Hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa Xamaas ee ay Israa'iil dishay

Sheikh Axmed Yaasiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sheikh Axmed Yaasiin

Dagaalka socda ee u dhexeeya dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza iyo Israa’iil waa qayb cusub oo ka mid ah iska hor-imaadyo isdaba joog ah oo socday, waxa ay daba socotaa falal rabshado ah, dilal qorshaysan iyo weerarro ismiidaamin ah tan iyo markii la aasaasay dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ah ee loo yaqaano Xamaas, sannadkii 1987-dii waxaa diiwaan geliyay wadaadkii dhintay ee reer Falastiin Axmed Yaasiin.

Dhaqdhaqaaqa ayaa howlagallo badan ka bilaabay gudaha Israa'iil, iyagoo dilay boqollaal Israa'iiliyiin ah, kii ugu horreeyay wuxuu ka dhacay marinka Gaza 1987-dii xilligaas oo ay Israa'iil gacanta ku haysay, waxayna gaarsiiyeen Daanta Galbeed oo ay ku hakiyeen marka loo eego saxiixa Heshiiskii Oslo ee 1993-dii.

Marka la eego howlgalkii labaad, oo ka dhashay kadib markii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil Ariel Sharon uu galay Masjidka Al-Aqsa 2000, wuxuu ahaa mid dhiig badan oo ka daran howlgalkii ugu horreeyay u uku daatay, oo ay ku dhinteen 4,200 oo qof oo labada dhinac ah.

Israa’iil ayaa tan iyo markii ay soo shaac baxday iska caabbinta Falastiiniyiinta waxa ay fulisay tobanaan dil oo qorshaysan oo ay ku bar-tilmaameedsatay madax ka tirsan kooxaha falastiiniyiinta. Hawlgalladan ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyey intii lagu jiray wada-xaajood nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Ururka Xoreynta Falastiin.

Israa’iil ayaa billowday hawlgallo dil ah oo baahsan oo ay ku beegsaneyso hoggaamiyeyaasha iyo hagayaasha dhaqdhaqaaqa Xamaas tan iyo bilowgii sagaashameeyadii, mana kala soocin hoggaanka sare iyo dhaqdhaqaaqa millitariga.

Halkan hoose waxaa ku xusan liiska qaar kamida hoggaamiyeyaasha caanka ah ee ay dishay Israa'iil:

Imad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Imad

Imad Akl

Imad Hassan Ibrahim Akl waxa uu dhashay bishii 19-kii June, 1971-dii, waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Sannadkii 1988-kii, maamulka Israa’iil ayaa xiray muddo sannad iyo bar ah, isaga oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa Xamaas. Markii uu xabsiga ka baxay, waxa uu ku noqday hawlihiisii hore. Waxa dib loo xiray sannadkii 1990-kii muddo bil iyo bar ah, kadib waxa uu u wareegay shaqada hubaysan ee darajooyinka “Guutooyinka Izzal-Diin al-Qassam” ee xiriirka la leh dhaqdhaqaaqa Xamaas. ka baxay daadinta dadka.

Akl kadib wuxuu u jeestay inuu fuliyo hawlgallo militari oo ka dhan ah askarta Israa’iill iyo dadka deggan Daanta Galbeed, iyadoo Falastiiniyiintu ay u suurtagashay inay u kala gudbaan Gaza iyo daanta galbeed wakhtigaas.

Waxa uu noqday ninka lambarka 1-aad ee ay baadi-goobayaan ciidamada ammaanka Israa’iil, kuwaas oo xoojiyay dadaallada ay ku doonayeen in ay ku qabtaan.

Israa’iil waxa u suurtagashay in ay qabato 24-kii Noofambar 1993-dii, kadib markii ciidammada Israa’iil ay isku gadaameen guri ku yaalla xaafadda Shujaiya ee magaalada Qaza halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey, waxaana ay halkaas ku dileen iyo mid kamida dadkii ugu dhowaa kadib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo saaray filim ku saabsan noloshii Imad Akl sanadkii 2009-kii, kaasoo cinwaan looga dhigay "Imad Akl... [Halyeygii iska caabinta]."

Yahya Ayyash

Yahya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Yahya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Yahya Ayyash ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa uguna muhiimsanaa ciidamada guutada Izzal Din al-Qassam ee ay dishay Israa’iil, kuwaasoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada tobaneeyo Israa’iiliyiin ah kadib markii uu fuliyay duqeymo isdaba joog ah iyo qaraxyo. Howlagallo ka dhacay gudaha Israa'iil.

