Sida shaybaarkani ku ogaanayo qofka kufsaday wiilkii Gaalkacyo lagu dilay

Xigashada Sawirka, HAYADA BFS
Laamaha dambi baarista iyo xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa ka dalbaday Hay’adda Foreensig Sayniska inay ku biiran shaqada baaritaanada ee lagu wado kiiiskii dhawaan ka dhacay Galkacyo kaas oo kufsi iyo dil loo gaystay wiil yar.
Gudoomiyaha hay’adda Foreensigga, ahna Saynisyahanka guud Dr Cabdirishiid Maxamed Shire oo waraysi siiyey BBC-da ayaa sheegay inay heleen codsiga dowladda ee ah in ay baaritaanka k aqayb qaataan, ka dibna ay baarayaal ka socda hay’adda u direen goobtii fal danbiyeedku ka dhacay ee Gaalkacyo.
Cabdirishiid wuxuu sheegay inay baarayaasha ka socda hay’adda ay ilaa 50 Naamuunado (sambalo) ka soo qaadeen dhinaycada kiisku la xiriiro oo ka kooban dhibbanaha iyo dadka loo xiray kiiska ee xabsiga ku jira.
“Waxaa la qaadayaa hiddo sidayaal dhinacyada ah; dhamaan dadka loo soo xiray kiiska ay gacanta ku hayaan Booliska ayaa laga qaaday DNA, taas oo awood u leh inay kala saarto cidda falkaa qaybta ka ahayd iyo kuwa kale” ayuu yiri Cabdirishiid
Hay’adda ayaa hadda ku guda jirta in shaybaaradoodu baaraan samballada ay soo qaadeen iyadoo waqtiga ay qaadan karto ay ku xirnaan doonto tirada naamuunadaha ay hayaan taasoo sida sheegeen qaadanaysa muddo asbuuc ilaa bil ah.
“Baaristayada markay dhamaato waa mid xiran, waxaana u gudbinnaa hogaanka baarista danbiyada iyo Xeer ilaalinta Puntland, hadiise loo baahdo in su'aalo nalaka waydiiyo waxaan tagnaa goobaha nalooga yeero si aan uga jawaabno” ayuu intaas raaciyey.

Xigashada Sawirka, HAYADA BFS
Waa maxay shaqada uu Shaybaarka ka qabto Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, HAYADA BFS
Shaybaarkan oo ah kan kaliya ee ku yaalla Soomaaliya ayaa leh awood uu ku kala saari karo dadka ku lug yeesha faldanbiyeed Kufsi ah ama Dil ah, isagoo horey u galay kiisas boqolaal gaaraya.
Saynisyahada ka shaqeeya ayaa isugu jira ajaaniib iyo Soomaali kuwaas oo adeegsada qalab casri ah oo maamulka haya’ddu ku sheegeen in qiimihiisu ka badan yahay 1 milyan oo dollar.
Kiiskii ugu weynaa ee loo xilsaaray inay baaran haya’ddan Foreensigga ayaa ahaa kii Caa’isho Ilyaas oo ahayd gabar yar oo dil iyo kufsi loogu gaystay Magaalada Galkacyo sanadkii 2019kii.
Cadaymihii xiligaas ee ay soo bandhigeen hiddo sidayaal lala xiriirey inay ku lug yeesheen kufsiga ayaa lagu helay rag ka tirsanaa kuwii loo xiray fal danbiyeedkaas.
Ilaa 70 Naamuunadood ama sambal ayey baarayaashi ka socday hay’addu ka qaadeen kiiskii Caa’isho taas oo ka mid ahayd qodobadii ay adeegsadeen garsoorka markii go'aanada ay gaareeen.
Kiisaska kufsi ee ay baareen

Xigashada Sawirka, HAYA'DDA BFS
Haya’ddan oo la asaasay sanadkii 2017-kii ayaa shaqadeeda baarita bayoloojika billowday sannadkii 2018-kii.
Ilaa waqtigaas waxay baaris ku samaysay ilaa 300 oo kiis oo kufsi ah,waxayna baareen ilaa kumanaan sambalo oo DNA ah si loo xaqiijiyo kiisaskaasi.
“Mararka qaar waxaan qaadnaa ilaa 100 sambal hal dhacdo oo la baarayo, waxaan kaloo kaydinaa dhamaan macluumaadyada aan baarno oo dhan. Kaliya kuma koobnin Puntland ee waxaa kiisas naga soo gaaraan dhamaan Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhaxe oo aan ka caawino inaan baaritaanada ka qayb qaadano”ayuu yiri Dr Cabdirishiid.
Side u shaqeeyaan shaybaarada Forensic?
Shaybaarka Forensic ama shaybaarka danbi baarista waxaa loo adeegsadaa in lagu baaro fal danbiyeedyo aan la garanayn cid ku lug leh ama adeegsiga baaritaano dheeraada oo la dabagalayo.
Qaybaha sayniska sida fiisigiska, kimisteriga, bayloojiga, sayniska kombiyuutarka iyo injineernimada ayaa adeegsadan kara shaybaarka Forensic si loo xaqjiiyo heerka danbi gaarsiin yahay iyo cida ku lugta leh.
Waxaa kale oo looga faa’iidaystaa in lagu sameeyo shaybaarkan raadraaca DNA-da, faraha, qaababka dhiigga, timaha, sunta, iyo falanqaynta qashinka dabka.
Xaaladaha qaarkood baarayaasha adeegsada shaybaadhka dembiyadu waxay ka marag furaan maxkamadda marka la eego caddaymaha ay ururiyeen iyo gabagabada ay gaadheen baadhista ka dib.
Dhamaadkii qarnigii 19-aad ilaa 20-aad ayaa la adeegsaday shaybaarkan danbi barista ah.













