Waa kuwee Laacibiinta cayaaraha looga joojiyey dagaalka Xamaas-Israa'iil dartiis

Xigashada Sawirka, Reuters
Xubno ka tirsan xisbiga Christian Democratic Union of Germany, oo ah xisbi muxaafid ah, ayaa dalbaday in Noussair Mazraoui laga saaro kooxda Bayern Munich iyo dalkaba ka dib markii uu taageeray Gaza.
Dhowr ciyaartoy oo kubbadda cagta Morocco ah ayaa ka dhawaajiyay inay is garab taagan yihiin Gaza iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, taasoo ka dhigaysa inay mar kale bartilmaameed u noqdaan dhaleecaynta warbaahinta qaar.
Noussair Mazraoui
Noussair Mazraoui, ciyaaryahan U safta xulka qaranka Morocco iyo daafaca Bayern Munich, ayaa ku baahiyay Instagram-ka muuqaal halkaasoo uu "guul" u rajeeyay Falastiiniyiinta oo wajahaya dagaal cusub oo ka dhan ah Israa’iil ah.
Dhammaadkii isbuucii hore, cayaartoyga qaranka Marooko ayaa iyaguna baahiyay muuqaal gaaban oo muujinaya sawirka calanka Falastiin iyagoo lulaya waxa la maqlayay cod u eg in ay u duceynayaan. “Ilaahay ha u gargaaro walaalaheenna lagu dhibaateynayo Falastiin si ay guul u gaaraan, intii dhimatay Alle ha u naxariisto. , Illahay ha caafiyo intii ku dhaawacantay.
Sheekada Mazraoui ayaa durba dhalisay dhaleeceyn ballaaran oo ka dhan ah ciyaaryahanka reer Morocco, iyadoo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Jarmalka ay ka codsadeen sharaxaad rasmi ah kooxdiisa Bayern Munich.
Dhanka kale, xubno ka tirsan xisbiga Christian Democratic Union of Germany, oo ah xisbiga muxaafidka, ayaa dalbaday in laga saaro kooxda iyo dalkaba.
Mazraoui ayaa sheegay in uu mar walba ka shaqayn doono nabadda iyo cadaaladda. "Tani waxay la macno tahay inaan mar walba ka soo horjeedo dhammaan noocyada argagixisanimada, nacaybka iyo rabshadaha. Taasina waa wax aan mar walba garab istaagi doono," ayuu yiri. Jarmalku waxay laba jibaareen dhaleeceynta Mazaroui, iyagoo sheegay inuu ku guul daraystay inuu cambaareeyo " Xamaas".
Toddobaadkii hore, FC Bayern waxay shaacisay qoraal ay ku soo qortay barta X ee loo yaqaanay twitter "Waxaan ka walaacsannahay saaxiibadayada Israa'iil, waxaana rajeyneynaa nabad ku wada noolaanshaha dhammaan dadka ku nool Bariga Dhexe." Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay diideen inay ka hadlaan mowqifka Mazraoui.
Youcef Atal

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Ligue 1 ee Nice ayaa shaqada ka joojisay xiddiga heerka caalami ee dalka Algeria Youcef Atal Arbacadii ka dib markii barihiisa bulshada uu ku baahiyay mowqifkiisa dagaalka Israel iyo kooxda Xamaas.
Atal ayaa la sheegay in uu baahiyay muuqaal uu soo duubay daaciga Falastiiniyiinta Mahmoud al-Hasanat, kaas oo uu Ilaahay ka baryay "in yuhuudda ay galaan maalmo madow."
Farriinta ayaa si deg deg ah loo tirtiray, 27-jirkan ayaa raaligelin ka bixiyay, isagoo sheegay inuusan waligii taageeri doonin fariin naceyb ah.
Bilowgii usbuuca, dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa bilaabay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan ciyaariyaahanka reer Aljeeriya, iyada oo looga shakiyay "in uu ammaanayo kooxaha ay ku sheegeen argagaxiso."

