Halkee ayuu dhaqaalaha kasoo galaa kooxda Xamaas ee dhuunta u gashay Israa’iil?

Xamaas

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa isticmaasha dallad dhaqaale oo caalami ah oo isku xiran si ay taageero maalgelin uga hesho hay’adaha samafalka ee dalalka ay saaxiibbada yihiin, kuwaasoo lacago caddaan ah usoo mariya dhulalka hoose ee Qasa amaba waxay isticmaalaan lacagta cryptocurrency si ay uga badbaadaan cunaqabateynada caalamiga ah, sida laga soo xigtay khubarro iyo saraakiil.

Si kastaba, Xamaas, oo maamusha Marinka Qasa, ayaa wajihi doonta xitaa caqabado badan oo ku aaddan helidda dhaqaale kaddib markii toddobaadkii hore ay dagaalyahannada kooxda weerar gaadmo ah ku qaadeen Israa’iil kaasoo dilay boqollaal qof oo Israa’iiliyiin ah oo badankood rayid ahaa.

Israa’iil ayaa ku jawaabtay weerarkii ugu cuslaa ee ay ku qaaddo Qasa muddo 75 sano ah.

Horraantii toddobaadkan, booliiska Israa’iil ayaa xannibay akoonno bankiga Barclays ah oo ay sheegeen in lala xiriirinayo maalgelinta Xamaas waxayna sidoo kale xireen akoonno cryptocurrency ah oo loo adeegsan jiray in deeqo lagu ururiyo, iyadoo aan la carrabaabin inta akoon ee ay ahaayeen iyo xaddiga lacagta.

Tallaabadan ayaa indhaha caalamka kusoo jeedisay daladda dhaqaale ee isku qasan, qaarkood ay sax yihiin, intooda badan ay qarsan yihiin ee ay ku tiirsan tahay Xamaas, amaba Dhaqdhaqaaqa Iska caabbinta Islaamiga ah, iyo dowladdeeda Marinka Qasa, ee ay maamuleysay tan iyo sanadkii 2007.

Matthew Levitt, oo ah sarkaal hore oo Mareykanka ah oo ku takhasusay ka hortagga argagixisada, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa dakhliga Xamaas ku qiyaasay in in ka badan $300 milyan ay uga timaaddo canshuurta ganacsiyada, iyo sidoo kale dalalka ay ka mid yihiin Iiraan iyo Qadar amaba hay’ado samafal.

Kooxda Xamaas ayaan ka hadlin arrintan. Hadda kahor, Xamaas ayaa sheegtay in xayiraadaha dhaqaale ee la saaray deeqbixiyeyaasheeda ay ahaayeen tallaabooyin lagu doonayay kuwo banneynayay iska caabbin sax ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa Xamaas saaray cunaqabateyn iyagoo ku timaamay urur argagixiso, waxayna kooxda aad u adeegsan jirtay lacagta cryptocurrencies, credit cards amaba heshiisyo ganacsi oo aan rasmi ahayn si ay uga fogaadaan in la saaro cunaqabateyn caalami ah, sida uu sheegay Levitt.

"Xamaas waxay ka mid ahayd kuwa guulaha ka gaaray in crypto ay u isticmaasho maalgelinta argagixisada," ayuu yiri Tom Robinson, oo wax ka aasaasay hay’adda baaridda ee Elliptic.

Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaale Falastiiniyiin ah oo ka shaqeynaya mashaariic ay Qadar ka sameyneyso Qasa
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba, sanadkan dhexdiisa Xamaas ayaa sheegtay inay ka guuri doonto crypto, kaddib khasaare soo gaaray. Hannaanka Cryptocurrency ayaa la bixidda lacagaha mararka qaar ka dhigi kara wax lala soocn karo.

