Caado: Dad la siiyay dheecaanka raha oo geeriyooday

Rah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labadii toodobaad ee lasoo dhaafay Maxkamd yar oo ku taal cidhifka bari ee dalka Australia ayaa dhageysatay caddeym aan caad ahayn oo ku saabasan dhimashada laba qof oo deegaanka ah.

Natasha Lechner ayaa u dhimatay wax looga shakiyey inuu yahay wadna xanuun halka ay boolisku aaminsan yihiin in Jarrad Antonovich uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray matag xad dhaaf ah.

Labada dhimashaba waxay dheceen wax yar uun kadib markii ay isticmaalen dheecaanka raha oo sun ah - waa dhaqan hore oo lagaga dhaqmo kaymaha Amazon.

Waxayna labaduba ka dhaceen gobolka woqooyi ee South Wales – aag caan ku ah kaymaha iyo xeebo aad u qurux badan, balse sidoo kale dhaqamadeeda baanashada.

Waxaa hadda baaraya dhacdooyinka masuul khaas ah si loo ogaado waxa khaldamay iyo in labada qof la badbaadin karay.

Maxay tahay munaasabadda Kambo?

Jerrad iyo Natasha

Xigashada Sawirka, Supplied

Kambo oo sidoo kale loo yaqaan Sapo waxaa la keenaa wax sida xanjada ah oo lagasoo xoqay maqaarka raha weyn ee loo yaqaan ‘rah daanyeer’ .

Raha noocan ah ayaa laga helaa guud ahaan kaymaha Amazon, isaga oo suntan u adeegsada nidaam difaaceed oo uu ku dilo ama ugu digo xawayaanka kale ee isku Daya in uu isaga cuno.

Hasa yeeshaa Kambo dadka ayaa u adeegsada habraac qallafsan oo lagu sheego inuu yahay mid sida is qaras bixinta oo kale ah.

Ka dib marka uu qofku cabo liitar biyo ah, meel yar oo jidhkiisa ka mid ah ayaa dab lagu dhejinayaa kadibna dheecaanka ayaa la saaraya goobta la boogeeyay.

Waxay sababaysaa in dhiiggu koco, wadnaha ayaa boodboodaya qofka isaga oo matagaya ama saxaro ka imaanayso – badanaa labadaba. Sidan waxay sii ahaanayaan ilaa nus saac.

Dadka asalka u ah koonfurta Ameerika ayaa isticmaali jiray Kambo ilaa iyo qarniyo badan, iyaga oo aaminsan in ay ka nadiifinayso nasiib xumada ayna hagaajinayso xirfadda ugaadhsiga.

Hadda waxaa loo adeegsadaa cibaado ahaan iyaga oo aaminsan in ay nadiifinayso maskaxda si cadna uu qofku wax u arkayo noocya kala duwan oo xanuunno ahna ay daawo ka tahay.

Balse ma jirto wax cilmi baaris ah oo caddeynaysa in ay leedahay faa’iido caafimaad iyo in kale, waxana mamnuucay waaxda caafimaadka ee Australia.

Waxaa Kambo lala xiriirinayaa dhimasho, suuxdin, beer dhimasho iyo wadno istaag.

Qoysasku waxay dalbanayaa jawaab

Siddeeddii Maarso sannadkii 2019 Natasha ayaa lagu sameeyay Kambo xilli ay gurigeeda ku sugnayd.

Waxay qabtay xanuunka cayilka waxayna raadisay noocya kala duwan oo daawo ah si ay dawo ugu hesho dhabar xanuun badan oo haystay.

Balse maalinkaas ilbiriqsiyo uun kadib markii laga mariyey shan meelood oo laga gubay laabteeda iyo gacanta, way suuxday daqiiqado kadibna wayba dhimatay.

Geerida Jerrad Antonovich ee 16 kii oktoobar sannadkii 2021 ayaa iyada sidan ka waqti dheerayd.

Si Natasha la mid ah wuxuu qabayt xanuunla xiriiray wadnaha iyo dhaawac maskaxda ah oo shil gaari kasoo gaaray, taas oo u hor seedday hadalka oo ka xirma iyo dhibaato dhanka dhaqdhaqaaqa ah.

Kadib markii la mariyey Kambo, 46 jirkani wuu geriyooday qiyaastii toban saacdood ka dib waxaana logu wacay gaariga caafimaadka ee degdegga ah.

Kambo sidan ayuu u yaal inta aan qofka lagu dhejin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kambo sidan ayuu u yaal inta aan qofka lagu dhejin

Maxaa xiga marka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baaraha gobolka ee u xil saaran dhacdooyinkan ayaa samayn doona natiijooyin iyo talooyin la xidhiidha labada dhimasho.

Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in ay jiri karaan siyaabaha looga hortagi karo dhimashada noocan ah tas oo ah mudnaanta kowaad ee garsoore Teresa O'Sullivan.

Markii Maamulka Alaabada ‘Therapeutic’l ee Ausstralia (TGA) ay sharci darro ka dhigeen dhaqankan kambo 2021 kii waxay ku dareen liis ka kooban ilaa nooc oo sun ah kuwaas oo lagu sheegay khatarta ugu sarreysa ee suurtagalka ah ee daawooyinka iyo kiimikooyinka.

"Waxaa loo arkaa inay khatar weyn ku yihiin badbaadada aadanaha oo aadan xitaa u isticmaali karin cilmi-baarista," ayuu yiri Daniel Perkins oo madax ka ah machadka maandooriyaha ee Melbourne.

Laakiin dadka dareema niyad jabka ayaa daawa dhaqameedyada si isasoo taraysa u adeegsada.

"Waxaa jira tiradan sii kordheysa ee dadka isku dayay dawooyinka ree galbeedka si ay ugu horrayn xaaladaha caafimaadka dhimirka isaga daweeyaan oo ogaaday in kuwani aanay waxba u tarin," ayuu yidhi Dr Perkins.

Iyadoo qaar ka mid ah kuwan ay yihiin khatar, waxaa sidoo kale jira dood ku saabsan in mamnuucida daawaynta kale ama daawooyinka ay dhab ahaantii kordhiso badbaadada, ayuu yidhi. In kasta oo walxaha sida ‘ayahuasca’ ay muddo dheer sharci darro ahaayeen, "haddii ay jirto baahi loo qabo markaa dadku wali way isticmaalaan… mana lihid wax muuqaal ah oo ku saabsan waxa dhacaya - faa'iidooyinka ama waxyeellooyinka socda."

Marka dawada la xakameeyo mas'uuliyiintu waxay hubin karaan heerka ugu hooseeya ee badbaadada ama laga isticmaali karo iuyada oo aan halis galinayn qofka oo ay ku jiraan shuruudaha tababarka, iyo heerarka tayada alaabta.