadow
Qoraalka sawirka, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadow
    • Author, Ahmed Cadceed
    • Role, Saxafi Madax-bannaan
    • Reporting from, Nairobi

Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn iyo su’aalo, waxaase jira su’aale kale oo aan weli laga jawaabin kuwaas oo ku saabsan, dawladaha daneeya siyaasadda Soomaaliya qaarkoodna ay saaxiibaha yihiin ee an weli ka hadlin arrinkan iyo waxa ay noqon karto sababtu.

Dhanka kale kuwa illaa hadda ka hadlay maxaa loo tiirinayaa in ay keentay mowqifka ay ka istaageen iyo sidoo kale maxaa soo baxay oo ah falcelin aan la fileyn?

Weydiimahan waxaa inooga jawaabaya khubaro ku takhasustay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah oo BBC la hadlay.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay isla markaana garab istaag u muujiyey Soomaaliya, ururro iyo dalal la filayey, waana dul istaagi doonnaa, balse marka hore maxay weli u aamusan yihiin Imaaraatka Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah urrurada sida, IGAD, EAC, iyo AU marka laga reebo Masar oo aan xusi doonno sababta ay garab istaagga ugu muujisay Soomaaliya.

Isutagga Imaaraatka carabta

Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka carabta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka carabta, Maxamed Bin Zaid

Dalkan Carbeed ee saliidda hodanka ku ah wuxuu bilowgii sannadkan ku biiray ururka dhaqaalaha ee BRICS oo ay hogaaminayaan dalalka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brasil.

Ururkani wuxuu laba jibbaarmay kadib markii ay Isniintii ku biireen shan dal oo kale oo kala ah, Masar, Sucuudiga, Imaraatka, Iiraan iyo Itoobiya.

Haddaba ka sokow in Itoobiya iyo Imaaraatku ay kuwada biireen ururkan – taas oo ugu yaraan keenaysa in uu ka fiirsado mowqifkiisa ku aaddan arrinkan; Imaaraatku wuxuu Itoobiya iyo Somaliland la lahaa xiriir kale oo dhaqaale, “ Imaaraatku waa dalka kaliya ee maal geliyey dawladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya.” Ayuu yiri Axmed Zaki faarax Iidle oo ka faalooda xiriirka caalamiga ah.

Haddiiba uu Imaaraatku ka hadlo arrinkan, sida uu qabo Axmed Zaki, Itoobiya in uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafkan ka dhex aloosmay labada dal ee jaarka ah.

Dalalka ay xubnaha ka wada yihiin Soomaaliya urur goboleedyada iyo Midowga Afrika.

IGAD

Xigashada Sawirka, IGAD

Qoraalka sawirka, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee madaxda urur goboleedka IGAD ay Khartuum ku yeesheen Diseembar 2023
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaaliya waxay ka tirsan tahay ururro badan oo calami ah qaarkoodna yihiin kuwa gobolka. Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ka wada tirsan yihiin urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika mana jiro illaa hadda dal xubin ka ah labadan urur oo ka hadlay marka laga reebo Masar oo iyadu ka duwan.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaliya kana faalooda arrimaha siyaasadda oo BBC la hadlay ayaa leh: “Marka ay imaato arrintan (heshiiska) ee hadda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya waxaa ku jira qayb ah ‘aqoonsi’, taa weeye arrinta adag ee mowqif ka-qaadasho marka ay timaaddo ay u baahan yihiin dawladuhu,” in ay ka fiirsadaan.

Sida uu sheegay Maxamed, mararka qaar waxaa go’aan ka gaara arrimaha siyaasadda dalalka; shakhsiyaad ka tirsan masuuliyiinta dalkaas halka xilliyada qaar ay ha’adaha dawladdu soo saaraan go’aanada iyo mowqifyada ku aaddan kolba waxa jira markaas. “Degdegga go’aan qaadashadu waxay ku xiran tahay hadba cidda go’aanka gaaraysa,” ayuu yiri Maxamed oo qaba in ay suurta gal tahay lana fili karo in ay goor dambe dalalkani ka hadlaan arrinta, taas oo dhacday kadib markii uu Turkigu ka hadlay afar maalmood kadib.

Dhanka kale, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD kaddib bayaan kii uu ka soo saaray khilaafka cusub ee ka dhex curtay Itoobiya iyo Soomaaliya. (Waraysiga oo dhamaystiran hoos ayaad ka dhagaysan kartaa).

