Waa kuma wiilka Nabbi Maxamed NNKHA awoowaha u yahay ee ay Shiicadu u baroor diiqdo?

Xigashada Sawirka, ASIF HASSAN
- Author, Maxamed Guure
- Role, Qoraa
Maanta oo kale oo ku beegan 10 bisha Zako ( Muxarram) oo ku beegan 19 Agoosto 2021, waa maalin ku weyn Muslimiinta aktooda, haddii ay ahaan lahaayeen kuwooda ku abtirsada madhabka sunniga ama kan Shiicada.
Muslimiinta Sunniga waxey 10 Bisha Sako ( Muxaram) uga dhigantahay maalin farxadeed oo loo dabaaldago guushii Nabi Muuse, Nabada galyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, uu ka guuleystay Fircoonkii Masar ka talinayay, isaga oo ka tallaabiyay qoladii uu ka dhashay ee reer Banii Israaiil badda Cas, kadib markii Eebe marinno uga dhambalay badda dhexdeeda, halka Fircoon iyo colkiisii badda lagu hafiyay, iyaga oo is leh haleela oo nolosha ku soo qabta Muuse iyo qoladii uu ka dhasheyba; sidaa darteed Muslimiinta Sunnadu waxey maanta oo kale, oo ay u yaqaannaan maalinta Caashuurada, ku maamuusaan soon sunno ah.
Halka dhanka kale Muslimiinta Shiicada, gaar ahaan qolyaha loo yaqaanno Alithnaa Cashariya oo ah qolyaha ugu badan, maanta oo kale ay uga dhigantahay Murugo iyo maalin madow, sababta oo ah waxey ku beegantay maalintii sida gardarrada ah loo dilay Al xuseyn Bin Cali, oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Faadimo Bintu Maxamed Nabad galyo iyo Naxariis Dushiisa ha ahaatee. Muslimiinta Shiicada maalinta 10-aad ee Bisha Zako (Muxaram) sanad walba waxaa u billaabta baroor diiq socota 40 maalmood oo lugu xusuusanyo geerida Al-Xuseyn Bin Cali.
Waa Kuma Al- Xuseyn?
Al-Xuseyn waxaa Awoowe u ahaa Nabi Muxamed, Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee, oo waxaa dhashay gabadha gadhihiisa ugu yareyd, aadkana uu u jeclaa ee Faatima. Aabihiis wuxuu ahaa Cali Bin Abii Daalib oo Nabiga ay ilmo adeer ahaayeen, gurigisana ku soo koray, ahaana mid ka mid kamid ah afarta Khaliif ee la magac baxay Khulafaau-Raashidiin.
Al-xuseyn Bin Cali waxa u ku dhashay magaalada Madiina 3 bisha Shacbaan sanadkii 4-aad ee tirsiga Hijriga oo oo ku beeganaa 8 Janaayo 626 kadib dhalashadii Nabi Cise Nabad galyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee.
Al- Xuseyn Bin Cali, Waa mid ka mid ah labada farac ee ay ka soo askumeen Tafiirtii (dhashii) Nabai Muxamed NNKHA oo loo yaqaanno Asharaafta ama Aala-beytka. Muslimiinta Shiicadu waxey u yaqaannan Sayidkii Shuhadada, iyo Imaamkii 3-aad ee ka midka ah 12-ka imaam ee Shiicadu badankoodu aaminsanyihiin in xukunka Muslimiinta uu Nabigu NNKHA u dardaarmay, laakiin la hareer mariyay xukunka.
12-ka Imaam waxey kasoo bilaabaan Shiicadu Cali Bin Abii Daalib oo ahaa Al-Xuseyn aabihii, iyaga oo ku labeeya Al-Xasan Bin Cal oo ahaa da'dii isaga ka weyneyd. Sagaalka Imaam ee kale ayey Shiicadu aamisantahay, gaar ahaan kuwooda loo yaqaanoo Alithnaa Cashariya, in ay ka farcameen Al-Xuseyn, dhamaantoodna waa la soo arkay, marka laga reebo Imaamka 12-aad Almadi Al-Muntadir oo ah mahdiga la sugayo oo soo bixi doona Aakhiru-Zamaanka.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Halkaa waxey iska waafaqsanyihiin Sunniyiinta oo iyaguna aaminsan in Mahdigu uu ku abtirsado Nabbi Maxamed NNK, hayeeshee uma kala soocno halka uu Mahdigu Nabiga uga arooro, haddii ay Al-Xasan tahay iyo haddii ay Al-Xuseyn tahayba. Sunniyiinta aktooda Al-xuseyn waa sharfanyahay, laakiin ma gaarsiisna darajada Imaamnimada.
Dhimashadii Al-Xuseyn Bin Cali
Al-Xuseyn Bin Cali iyo tobaneeyo ka mid ah Aala beydka oo u badnaa wiilashiisa, kuwa uu adeer u yahay iyo kuwa kaloo ay ilmo adeer yihiinba waxaa si arxan darro ah loogu laayay goob la magac baxday KARBALAA oo ku taala dalka Ciraaq, taariikhdu markey aheyd 10- kii Bisha Zako (Muxarram), sanadkii 61-aad ee tirsiga hijriga, kuna beegan 12-kii Oktoobar 680 sanadka Miilaadiga.