Ayyash, waxa uu ku dhashay woqooyiga Daanta Galbeed sannadkii 1966-dii, waxa uu haystay darajada Injineer, waxa uu shahaadada ka qaatay jaamacadda Birzeit, halkaas oo uu intii uu ku jiray waxbarashadiisa jaamacadeed uu aad uga dhex muuqday ardayda isagoo taageraya Xamaas.

Hawlgalladii ugu caansanaa ee Ayyash lagu eedeeyay inuu fuliyay waxaa ka mid ah qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Afula 6-dii April 1994-tii, kaasoo lagu dilay 8 Israa’iiliyiin ah, weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Hadera, waxaana fuliyay Cammaar Amarneh 13-kii April. , 1994-tii, taasoo keentay in lagu dilo toddobo Israa'iiliyiin ah, iyo hawlgal duqeyn ah oo uu Saleh Nazzal ka fuliyay Tel Aviv. 22 Israa'iiliyiin ah ayaa la dilay.

Aaabaha dhalay Yahya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aaabaha dhalay Yahya

Cadaadis adag oo xagga ammaanka ah awgeed, Ayyash waxa uu u guuray Marinka Qaza dabayaaqadii 1994-tii, sida ay xaaskiisu sheegtay goor dambe isagoo ku guuraybaabuur khudaar ah, safarkuna uu ahaa mid adag.

Ciidamada amaanka Shin Bet ee Israa’iil ayaa horaantii sanadkii 1996-dii ay u suurtagashay in ay u geeyaan Ayyash teleefan ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, xilli uu aabihii kula hadlayay Daanta Galbeed, taleefoonka ayaa laga qarxiyay meel fog, maadaama lagu aqoonsaday codkiisa.

Jamaal Saalim iyo Jamaal Mansuur

Jamaal Saalim iyo Jamaal Mansuur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jamaal Saalim iyo Jamaal Mansuur

Janaayo 31, 2001-dii, diyaaradaha Israa’iil waxay gantaallo ku garaaceen Xafiiska Warfaafinta iyo Cilmi-baarista Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee magaalada Nablus ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay ku dileen hoggaamiyayaashii dhaqdhaqaaqa, Jamaal Mansuur iyo Jamaal Saalim.

Jamaal Mansuur, waxa uu ku dhashay Xerada Qaxootiga ee Balata ee Daanta Galbeed sannadkii 1960-kii, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa aasaasayaashii Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Daanta Galbeed, halkaas oo uu muddo saddex xilli ah madax ka ahaa Ururka Islaamiga ah ee Jaamacadda An-Najax.

Gamal Mansuur waxa la xiray in ka badan toban jeer intii uu wax baranayey. Israa'iil ayaa isaga iyo boqolaal ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo Islamic Jihad u masaafurisay Marj al-Zuhur oo ku taal koonfurta Lubnaan bishii December 1992-dii kadib markii la sii daayay. Maamulka Falastiin ayaa xiray 1997-dii wuxuuna ku sii jiray xabsiga ilaa uu ka dillaacay howlagalkii labaad ee 2000.

Dhanka Jamaal Saalim, waxa uu ku dhashay xerada Ain Beit al-Maa ee magaalada Nablus sanadkii 1958-kii, waxaana uu 1982-kii shahaado jaamacadeed ka qaatay jaamacada Urdun.

Waxa uu dib ugu laabtay Daanta Galbeed kadib markii uu dhammaystay waxbarashadiisa oo uu uga shaqeeyay macalin waxbarashada Islaamka ee Nablus. Isla markiiba waxa uu ku biiray xarakaadka Xamaas markii la aasaasay sannadkii 1987-kii, waxaan uu caan ku noqday khudbadihii uu ka jeedin jiray Masjidka “Mazouz” ee magaalada Nablus. Wuxuu qabtay jagada Xoghayaha Ururka Culimada Falastiiniyiinta ee Nablus, laakiin Israa'iil waxay si dhakhso ah u masaafurisay Marj al-Zuhur oo ku taal koonfurta Lubnaan.

Maxamuud Abuu Hanuud

Maxamuud Abuu Hanuud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meydka Maxamuud Abuu Hanuud

Israa’iil waxay sheegtay in Maxamuud Abu Hanoud oo sannadkii 1967-kii ku dhashay degmada Nablus ee Daanta Galbeed, uu ahaa taliyaha guutada Al-Qassam ee Daanta Galbeed, kaddib markii lagu dilay gantaal ay diyaarad dagaal ku dhufatay gaarigii uu la socday. Socdaalkii November 23, 2001.

