Maxaa ku xusnaa warqaddii uu Saadaam Xuseen u qoray Falastiiniyiinta kahor inta uusan dhiman?

Ciraaq

Warqadda, oo bishii August ee sanadkii 2005 lagu daabacay labo wargeys oo kasoo baxa dalka Urdun, ayaa waxaa Guddiga Caalamiga ah ee Bisha Cas soo gaarsiiyay mid ka mid ah saaxiibbadii Saadaam oo ku noolaa Urdun.

Dadka soo bandhigay warqadda ayaa sheegay in ninkan uu diiday in magaciisa la shaaciyo.

Waxaa la rumeysan yahay inay ahayd warqaddii ugu horreysay ee ka timaadda Saadaam kahor inta aan la qaban bishii December ee sanadkii 2003, taasoo loo diray qof aan ka tirsaneyn qoyskiisa.

“Nafteyda iyo jiritaankeyga waxaan u hurayaa Falastiinteenna qaaliga ah iyo Ciraaqdeenna aan jecel nahay ee bukaanka ah, ee dhibban,” ayuu ku yiri qofka qoray warqadda.

Tayseer Homsi, oo ahaa xoghayaha guud ee Xisbiga Bacath ee Urdun, ayaa sheegay in warqaddan oo lasoo mariyay ICRC ay ku socotay siyaasi Urdun u dhashay oo aan la carrabaabin.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 1988: Hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yasser Arafat oo la sawiran Saadaam Xuseen

Ku luglahaanshaha ICRC

Israa'iil
Qoraalka sawirka, Markii la qabtay Saadaam Xuseen

Rana Sidani, oo xilligaasi la hadashay wafdiga ICRC ee ee Ciraaq oo ku sugneyd Cammaan, ayaa tiri: “ICRC ayaa xaqiijisay sax ahaanshaha farriinta lagu daabacay warbaahinta Urdun.”

“Nafteyda iyo jiritaankeyga waxaan u hurayaa Falastiinteenna qaaliga ah iyo Ciraaqdeenna aan jecel nahay ee bukaanka ah, ee dhibban,” ayuu ku yiri qofka qoray warqadda.

“ICRC ayaa farriinta soo qaadday,” ayay tiri. “Waxaa lala tashaday dowladdii xirtay kahor intaan loo gudbin ICRC si loo faafiyo.”

Nin saaxiib la ahaa qoyska Sadaaam, oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in “farta warqadda lagu qoray ay 100% tahay tii Saadaam”.

Labada gabdhood ee Saadaam, Raghad iyo Rana, ayaa iyagu ku noolaa magaalada Cammaan kaddib markii ay kasoo qaxeen Ciraaq markii uu Mareykanku qabsaday.

Warqaddan ayaa markii dambe caan noqotay iyadoo dalkaasi Ciraaq ay ka bilaabatay dhowr maxkamadeyn oo Saadaam la saarayay.

Mid ka mid ah waxaa loo heystay xasuuqii 1982 150 Shiico ah loogu geystay deegaanka Dujail oo waqooyiga Baqdaad ku yaalla.

Saadaam wuxuu ahaa Sunni, dadka laga tirada badan yahayna waxay ahaayeen Shiico, Kurdiyiin iyo kuwo kale.

Bishii April ee sanadkii 2003 ayaa laga tuuray xukunka, kaddib markii Mareykanku ku duulay Ciraaq.

Sida uu Saadaam u caawinayay Falastiiniyiinta

Palestine

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta Ciraaq ku noolaa oo u doodayay in xuquuqahooda loo soo celiyo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii la daldalay Saadaam Xuseen, koox lagu magacaabo Xoreynta Carabta ayaa meel ka tirsan dhulka Falastiiniyiinta uga dhistay taallo.

Magaalada Qalqiliya oo laga dhisay taalladan ayaa looga baroordiiqay.

Saadaam wuxuu muddo dheer taageerayay Falastiiniyiinta, wuxuuna malaayiin dollar siiyay qoysaskii kuwii is qarxiyay sanadkii 2000.

Caan ayuu ka yahay Falastiiniyiinta sababtoo ah dhowr gantaal ayu uku tuuray Israa’iil Dagaalkii Gacanka 1991. Sanadkaas, boorarka Saadaam ayaa laga taagay Marinka Qasa.

Inta badan Dunida Carabta ayaa ka carooday dilkii Saadaam, balse waxaa saa’id looga falceliyay gudaha Falastiiniyiinta.

Saadaan Xuseen ayaa intii uu xilka Ciraaq hayay, falastiiniyiinta u damaanad qaaday xuquuqaha ay leeyihiin dadka Ciraaq, sida shaqooyinka, waxbarasho bilaash ah iyo gunnooyin, cunno. Balse dowladdii ka dambeysay Saadaam, ayaa xuquuqahaas kala laabatay, taasoo keentay inay dibadbaxaan Falastiiniyiin badan oo dalkaas ku noolaa.

Sida loo dilay Saadaam

Saadaam

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Markii la daldalayay Saadaam

Maalin loo dabaaldegayay munaasabadda Ciidul Adxa ee sanadkii 2006-dii ayaa dil lagu fuliyay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xuseen. Taariikhdu markaas waxay ku beegnayd 30-kii bishii December.

Saadaam ayaa amarka dowladda Ciraaq lagu daldalay xilli waabariga ka hor ah, kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa xasuuq loo gaystay dad u dhashay Ciraaq.

Eedeymahaas waxay la xiriireen falal dhacay in ka badan 20 sano ka hor intii uusan Mareykanka xukunka ka tuurin.

Subaxdii la fuliyay dilkiisa, muuqaal ayaa laga sii daayay telefishinka Al-Ciraaqiya ee ku hadla afka dowladda, kaasoo muujinayay Saadaam oo isagoo xiran dhar madow ay rag wajiga iyo madaxa qarsaday u wadaan qolkii lagu daldali lahaa.

Garsoore Ciraaqi ah, oo lagu magacaabo Munir Haddad, oo goob joog ahaa, ayaa telefishinka CNN xilligaas u sheegay in mid ka mid ah raggii daldalayay Saadaam Xuseen uu hadal ku tuuray, isagoo u sheegaya in uu ahaa kelitalis burburiyay Ciraaq.

Arrintaas ayaa islamarkiiba dood ka dhex kicisay Saadaam iyo ninkii kaxaynayay, ilaa ay markii dambe soo farogeliyeen saraakiil kale oo ku sugnayd qolka.