Waxaa amarka dilkiisa bixiyay Yaziid Bin Micaawiya oo ahaa Khaliifkii 2-aad ee Dowladdii umawiyiinta oo xukunka hayey intii u dhaxeysay 60 ilaa 64 tirsiga sanadka Hijriga oo ku beegan 680 ilaa 683 sanadka Miilaadiga.
Hayeeshee waxaa xasuuqa Aala beydka oo Al-Xuseyn u horreeyo fuliyay ciidamo taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Ciraaq ee waagaa oo la dhihi jiray Cubeydullaahi Bin Ziyaad oo isagu ka amar qaadanayay Yaziid Bin Micaawiya.
Buugaagta ka faalooda Taariikhda Islaamka waxey tilmaamayaan in Al-Xuseyn oo ay wehliyaan ilaa todobaatameeyo ka mid ah raggiisa oo carruuri ay ku jirto, unna badnaa dhashii Nabiga NNK ee Aala Beydka loo yaqaanno , goobta lagu dilay. Al-Xuseynna inta kurka laga jaray ayaa madaxiisii oo danbiil ku jira loo safriyay magaalada Dimashiq oo Xarun u aheyd boqortooyadii Umawiyiinta, si Yaziid Bin Micaawiya uu ugu ildoogsado dilka arxan darrada ee loo geystay Al-Xuseyn oo uu u arkayay mucaaradkiisa ugu weyn.
Muranka labada nin waa Al-Xuseyn iyo Yaziid e, ayaa salka ku hayay hardan siyaasadeed oo ku qotomay cidda dowladda Islaamka xukumeysa iyo qaabka ay xukumeyso. Al-Xuseyn ayaa isagu diiday in uu u hogaan samo xukunka Yaziid Bin Micaawiya oo uu u arkayay in uusan sifo sharci ah ku imaan, maadaama uu aabihii oo Mucaawye ahaa uu si dhaxal ahaan ah xukunka ugu wareejiyay.
Al-Xuseyn wuxuu rumeysnaa in Mucaawiye uu ka baxay heshiiskii uu lagalay Al-Xasan Bin Cali sanadkii 41 hijriga oo ku beeganaa 661tirsiga Miilaadiga, kass oo dhigayay in Mucaawiye marka uu geeriyoodo talada la dhexdhigo Muslimiinta si ay aayahooda uga tashadaan, cidda ay rabaanna u doortaan. Hayeeshee Mucaawye markii uu sii dhimanayay ayuu ka dardaarmay in wiilkiisa Yaziid ah xukunka lugu wareejiya, taasina waxey keentay in Al-Xuseyn iyo rag kale oo C/llahi Bin Zubeyr kamid yahay ay falaagoobaan oo markaa Xoog lugu maqooniyo si falaagonimadkooda loo soo afjaro.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Baroor diiqda Al-xuseyn iyo Shiicada.
Walow Xasuuqa loo geystay Aala beydka oo Al-Xuseyn ugu horeeyo uu yahay nabar aan laga bogsan, taariikhda islaamkana bar madaw uga tagay, haddana muslimiinta Shiicad si gooni ah ayuu xanuun ugu reebay, sidaa darteed ayaa maalinta 10-aad ee Bisha Zako (Muxarram) waxaa u bilowda boroor- diiq socota ilaa 40 maalmood oo loo yaqaanno Al-xuseyniyaad.
Waa maalmo ku asteysan murugo, oo dadka oo dhami ay xirtaan dhar madmadow, ayna u socdaalaan magaalada Karbalaa ee dalka Ciraaq oo ah halka uu ku aasnyahay Al-Xuseyn si loo soo siyaarto, loona barakeysto.
Siyaarada waxaa barbar socdo murugo, iyo baroor iyo xadrooyin ay culimada Sheecadu ku qabtaan mowlacyo kala duwan. Waxaa dib loo wariyaa sida loo dilay Al-xuseyn iyo Aala beydkii la socday.
Si dadku ay tiiraanyadooda iyo murugadooda u muujiyaan waa in ay is laab dharbaaxaan, oo dharka iska jeexaan, qaarkood intey jiboodaan ayey dhiig iska keenaan. Ula jeedku waa in la muujiyo murugo, mana ka marna kafaara gudasho laga kafaaro gudanayo in duriyaddii Nabiga NNK sidaa loo laayo iyada oo aan cidi u gurman.
Inkastoo taariikhda islaamka ay la ciirciireyso dagaalo sokeeye oo ka waaweyn dhacdadii lugu dilay Al-xuseyn, haddana xuunka iyo saameynta ay reebtay marka laga eego waxaa la dhihi karaa waa dhcdadii ugu muhiimsaneyd ee soo marta Muslimiinta, maxaa yeelay waxey horseeday kacdoonno siyaasadeed oo is dabajoog ah, kuwaas oo muslimiinta Shiicada ahi ay sameeyeen, waxaana ugu horeeyay kacaankii Cabaasiyiinta ay xukunka uga tuureen Umawiyiinta sanadkii 132 hijriga oo ku beegan sanadka 750 Miilaadiga, waxaana ugu danbeeyay kacaanka islaamiga ah ee ka hirgalay dalka Iiraan sanadkii 1979 - kaa oo uu hogaaminayay Aayatulahi Al-Khumeyni oo Shiicada intooda badani aaminsantahay in uu wakiil ka ahaa Imaamka 12 -aad ee ah Madiga la sugayo.