Abu Hanoud waxa uu shahaada koowaad ee shareecada Islaamka ka qaatay Jaamacadda Al-Qudus sannadkii 1985-kii, ka hor inta uusan dhamaysan waxbarashadiisa waxa uu noqday taliyaha guutada Al-Qassam ee waqooyiga daanta galbeed, waxana ay Israa’iil doonaysay muddo.

Abu Hanoud ayaa sanadkii 1997-dii ka qeyb qaatay toogashooyin badan oo ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo howlgallada ismiidaaminta ah, waxaana uu ka mid noqday ragga sida weyn loo baadi-goobayo.

Israa’iil waxay sheegtay in Abu Hanoud uu door muhiim ah ka qaatay laba weerar oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay magaalada Qudus sannadkii 1997-kii, kaasoo lagu dilay 21 qof.

Sanadkii 2000, ciidamada Israa'iil ayaa ku hareereeyay guri ku yaalla magaalada Asiira ee daanta galbeed, balse waxaa u suurtagashay inuu baxsado kadib markii uu dagaal la galay ciidamada Israa’iill, xilligaasi oo ay ku dhinteen saddex askari oo Isra’iill ah.

Intaa kadib, maamulka Falastiin ayaa xiray, waxayna ku xukuntay 12 sano oo xarig ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Xamaas.

Sannadkii 2001-dii, diyaaradaha Israa’iil waxay duqeeyeen xabsiga dhexe ee Nablus, halkaas oo uu ku xirnaa Abu Hanoud, balse geeridii wuu ka badbaaday oo xabsiga ayuu ka baxsaday, Israa’iilna waxay mar kale billowday baacsigiisa. Lix bilood ka dib markii uu xabsiga ka baxsaday, Abuu Hanuud waa la dilay.

Saalax Shehadeh

Salah Shehadeh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Salah Shehadeh

Salah Shehadeh ayaa lagu tiriyaa aasaasaha cududda milateri ee dhaqdhaqaaqa Xamaas. Saddex sano ka hor inta aan lagu dhawaaqin aasaaska dhaq dhaqaaqa Xamaas dabayaaqadii 1987-kii, waxa uu aas aasay urur militari oo loogu magac daray “Mujaahidiinta Falastiin”, kaas oo ahaa koox unugyo sir ah oo fuliyay howlgalo isdaba joog ah oo ka dhan ah Israa’iil. Salah Shehadeh waxa uu sii ahaa madaxa hoggaanka ururka ilaa ay isu beddeshay “Guutooyinka Izz al-Din al-Qassam” 199dii.

Shehadeh waxa uu ku dhashay 1952-dii waxa uu ku dhashay Xerada Xeebta ee Marinka Gaza. Wuxuu shahaadada ka qaatay Machadka Sare ee Adeegga Bulshada ee Alexandria wuxuuna ahaa cilmi-baare

Sannadkii 1984-kii, maamulka Israa’iil ayaa xiray markii ugu horreysay oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa howlo ka dhan ah shaqada, wuxuuna labo sano ku qaatay xabsi isagoo aan cadeynin waxa lagu eedeeyay.

Kadib markii Shehadeh xabsiga laga sii daayay, waa la waayay meel uu ku noolaa, si uu uga fogaado in la xiro ama la dilo, balse Israa’iil waxay heshay halkii uu ku sugnaa July 22, 2002-dii, diyaarad dagaal ayaana guri ku soo tuurtay bam culeyskiisu weynaa. Xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, ayaa lagu dilay Salah Shehadeh iyo 18 qof oo ay ku jiraan Xaaskiisa iyo saaxiibkiis, iyo hoggaamiyihii guutada Al-Qassam, Zaher Nassar.

Ismaaciil Abuu Shanab

Ismaaciil Abuu Shanab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ismaaciil Abuu Shanab

Ismaaciil Abuu Shanab waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah aasaasayaashii iyo hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa dhaqdhaqaaqa Xamaas. In ka badan toban sano oo buuxda ayuu ku qaatay xabsiyada Israa'iil isagoo lagu eedeeyay inuu hogaaminayay ururka Xamaas xilligii ugu horeysay.

Abu Shanab waxa uu ku dhashay xerada Nuseirat ee Marinka Gaza 1950-kii, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay jaamacada Mansoura ee dalka Masar sannadkii 1975-tii, waxa uu shahaadada Master-ka ka qaatay Jaamacadda Colorado 1982-dii.

