Heesihii laga helay kombiyuutarkii Usaama bin Laden

Xigashada Sawirka, AFP
Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.
Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.
Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.
Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.
Waxyaabaha laga helay computer ka bin Laden:

Xigashada Sawirka, AP
Buugaagta
- Buug uu qoray Abul Ali Muddavi: Caliphate and Sovereignty, af carabi ayuu ku qoran yahay.
- Caliphate and Sovereignty oo ah buug ku qoran af Carabi oo uu qoray Abul Ali
- Concepts of Hizb al-Tahrir oo ku qoran af English uuna qoray Taqi al-Din nabhani.
Heeso
- Heesta Bibi Shirene – Pashto
- Heesta Peshawar ma aha Peshawar – Pashto
- Waxaan u socdaa Karachi
- Heesta fiidkii ee Pashto ga
- Heeso uu qaado fannaanka Nusrat Fateh ee reer Pakistan sida:
'Ek Mishnu Mustaan Hai Sanam', 'Be Wafa', Dil Katana Nadan Hai', 'Aab
Loot Chale' iyo kuwa kale oo farabadan oo af-Hindi ah

Xigashada Sawirka, AFP
Filimada
Sidoo kale CIA da waxay heshay filimaan Hollywood ah, kartoomada caruurta iyo barnaamijyo warbaahineed oo Usama naftiisa laga sameeyay oo kombiyuutarka ku jiray.
- Doorada yar – Kartoon
- Askariga Batman Gotham – Kartoon
- Kungu Fu Killers – Dokomintari uu leeyhaya National Geographic
- Halaqa ugu suntan badan dunida – Dokomintari uu leeyhaya National Geographic
- Qofka loogu doonista badan yahay dunida – Dokomintari uu leeyahay CNN ka.
- Deegaan Shaydaanka – Gaym kombiyuutar
- Xagee dunida ka jooga Usaama – Dokomentari
Tan iyo bishii May ee sanadkii 2015 kii, ayay CIA sii deyneysay xogahaan ay ka heshay kombiyuutarka Usaama bin Laden oo yaalay gurigiisii ku yaalay Pakistan. Balse waxyar markii ay ku jirtay ayaa hawada xogtaan, sababta ilaa hadda lama oga.













