Shimbir mucjiso ah oo lab iyo dheddig midna aan ahayn oo lagu arkay dal ku yaal Latin Ameerika

SHIMBIRKA LABADA JINSIBA KA KOOBAN

Xigashada Sawirka, JOHN MURILLO

Qoraalka sawirka, Sida ay khubaradu sheegeen, markii ugu dambaysay ee shimbir noocan oo kale ah la diiwaangeliyo ay ahayd in ka badan 00 sano ka hor.

Waxaa jira wax ay gaar u leedahay shimbirtan taas oo khabiirka cilmiga xayawaanadka sida shimbiraha ee John Murillo ku arkay Beerta Dabiiciga ah ee Kolombiya ee Don Miguel, oo 10 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada Manizales.

Shimbirta ayaa soo jiidatay dareenkiisa, sababtoo ah waxaa jiray waxaa jiray wax cajiib ah oo ku saabsan shimbirkan.

Baalka bidix ee shimbirtan waxay ahaa midad cagaar ah, tanina waa sifo lagu garto midda dhaddiga ee noocan ah, halka baalkeeda midig uu ahaa midabka buluuga oo ah waxa lagu garto shimbirka labka ah.

Khabiirkan Murilo wuxuu daahfurkisa la wadaagay prof Hamish Spencer oo ku takhasusay cilmiga xayawaanka iyo hidde-yaqaanka korriinka ee Jaamacadda Otago ee New Zealand.

Proffesorku waxa uu fasax ku joogay Colombia wakhtigaas. "Waxay ahayd mid aad u xiiso badan. Dad badan oo shimbiraha xiiseeya weligood ma arkin shimbir labeeb ah inta ay nool yihiin. Aad baan ugu faraxsanahay in aan arkay John daahfurkiisa" ayuu Spencer u sheegay BBC.

Xaalad naadir ah

SHIMBIRKA

Xigashada Sawirka, JOHN MURILLO

Qoraalka sawirka, Shimbirkan ayaa labada dhinac ee baalahiisa ay kala duwan yihiin,mid waa cagaar midna waa buluug.

Shimbirkan oo ah laba dhinacle aan lab ioyo dheddig midna ahayn ayey siyaabo kala duwan u abuuran yihiin baalashiisa taas oo muujinaysa in uu yahay lab iyo dhaddig isku jira.

labada khabiir ayaa markii danbe arintaas hoosta ka wada xariiqay ka dib maqaal wadajir ay ugu daabaceen bogga sayniska ee majalada wax ka qorta cilmiga Ornithology.

Noocaan jinsiga isku darka ah waxaa lagu arkaa nooc badan oo ka mid ah xayawaanaad kale gaar ahaan xayawaanadka labada jinsiba isku leh ee ambidextrous.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daah-furkani waa kiiskii ugu horreeyay ee la diiwaan geliyo ee labada jinsi ee shimbiraha malabka ah in ka badan 100 sano.

Prof. Spencer ayaa yiri, "Xayawaanka leh sifooyinka lab iyo dheddig ee noocyada shimbiraha, kuwaas oo guud ahaan leh jinsiyo kala duwan, ayaa muhiim u ah go'aaminta jinsiga ee shimbiraha iyo fahamka dhaqanka galmada."

Khabiir Spencer waxaa uu sheegay in shimbirka labada jinsi ee lab dhinac ka ah dhanna dheddig ka ah ay muujinayso in shimbiraha sida noocyadan ah uu noqon karaan kuwa naadir ah. Haddaba sidee ku dhacday in shimbirkan uu laba jinsi yeesho.

Sida uu qabo Spencer waxaa arintan sabab u ah qaabka koromosoomyada unugyada iyo kala duwanaanshaha hormoonnada jirka oo dhan.

Arrintan ayaa hore loogu arkay cayayaanka, gaar ahaan balanbaalist a, qolofleyda, caarada iyo xataa qorratada iyo jiirka.

Prof. Spencer waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ay ka dhalato khaladka ka yimaada qaybta unugyada marka ay dheddigu soo saarto ukun, kadibna ay ku xigto laba jeer oo bacriminta ukunta.

21 bilood oo indho-indhayn

SHIMBIRTA NAADIR AH

Xigashada Sawirka, JOHN MURILLO

Qoraalka sawirka, Sawirada shimbirta naadir ah ee xaglo kala duwan.

Meel lagu quudiyo shimbiraha ayaa laga dhisay Don Miguel Natural Park, beer ay ku hareeraysan yihiin kaymo.

Aaggu waxa uu noqday meel ku habboon ilaalinta shimbiraha, taas oo ay ugu wacan tahay goobta lagu siiyo khudaar daray ah iyo biyaha sokorta ah ee shimbiraha.

Shimbirka gaarka ah ee uu aqoonsaday Murillo ayaa la arkay ugu yaraan 21 bilood, dhaqankiisuna wax badan kama duwanayn shimbiraha kale

Si kastaba ha ahaatee, shimbirtu waxay inta badan sugaysay kuwa kale inay baxaan ka hor inta aysan bilaabin inay cunaan miraha.

Waxaa sidoo kale la xusay in shimbirku uu jecel yahay soodintiisa oo uusan u ogolaan noocyada kale ee shimbiraha inay yimaadaan goobta quudinta, laakiin wali si dhab ah looma ogaan sida dhabta ah ee sidan uu u samayeeyey.