Abu Shanab waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah aasaasayaashii "Jaaliyadda Islaamka" ee Gaza 1976-dii, taasoo ku beegan markii ay soo ifbaxday "Akadamiyadda Islaamka", labadii hay'adood ee ay ka soo baxeen dhaqdhaqaaqa Xamaas 1987-kii.

Abuu Shanab waxa uu kaalin hoggaamineed ku lahaa tan iyo markii la bilaabay howlgalkii ugu horreysay, waxaana aasaasihii Xamaas Axmed Yaasiin uu u magacaabay ku xigeenkiisa, wuxuuna u xilsaaray mas’uuliyadda ururka Marinka Gaza si uu u guto hawsha halkaas ka jirta.

Waxa uu sidoo kale Xamaas u matalay kulamo badan oo uu la yeeshay maamulka Falastiiniyiinta iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Israa’iil waxay dishay Ismaaciil Abu Shanab August 21, 2003-dii, iyadoo shan gantaal ku dhufatay gaarigiisa oo kasoo qaaday diyaarad haylakabtar ah.

Axmed Yaasiin

Axmed Yaasiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Axmed Yaasiin

March 22, 2004-tii, Israa'iil waxay dishay Sheekh Axmed Yaasiin, oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamka ee Xamaas, weerar gantaal ah oo ay qaadeen diyaaradaha dagaalka Israa'iil.

Sheekh Yaasiin waxa uu dhashay sannadkii 1938-kii.

Yaasiin waxa uu ku biiray garabka falastiiniyiinta ee dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka, balse caan ma noqon ilaa howlgalladii ugu horreysay ee Falastiin, taas oo dillaacday 1987-dii, markaasoo uu madax ka noqday urur cusub oo Islaami ah oo soo shaac baxay, kaas oo ah dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamka. , ama "Xamaas."

Israa’iiliyiintu waxay xireen sannadkii 1989-kii, waxayna ku xukuntay xabsi daa’in, sababtoo ah wuxuu soo saaray amarro lagu dilayo qof kasta oo la shaqeeya ciidamada Israa’iil.

Waxa la sii daayey 1997-dii, taas oo beddelkeeda lagu sii daayey laba wakiil oo Israa’iili ah oo isku dayey in ay ku dilaan madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Khaled Meshaal oo ku yaalla caasimadda Urdun ee Cumaan.

6-dii Sebtembar 2003-dii, Axmed Yaasiin waxaa lala beegsaday isku day dil oo ay Israa’iil ku dishay, kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ay beegsadeen guri ku yaalla Qaza oo uu ku sugnaa, waxaana la socday Ismaaciil Haniyeh, iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray gacanta midig.

March 22, 2004, Axmed Yaasiin ayaa lagu dilay weerar ay qaadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil, iyagoo saddex gantaal ku dhuftay xilli uu ka soo baxayay Masjidka Complex Islamic Complex ee xaafadda Al-Sabra ee Marinka Qaza isagoo ku fadhiya kursigiisa curyaamiinta.

Abdul Aziz Al-Rantisi

Abdul Aziz Al-Rantisi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Abdul Aziz Al-Rantisi

Waa dhakhtar Falastiini ah iyo siyaasi, waana mid ka mid ah aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ugu caansan.

Al-Rantisi waxa uu la wareegay hogaanka xarakada kadib dilkii Sheekh Axmed Yaasiin bishii March 22, 200tii, laakiin wax ka yar bil markii uu xilkaas qabtay ayay Israa’iil dishay iyada oo gantaal ku ridday baabuur uu saarnaa oo marayay Gaza.

Al-Rantisi waxa uu ku dhashay tuulada Yabna, oo hadda ku taalla gudaha Israa’iil, qoyskiisuna waxa ay magangelyo ka dhigteen marinka Qaza kadib aasaaskii Israa’iil.

Al-Rantisi waxa uu dhiganayey dugsi xiriir la leh hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga Falastiin, waxa kale oo lagu khasbay in uu isaga oo yar shaqeeyo si uu uga qayb qaato taakulaynta qoyskiisa oo dhan, kuwaas oo soo maray duruufo adag.

Wuxuu soo qabtay jagooyin dhowr ah, sida xubinnimada maamulka Akadeemiyada Islaamka, Ururka Dhakhaatiirta Carabta ee Marinka Gaza, iyo Bisha Cas ee Falastiin. Waxa kale oo uu bare ka ahaa Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza tan iyo markii la furay ee 1978-dii.

