Maxay tahay sababta malaayiin doollar loogu iibinayo sunta dib qallooca?

Dabaqallooc

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaan ognahay in masku hadduu qof qaniino ay wax u dhimi karto, laakiin Dabaqalloocyadu waa khatar oo qofka suntiisa way dili kartaa.

Laakiin ma ogtahay in sunta ku qarsan qaniinyada hangarlaha uu ruuxu u dhiman karo, haddaba sidee ayey qaali ku noqotay suntan hangaralaha?

Laba garaam oo sunta Ddabaqallooca ah, ayaa maalin kasta lagu ururiyaa shaybaar ku yaalla dalka Turkiga.

Inta lagu jiro hawshan, shaqaalaha shaybaarka, ayaa soo saara dabaqallooca weel, oo waxay sugaan illaa uu dabaqalloocu uu soo saarayo hal dhibic oo sun ah.

Dhibicdan ayaa la qaboojiyaa, ka dibna inta halkaasi lagu xafido, ayaa la iibiyaa.

Noocyo xayawaanno ah, ayaa marka la isku geeyo shahwooyinkooda, waxaa ka dhashay dabaqallooca.

Isagoo la hadlayay BBC-da, ayuu Madden wuxuu sheegay in beertiisa ay ku sugan yihiin 20 kun oo dabaqallooc ah.

“Si joogto ah ayaan u quudinnaa, waanu daryeelnaa oo waan korinnaa. Suntooda waanu ka soo saarnaa, kadibna waan barafaynaa. Markaa waxaan ka iibinaa qaaradda Yurub”, ayuu yiri Madden.

Qaniinyada dabaqallooca, ayaa waxay ka kooban tahay laba milligaraam oo sun ah.

Madden ayaa waxa uu sheegay in hal garaam oo sunta dabaqallooca ah laga soo saaro 300 ilaa 400 oo dabaqallooc ah, laakiin waa meeqo qiimaha sunta haddii ay iibiyaan?

Sida laga soo xigtay Madden, hal litir oo sunta dabaqallooca ah, ayaa lagu iibiyaa illaa hal milyan oo doollar.

U isticmaalista caafimaadka

Sunta dabaqallooca, gaar ahaan kuwa laga helo qaaradda Ameerika dhankeeda koonfureed, ayaa waxaa laga soo saaraa maaddo loo yaqaan 'marga toxin' taasoo ka qeyb qaadata sameynta unugyo cusub oo xididdada dhiigga qaada, waxaana loo isticmaalaa qaliinka wadnaha.

Dabaqalloocyadan, ayaa dhererkoodu wuxuu yahay shan ilaa siddeed sentimitir, inkastoo suntoodu aanay ahayn wax dilaa ah, haddana haddii ay qof qaniinaan, waxaa qofka lasoo darsaya xanuun daran, barar iyo cuncun.

Dabaqallooc laga shubayo sunta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

David Beach waa bare wax ka dhiga jaamacadda Leeds, kaasoo cilmi baaris ku samaynayey qaniinyada dabaqalloocyada. Wuxuu sheegay in sunta hangarlaha ay aad faa'iido u leedahay, xitaa in yar oo kamid ah, ayuu tilmaamay baarahan iney faa'iido leedahay.

Waxa uu sheegay in sunta Marga loo isticmaalo dawo ahaan, balse sidoo kale loo isticmaalo in lagu buufiyo wadnaha, marka uu cudur hayo wadnaha.

Sida laga soo xigtay isaga, iyada oo la kaashanayo Hay'adaha Qaabilsan Wadnaha ee Ingiriiska, Wellcome Trust iyo Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka ee Ingiriiska, ayaa cilmi-baaris cusub lagu sameeyay isticmaalka sunta Dabaqallooca ee cudurrada wadnaha.

Professor Peter Weisberg, waa agaasimaha caafimaadka ee British Heart Foundation. "Tani waa tusaale aad u wanaagsan oo ah shay dabiici ahaan, oo halis u leh bini'aadamka, laakiin sidoo kale loo isticmaali karo in lagu daweeyo aadanaha," ayuu yiri.

Isticmaalka dawada ee sunta dabaqallooca, ayaa la baaray sanado badan.

Waayadan danbe, ayaa waxa caan noqday iibinta sunta dabaqalloocyada, waayo waxa loo isticmaalaa kaliya dhanka caafimaadka.

Balse sidoo kale waxa loo isticmaalaa waxyaabaha la isku qurxiyo. Waxa kale oo loo isticmaalaa xanuun baabi’iyaha, iyo daawooyinka la xiriira habka difaaca jirka.

Daraasad ay daabacday Maktabadda Qaranka ee Daawada sanadka 2020, ayaa soo jeedisay in daawada ka hortagga suntan laga samayn karo isla sunta dabaqallooca.