Xigashada Sawirka, Reuters
Anwar El Ghazi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warkan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii kooxda Bundesliga ka dhisan ee Mainz ay shaqada ka joojisay Anwar El Ghazi oo u dhashay dalka Holland ka dib qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Falastiiniyiinta kaas oo lagu eedeeyay in uu ku jiro bayaan: "Laga soo bilaabo wabiga ilaa badda, Falastiin waxay noqon doontaa xor."
Bayaanka ayaa loo adeegsaday in lagu caddeeyo sheegashada dhuleed ee xuduudaha dhulka Falastiin.
Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Jarmalka ayaa dhawaan u sheegay wakaaladda wararka ee Jarmalka in ay hadda xukunka u kala saarayaan dembiyo sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in uu noqon karo falaago.
Ozil oo diray farriin kale
Mesut Ozil ayaa muujiyay taageerada uu u hayo Falastiin iyada oo xiddigii hore ee Arsenal uu ku daray calankooda farriin uu soo dhigay isagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka.
Waxa uu hore ugu dhawaaqay inuu taageersan yahay Falastiin dagaalka ay kula jiraan Israa’iil
Xidigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Real Madrid Mesut Ozil ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada ku muujiyay taageerada uu u hayo Falastiin.
Laacibkii ciyaaraha ka fariistay ee Jarmalka ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee caan ka ahaa ciyaaraha ee taageera Falastiiniyiinta kadib colaadda gobolka, ka dib weerarradii kooxda argagixsada ee Xamaas ee Israa’iil Sabtidii.
Subaxnimadii Jimcaha, Ozil waxa uu soo dhigay X, oo hore u ahaan jiray Twitter, isagoo codsanaya in la joojiyo dagaalka, taas oo sidoo kale muujisay taageerada uu u hayo Falastiin.
Farriintiisa waxa ay la socotay sawir ay ku xardhan tahay '#FreePalestine'.
Waxa uu intaa ku daray: "Dadka aan waxba galabsan iyo gaar ahaan carruurta aan waxba galabsan ayaa naftooda ku waaya dagaalka labada dhinacba. Waa arrin aad u murugo badan".
'Fadlan jooji dagaalka!!!'
Ozil ayaa hore ugu dhawaaqay inuu taageersan yahay Falastiin iyada oo ay isku dhaceen Israa’iil sannadkii 2021-kii, taasi oo dhalisay muran uu ugu dambeyn ku waayay shaqadiisii koxda.
Saaxiibkiisii hore ee Arsenal Mohamed Elneny oo weli u ciyaara Gunners ayaa sidoo kale muujiyay taageeradiisa horraantii toddobaadkan isagoo saartay Instagram-ka sawirka calanka Falastiin.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar Elneny, oo 31 jir ah, ayaa horay u soo dhigay fariin uu ku taageerayo Falastiin sanadka 2021-kii, isagoo bartiisa twitterka ku soo qoray: 'Qalbigayga iyo naftayda iyo taageerada aan kuu hayo Falastiin,' waxaa ku xiga sawirka calanka Falastiin iyo emoji nabadeed.
Tallaabada Zinchenko ee muranka badan dhalisay
Daafaca Ukrain ee Arsenal Oleksandr Zinchenko ayaa khaas ka dhigtay akoonkiisa Instagram kadib markii ay bar-tilmaameedsadeen baraha bulshada ee internetka oo uu ku sheegay inuu ' garab taagan yahay Israa'iil.
Majirto farriin cad oo soo baxday oo kadhan ah xiddiga Arsenal ee taageeray Israa’iil balse waxaa la rumeysanyahay in ku keceen bulshada muslimiinta ah gaar ahaan kuwa taageera Arsenal.
Farriinta Maxamed Saalax
Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa muuqaal qiiro leh oo uu soo duubay waxa uu kaga hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta, gaar ahaan carruurtii xalay lagu laayay cusbitaal ku yaalla magaalada Qasa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,000 qof oo u badan carruur iyo dumar.
Muuqaalka oo laga arkayay sida uu Mohamed Salah uga qiiraysan yahay falkan foosha xun, ayaa waxa uu ku yirii: “Dhamaan nafaha binu-aadamku way karaamaysan yihiin, waxaana waajib ah in la ilaaliyo. Waxaynu u baahanahay in aynu joojino tan. Qoysas ayaa la kala geeyey, waxa hadda muuqda ee iska cad waa in ay waajib tahay in loo ogolaado in si degdeg ah uu gargaarka binu-aadanimadu u gaadho Qasa. Dadku waxay ku jiraan xaalad argagax ah.
