Maxaa laga baran karaa aamusnaanta dalalkan?

Marka ay timaaddo aqoonsi, caalamku isku mowqif kama qaato sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, sidaas awgeed waxaa la filan karaa dalal dhinaca Soomaaliya mara, sida kuwa ay jiraan qayb dalkooda ka mid ah oo doonaysa in ay ka go’do, kuwa dhanka Itoobiya iyo Somaliland mara iyaga oo eegaya danahooda iyo sidoo kale kuwa ka gaabsada ama dhexdhexaad ka noqda.

Marka Maxamed Mukhtaar wuxuu qabaa in xasaasinimada sheshiiska is-afgarad oo ay ku jirto arrin aqoonsi ay keenayso in dalalku ay ka fiirsadaan xilliga ay ka hadlayaan iyo sida ay uga hadlayaan.

Dhanka kale Axmed Zaki oo sida aan kor kuso xusnay ka faalooda arrimaha xiriirka caalamiga ah, ayaa aamuska dalalka daneeya siyaasadda Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay in ay sabab u tahay sida ay u wajahday dawladda Soomaaliya.

“Dareenka diblomaasiyadeed ee dawladda federaalka qudheeda ayaa aad u hooseeya, taasaana keentay in ururrada inta badan ay ka tirsan tahay DFS aanay si togan uga falcelin marka laga reebo Masar iyo Qatar oo ay xiriir saaxiibtinimana leeyihiin, isla markaan Masar iyo itoobiya ay isku hayaan webiga Niil” ayuu yiri Axmed Zaki.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan

Turkiga oo la filayey in uu arrinkan ka hadlo ayaan ka mid nqon dalalka sida degdegga ah uga falceliyey, haseyeeshee afar maalmood kadib ayuu war kasoo saaray, iyada oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiskan is-afgarad ee ay dhinacyadu gaareen iyada oo “aysan ogeyn ogolaanshana laga haysan Dawladda Soomaaliya”.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in mowqifkani uu sidoo kale shardi u yahay sharciga caalamiga ah” ayaa lagusii daray bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Waxaa xusid mudan in uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa, wadahadalladii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, taas oo sida uu qabo Axmed Zaki keeni kartay in uu mowqifkiisa ku degdegin Turkigu.

Masar maxay kaga duwan tahay dalalka Afrika ee weli ka aamusan arrinkan?

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Al-sisi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Al-sisi

Dalalka Afrika ee dal ahaan uga hadlay arrintan illaa hadda mowqifna ka istaagay waa Masar oo sheegtay in ay Soomaaliya garab taagan tahay. Haddaba sida aan kor kusoo xusnay Masar oo ay sidoo kale itoobiya ku wada biireen ururka dhaqaalaha ee BRICS, ayuu Itoobiya kala dhexeeyaa khilaaf ku qotoma biya-xidhiinka ay Itoobiya ka samaysay webiga Niil.

Webigan ayaa ka dillaaca Itoobiya kuna dhamaada Masar isaga oo sii maraya Suudaan, hase yeeshee waxay Masar qabtaa in uu biyaxidheenku ka yaraynayo biyo ay xaq u leedahay in ay hesho.

Arrintan ayaa dhowr jeer gaadhay heer xun oo fadhiyada lagu kala kacay, waxaana laga cabsi qabaa in ay gobolka ka dhaliso colaad kale.

Haddaba sida ay qabaan Khubaradu, mowqifka ay Masar ku taageertay Soomaaliya ayaa lagu micneeyay arrintan, ka sokow in xiriir fiican leeyihiin xukuumadaha Xasan Sheekh iyo Al-sisi.

Dalalka iyo ururrada taageeray Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dadaalka dhinaca diblomaasiyadda ah ee ay qaaday tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is afgaradka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Dawladdu waxa ay sheegtay in dawladdo waaweyn iyo hay’addo caalami ah ay isgarab taageen mawqifka Dawladda Federaalka ku diiday is afgaradka ka dhacay Addis Ababa kowdii Bishan.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow oo waraysi siiyay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD kaddib bayaan kii uu ka soo saaray khilaafka cusub ee ka dhex curtay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hoos ka dhagayso waraysiga Xog-hayaha.

Qoraalka Codka, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow oo waraysi siiyay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD kaddib bayaan kii uu ka soo saaray khilaafka cusub ee ka dhex curtay Itoobiya iyo Soomaaliya.