Maxay tahay talaabada aargudashada ah ee ay ku habjabeen ururka Xisbullah

Xigashada Sawirka, REUTERS
Mowjado cabsi leh ayaa dul hoganaya Lubnaan iyo dalalka deriska la ah ka dib dilkii hogaamiyihii labaad ee Xamaas oo lagu dilay gudaha caasimada Lubnaan ee Beyruut.
Al Arouri ayaa ku dhintay qarax ka dhacay koonfurta caasimadda Lubnaan, weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil si weyn loogu eedeeyo, oo ah dal aan sheegan mas’uuliyadda weerarka.
Isaga oo ahaa ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Al Arouri waxa uu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ka tirsan hoggaanka kooxda Falastiiniyiinta.
Horayba xiisada u dhaxaysa Israa’iil iyo ururka hubaysan ee Xisbullah ayaa ahayd mid sii kordhaysay tan iyo bilowgii colaadda Qasa, waxaa kale oo jirtay isku dhacyo ciidan oo u dhaxeeyey ciidamada Israa’iil iyo kuwa Xisbullaah oo ka dhacayey xaduudda Lubnaan iyo Israa’iil.
Ma dhici doonto ciqaab la'aan
Hogaamiyaha Xisbullaah Xasan Nasrallah ayaa khudbad uu jeediyey waxa uu ku tilmaamay in dilka Al Arouri uu yahay mid halis ah, isagoo xusay in tani tahay dhacdadii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2006-dii, xiligaas oo uu socday dagaal dhexmaray Xisbullah iyo Israa’iil.
Nasrallah oo khudbadiisa ku magac dhabay wasiirka difaaca Israa’iil ayaa yiri “ma awoodo in uu gaaro hadafkiisa dagaal”.
"Kama cabsaneyno dagaal, kuwa ku fekeraya inay nala dagaallamaan way ka shallaayi doonaan, dagaalka nalala galay wuxuu ugu kici doonaa qiime aad u badan." ayuu yiri Xasan Nasrallah.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in haddii Israa’iil ay dagaal ku qaado Lubnaan aysan jiri doonin xad ama xeer dagaalka Xisbullah.
Isagoo sii hadlayey ayuu hogaamiyaha Ururka Xisbullah ku sheegay in dhacdadii ka dhacday Lubnaan ay ahayd dembi, aysanna dhici doonin in aan loo ciqaab mudan.
Ra'iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay isku dayayso inay furto "jid uu waddankiisu dagaal goboleed ku galo".
Israa’iil ma toos uma aysan xaqiijin, mana beenin in ay dishay Al Arouri, balse afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil ayaa sheegay in ay ahayd weerar ka dhan ah "hoggaamiyeyaasha Xamaas”.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa tan iyo bishii November sheegayey in uu amar ku bixiyey in haya’ddooda Mossad ee adeega sirdoonka dibadda ay talaabo ka qaadayso hogaamiyayaasha Xamaas meel kasta oo ay joogaan
Haddii aad duqaysaan Beyruut waxaan duqaynaynaa Tel Eviv.

Xigashada Sawirka, PALINFOAR/TWITTER
Muuqaal si weyn loogu wareejiyey Baraha Bulshada ayaa muujinaya khudbad uu jeediyey bishii Ogoosto ee sanadkii tagay hogaaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah kaas oo sheegay
“Dil kasta oo ka dhaca dhulka Lubnaan ee lala beegsado Lubnaan, Falastiin, Iran, ama Suuriya, waxaa hubaal ah inuu yeelan doono falcelin xooggan, loomana dulqaadan karo, loomana dulqaadan karo."
Nasrallah ayaa hadal uu jeediyay August 14, 2009 ku bilaabay khudbad uu kula hadlayay Israa’iiliyiinta, isagoo yiri “Haddii aad duqeeysaan Beyruut ama xaafadaha koonfureed, waxaan duqeyn doonnaa Tel Aviv.”
Saamaynta weerarka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay soo sheegayso wariyaha BBC-da ee Qudus Yolande Knell, ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyey weerarada dhanka cirka ee ay ku qaadayaan xaduuda Lubnaan.
Mliliteriga Israa’iil ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dhamaan xaaladaha oo dhan, waxayna xaqiijiyeen difaacooda cirka ee waqooyiga dalka iyagoo ka walwal qaba in Xisbullah ay adeegsato gantaaladeeda riddada dheer.
Dhowr warbaahin oo Israa'iil ah ayaa tilmaamaya in Saalax al Arouri uu ku jiray meesha ugu sarreysa liiska "aadka loo doondoonayo" ee Israa'iil.
Laakiin falanqeeyayaasha qaar ayaa sheegaya in dhimashadiisa ay u badan tahay in ay saameyn xun ku yeelan doonto dadaallada lagu soo furanayo in ka badan 100 Israa'iiliyiin ah oo ay Xamaas ku haystaan Qaza.
Al Arouri ayaa la rumeysan yahay inuu fure u ahaa wadahadalo dadban oo ay garwadeen ka ahaayeen Qatar iyo Masar si loo sii daayo la haystayaasha Israa'iil.
"Dhammaan falalka aargoosiga ah ee Xamaas, walwalka ugu badan waa kan la haystayaasha," ayuu qoray Nahum Barnea oo ku qoray wargeyska Yedioth Ahronoth.













