Sida Xisbullah hurdada ugu diidday 'qolka murugada' ee Israa'iil ee haweenku hagaan

XADKA ISRAA'IIL

Xigashada Sawirka, DISCLOSURE/IDF

Qoraalka sawirka, Qolka dagaalka ee ay yaalan kamaradaha ilaaliya xadka Israa'iil

Magaciisu waa "Xamaal" oo loo soo gaabiyo 'qolka dagaalka ee Cibraaniga. Wuxuu ku yaala buur ku taala xadka u dhaxeeya u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan, bartamaha dhisme ay ilaaliyaan darbiyo la adkeeyey amaankooda.

Dhab ahaantii wax kasta oo halkan ku wareegsan waa kuwo lagu wareejiyey si amaana.

Qolku ma laha daaqado. Si aad u awooddo inaad ka gudubto albaabka adag laga soo galo, waxaad u baahan tahay inaad ka tagto taleefannada gacanta iyo saacadaha smartiga - wax kasta oo muujin kara meesha ay ku taal goobtan sirta ah.

Gudaha qolkan waxaa jira kormeerayaal kuwaas oo ilaaliya si dhowna ula socda sawirada 24-ka saacadood maalintii.

Shaashadaha ayaa muujinaya sawirro madow iyo caddaan kuwaas oo si joogto ah ugu rakiban meel in ka badan 100 km u jirta soohdinta u dhaxaysa Israa'iil iyo Lubnaan.

Wakhtiga shaqada ayaa inta badan qaata afar saacadood. Shaqaalaha militariga ayaa isha ku haya meertada sawirada,waxayna isha ku hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn.

Tan iyo 7-dii Oktoobar, markii dagaalyahannada Xamaas ay koonfurta Israa'iil weerareen Marinka Gaza, oo ay ku dileen 1,400 oo qof ayna qabteen in ka badan 200 oo la haystayaal ah, kororka xiisadda ka taagan xuduudda ayaa sidoo kale ahayd mid joogto ah.

Ku dhawaad maalin kasta, maleeshiyaadka Xisbullah ee Lubnaan ayaa gantaallada lidka taangiyada ku garaaca Israa’iil. Waxayna ciidamada Israa’iil ku jawaabeen madaafiic, iyo diyaaradaha dagaalka oo iyana dul wareega soohdinta.

Labada dhinac ayaa soo sheegay dhimashada dad rayid ah usbuucii la soo dhaafay. Waxayna iska hor imaad kasta kor u qaadaa cabsida laga qabo in rabshadaha xuduudka ay ka dhalato khilaaf ka baxsan.

XADKA ISRAA'IIL IYO LUBNAAN

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Soodinta Israa'iil iyo Lubnaan.

Si aan loo aqoonsan waxaa magaca loo soo gaabisay captain (S) waa koox u xilsaaran la socodka kamarooyinka, shaqadan waxaa u badan fulinteeda haween.

"Waxaan nahay indhaha askarta, indhaha ciidamada ku sugan gudaha - xuduudka oo dhan iyo doorkayagu aad buu muhiim u yahay," ayay tiri mid ka ah ilaalada haweenka ah.

Mid ka mid ah darbiyada qolka, sawirada caruurnimada ee askartu waxay u suran yihiin sidii iyagoo calan ah. Taariikhaha dhalashada waxay ku qornaayeen sawirada hoostooda iyagoo isticmaalaya qalin madow.

Dhammaantood waa da'yar, intooda badan waxay weli ku jiraan adeega milatari ee qasabka ah ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF).

"Waxaan nahay haween xooggan, askar aqoon u leh shaqadooda iyo hadafkooda. Waxaan ognahay inaan door muhiim ah ka ciyaareyno dagaalka.” sidaas waxaa sheegay Captan “S”.

"Ujeedadayada koowaad waa difaac, gabdhuhuna taas way og yihiin. Dhammaantood waxay u yimaadaan shaqada ilaalinta, waxayna ogaadaan waxa ay tahay inay sameeyaan."

Dhowr jeer todobaadkii u dambeeyay koox dabley ah ayaa isku dayay inay darbiga ka gudbaan dhanka kale ee xadka.

Xisbullah waa koox awood leh oo siyaasadeed iyo militari oo Lubnaan ah, oo ay taageerto Iran. Haddana waxay sii kordhinaysay isku dayga ay ku doonayso inay ku soo gasho Israa'iil.

Maraykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo dalal kale ayaa Xisbullah iyo xulafadeeda daacadda ah ee Xamaas u aqoonsan ururro argagixiso.

ISRAA'IIL
Qoraalka sawirka, Haweenay ka tirsan Ilaalada Xaduuda Israa'iil dhanka Lubnaan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jirta cabsi caalami ah iyo walaac laga qabo in isbadal xisaabeed kasta ay horseedi karto dagaal cusub oo ka qarxa waqooyiga Israa’iil.

Dhacdooyinkii dareen-gilgilka lahaa ee ka dhacay Qasa sida qaraxii Isbitaalka Al-Ahli ama weerar dhulka oo ay ciidamadda Israa’iil ku qaaraan marinka Qasa, waa suura gal in ay Xisbullah qaado talaabooyin ka dhana Israa’iil.

Sida muujiyaan dhaqdhaaqyada laga karo ee kamaraduhu qabtaan. Saajin “I”waxay ku jirtaa shaqdeeda iyado isha ku haysta sida kamaraduhu isku beddelayaan.

Waxyaabo madow ayaa ku soo dhawaaday darbiga xadka. Way ogaatay waxa ay u baahan tahay in ay samayso si degdeg ah ayayna ugu ula wadaagtay taliska weerarka cirka.

"Waxaan shaashadda ka gartay koox argagixiso ah, waxaanan ogaa inay wax khaldan yihiin, tani waa shaqadeyda, in aan ilaaliyo xuduudka waqooyi, si aan cidna ugu soo gudbin oo shacabkena dhibaato loogu gaysan, gaar ahaan kuwa halkan deggan ee xuduudda u dhow” ayey intaas raacisay.

"Waa cabsi iyo walbahaar, laakiin waxaaad u baahanahay inaan is dejiyo, been sheegi maayo, aad ayay u cabsi badan tahay in aan halkan joogno, oo u dhow xudduudda. Wax kasta oo hadda ka dhacaya waddankeenna, aad bay u adag tahay." Ayey tiri.

Saajin "I" waxay sheegtay inay aad u adag tahay shaqada sababtoo ah gabdhaha da'da yar ee askarta ah ee ku jira shaqada koonfurta Israel ayaa waxaa soo weeraray Xamaas.

"Qalbigaygu aad ayuu ula socdaa iyaga, anigu shakhsi ahaan waan garanayaa dad badan oo la afduubay ama la dilay."

Ma dhib yara nolosha ay ku jiri karaan ilaalada soohdintan oo ka mid ah ugu xasarada badan caalamka waayo waxaa isku horfadhiya labada isugu neceb ee indhahoodu is qabtaan.