Al-Rantisi ayaa la xiray dhowr jeer xilliyo kala duwan sababo la xiriira dhaqdhaqaaqyadiisa ka dhanka ah Israa’iil. Waxa uu afhayeen u ahaa dadkii loo tarxiilay Marj al-Zuhur 1992-dii. Waxa la xiray markii uu ka soo laabtay Marj al-Zuhur 1993-kii, halkaas oo uu ku xidhnaa ilaa bartamihii 1997-dii.

Al-Rantisi waxa uu ka badbaaday isku day dil bishii June 2003 markaas oo diyaarad ay leedahay Israa’iil ay gantaal ku dhufatay gaari uu la socday oo marayay Marinka Qaza, balse waa uu dhaawacmay oo kaliya.

Wax ka yar bil kadib markii uu qabtay hoggaanka Xamaas, Israa’iil ayaa dishay 17-kii Abriil, 2004-tii, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo Israa’iil ay gantaal ku dhufatay gaarigiisa.

Cadnaan Al-Ghoul

Cadnaan Al-Ghoul

Xigashada Sawirka, AHMED KHATIB

Qoraalka sawirka, Cadnaan Al-Ghoul

Cadnan al-Ghoul waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah jiilkii ugu horeeyay ee hogaamiyayaasha iyo aasaasayaashii Guutada Qassam, wuxuuna ahaa mid ka mid ah gacanyarayaashii Yahya Ayyash. Al-Ghoul oo dibeda wax ku soo bartay Injineernimada ayaa awood u yeeshay in uu gudaha ku sameeyo bambooyin, gantaallo iyo madaafiic, taasoo Xamaas siisay awood cusub oo aysan horay u yeelan.

Al-Ghoul, waxa uu ku dhashay Xerada Xeebta ee Gaza 1958-dii, waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaqiisa Milatari ee ka dhanka ah Israa’iil ka hor intii aanay dillaacin qaybihii ugu horreysay sannadkii 1987-kii. Waxa uu sameeyay koox weerarro toorreey ah ku qaaday Askarta Israa’iil ee ku sugan Qaza, balse amarkooda ayaa shaaca laga qaaday markii la xiray mid ka mid ah xubnaheeda, taasoo ku kaliftay inuu u safro dibadda, ka dibna uu ku laabtay Gaza maalmihii hore ee sanadka. Sagaashamaadkii si uu hawlihiisa u sii wato.

Israa'iil waxay u aragtay Al-Ghoul khabiirka walxaha qarxa ee sameeyay gantaallada Qassam ee ay Falastiiniyiintu ka soo tuureen waqooyiga marinka Qaza ee koonfurta Israa'iil. Waxa kale oo ay isaga masuul ka ahayd weerarro badan oo ka dhan ah Israa’iil.

Al-Ghoul ayaa dhowr jeer la isku dayay in la dilo, wuxuuna ka mid ahaa ragga sida aadka ah loo doondoonayay Israa’iil tan iyo sannadihii 198-aadkii.

Waxa uu laba wiil oo uu dhalay ku waayey hawl-galladii hore ee Israa’iil.

Al-Ghoul ayaa la dilay kadib markii gantaal ay ridday diyaarad sahan ah oo ay leedahay Israa’iil uu ku haleelay gaarigiisa oo marayey Qaza, waxaana ku dhintay isaga iyo saaxiibkiis Imad Abbas.

Raed Al-Attar

Raed Al-Attar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Teerayaasha uu lahaa oo aad u badnaa

Raed Al-Attar, oo xubin ka ahaa Golaha Militariga ee Guutooyinka Al-Qassam, ayaa lagu dilay isaga iyo Muhammad Abu Shamala iyo Muhammad Barhoum weerar xagga cirka ah oo lala beegsaday guri ku yaal Rafah ee Marinka Gaza 21-kii bishii Agoosto , 2014-kii.

Al-Attar waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii guutooyinkii Al-Qassam, waxaana markii la dilayay uu hoggaaminayay guutada Rafah ee ka howlgasha deegaanka Phalange.

Israa'iil waxay "Al-Attar" ku dartay liiska dadka aadka loo raadinayo ee dilalka.

Hay’adda Ammaanka gudaha ee Israa’iil ayaa ku tilmaantay inuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan Al-Qassam, isla markaana uu mas’uul ka yahay guud ahaan deegaanka Rafax ee dhinaca milateriga ah, waxayna sidoo kale ku eedaysay inuu dhisay nidaamka tunnel-ka ee Xamaas.

Israa’iil waxa ay sidoo kale ku eedaysay in uu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil oo lagu magacaabo Hadar Golden intii lagu guda jiray Hawlgalka Difaaca ee Israa’iil bishii Janaayo, 2014-kii.