Hay’adda baaridda ee TRM Labs ayaa iyadana toddobaadkna dhexdiisa sheegtay in lacag ururinta lagu sameeyo crypto ay hore u korortay kaddib weerarro ay Xamaas mu lug lahayd oo dhacay. Kaddib dagaalkii May 2021, akoonnada ay Xamaas maamusho ee crypto ayaa waxaa kusoo dhacay in ka badan $400,000, sida ay sheegtay TRM Labs.

Si kastaba, tan iyo weerarkii toddobaadkii hore, kooxo caan ah oo lala xiriiriyo Xamaas ayaa keliya isu dirayay kumannaan doollar iyagoo sii marsiinayay crypto, sida ay sheegtay TRM.

"Mid ka mid ah sababaha ay hoos ugu dhacday xaddiga lacag ururinta waa in maamulka Israa’iil ay durba beegsanayeen," ayay tiri TRM, iyadoo intaa ku dartay in Israa’iil ay dhowaan akoonno xiriir la leh Xamaas kala wareegtay “tobnaan milyan oo dollar” oo lacagta cryptocurrency ah.

Intii u dhaxeysay Dec. 2021 iyo April sanadkan, Israa’iil ayaa la wareegtay ilaa 190 akoonno crypto ah oo ay sheegtay in lala xiriirinayo Xamaas.

Siyaabo daahsoon

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madxaweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi

Haddii ay isticmaaleen crypto amaba siyaabo kaleba, xulafada Xamaas ayaa helay hannaan ay lacag ku gaarsiiyaan Qasa. Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in Iiraan ay ilaa $100 milyan ay sanadkii ku taageerto kooxaha Falastiiniyiinta sida Xamaas, waxayna sheegtay inay adeegsato siyaabo lacagta lagu gaarsiiyo kooxahaas iyadoo lasii marayo shirkado daahsoon, lacagaha maraakiibta iyo macdan qaali ah.

Dowladda Iiraan ayaanan ka jawaabin arrintan.

Sanadkii lasoo dhaafay, Xamaas ayaa sameysay shirkay qarsoodi ah oo maamulayay $500 milyan oo maalgashiyo shirkado ku yaalla Turkiga ilaa Sacuudiga, sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Mareykanka, oo bishii May ee sanadkii hore ku dhawaaqday cunaqabateyno ay saartay shirkadahaas.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku eedeyneysay wadaaddada xukuma Iiraan inay abuurayaan fowdo iyagoo hub siinaya Xamaas.

Xukuumadda Tehran oo aan aqoonsaneyn Israa’iil, ayaa sheegtay inay taageero mooraal iyo mid dhaqaaleba siiso kooxda.

Taageeridda Falastiin wuxuu ahaa tiir ka mid ah tiirarka Jamhuuriyadda Islaamiga ah tan iyo kacdoonkii sanadkii 1979 iyo hab uu dalkaas isaga dhigo inuu hoggaanka u hayo dunida Muslimka.

Qadar oo shidaalka qani ku ah ayaa boqollaal malaayiin oo dollar siineysay Qasa tan iyo sanadkii 2014, iyadoo bishiiba $30 milyan ku bixiso caawinta korontada iyo taageeridda qoysaska baahan iyo dadka u shaqeeya dowladda ay Xamaas maamusho.

Shuruucda lacagta caddaanka ah

Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Maalgelinta Qadar ee Qasa waxay dhab ahaantii soo martaa Israa’iil, sida laga soo xigtay il arrimahan la socota.

Dakhligan ayaa laga soo diraa Qadar waxaana loo soo diraa Israa’iil iyadoo aaladaha casriga ah la adeegsanayo. Israa’iil iyo saraakiisha qaramada Midoobay ayaa lacag caddaan ah u beddela oo geeya xadka Qasa.

Lacagta caddaanka ah ayaa kaddib si toos ah loogu qeybiyaa qoysaska baahan iyo shaqaalaha rayidka ee ku nool Qasa, qoys walbana iyo qof walbana waa inuu qoraa magaciisa uu lacagta ku helay. Nuqul ka mid ah waxaa loo diraa Israa’iil, midna waxaa heysata QM midna waxaa loo diraa Qadar.