Qaraxii isbitaaka Qasa: Dibadbaxyo is qabsaday caalamka

Xigashada Sawirka, Reuters
Dibadbaxyo ayaa ka socda daafaha dunida kaddib qaraxii ka dhacay isbitaalka Qasa oo saraakiisha Falastiin ay sheegeen inay ku dhinteen boqollaal qof.
Dhaqtar ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "xasuuq" ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli Arab Hospital, iyadoo mid kale uu sheegay inay tahay wax laga argagaxo.
Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in qaraxa uu sababay duqeymo cirka ah oo ay geysatay Israa'iil.
Balse militariga Israa'iil ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gantaal dhicisoobay oo ay soo tuureen kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta, taasoo ay kooxdu iska diidday.
Afhayeen u hadlay milatariga Israa'iil, Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa ku adkeystay in caddeymaha meesha laga soo qaaday ay taageerayaan sheegashadiisa wuxuuna soo bandhigay waxa uu ku sheegay wicitaan telefoon oo dhex maray saraakiil Xamaas ka tirsan oo ay ku qiranayaan in gantaal laga soo tuuray qabuuro u dhow uu khaldamay. Wuxuu sheegay in muuqaal la hayo uu muujinayo inaysan Israa'iil mas'uul ka ahayn.
Goor dambe, afhayeen u hadlay Xamaas, Bassim Naim, ayaa BBC u sheegay: “ma heysanno awood aan ku fulinno weerar intaa la ek.”
Lubnaan: Beyruut

Xigashada Sawirka, AFP
Ururka siyaasadda, militariga iyo bulshada Lubnaan ee Xisbullah ayaa ku baaqay "maalin caro" Arbacada berri ah.
Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka.
Ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ayaa isku dhac uu ku dhex maray meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Beyruut.
Goor sii horreysay, markii ay dibadbaxyadu ka billowdeen bannaanka safaaradda Mareykanka, Xisbullah ayaa si adag uga hadashay waxa ay ugu yeertay "weerarka uu dhiigga ku daatay ee Israa'iil" ee ka dhacay isbitaalka Qasa.
Urdun: Cammaan
Dibadbaxyo ayaa kasii socday Urdun, halkaasoo dad aad u badan ay isku dayeen inay galaan safaaradda Mareykanka.
Safar lasii qorsheeyay oo madaxweynaha Mareykanka Biden uu ku tagi lahaa ayaa la baajiyay kaddib weerarkii isbitaalka.
Tunisia: Tunis
Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Faransiiska, qaarkood ayaa ku eedeynayay Faransiiska inuu ka mid yahay "xulafada Galbeedka ee u dhaqdhaqaaqa qaran u raadinta Yahuudda".
Qaar kale ayaa dalalka kale ee Carabta ugu baaqayay inay midoobaay oo ay hal dhan ka soo jeestaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Colombia: Bogota
Dad ayaa sidoo kale isugu soo baxay Latin Ameerika.
Caasimadda Colombia, Bogota waxaa waddooyinka ka dhacay dibadbaxyo.
Israa'iil ayaa joojisay waxyaabihii ay u dhoofin jirtay Colombia kaddib xiriirkooda diblomaasi oo xumaaday sababo la xiriira farriimo oo baraha interner-ka soo mariyay madaxweynaha Colombia, kaasoo go'doominta Israa'iil ee Gaza la barbardhigay kii Naasiyiintii Jarmalka.
Daanta Galbeed: Ramallah
Xalay ilaa saakay, magaalada Daanta Galbeed ee Ramallah, dibadbaxayaal ayaa dab shidayay, iyagoo xiray waddooyinka isla markaana dhagxaan ku tuurayay booliiska.
Booliiska Rayidka ee Falastiiniyiinta ayaa soo farageliyay dibadbaxyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dibadbaxyada Daanta Galbeed ayaa muujinaya carada ba'an ee loo qabo Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, kaasoo ciidamadiisa ay cambaareyn kala kulmeen in ammaanka gayigaas ay kala shaqeeyaan Falastiin.
Turkiga: Istanbul
Dibadbaxyo ayaa ka billowday magaalooyin ka mid ah Turkiga.
Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa weerarkii Isbitaalja Qasa ku tilmaamay "tusalaihii ugu dambeeyay ee weerarrada Israa'iil, kaasoo meel uga dhacaya qiimaha bani'aadamka".
Booliiska ayaa kala cayriyay kumannaan dibadbaxayaal ah oo isku dayay inay galaan dhismaha qunsuliyadda Israa'iil ee Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn Turkiga.
Shan qof ayaa la xiray, sida uu sheegay xafiiska barasaabka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Golaha Ammaanka ee Israa'iil ayaa ugu baaqay Israa'iiliyiinta ku nool Turkiga inay "ka baxaan dalka."
Wargeyska Jerusalem Post, ee kasoo baxa Israa'iil, ayaa maanta baahiyay in farriin digniin ah ay ka timid Golaha Ammaanka Qaranka Israa'iil.
Mareykanka: Boston
Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid Maktabadda Bulshada ee Boston si ay taageero ugu muujiyaan qoysaska Falastiin ee ay heysato xasaradda bani'aadannimo.
Dadkan ayaa hor dhoobtay qunsuliyadda Israa'iil ee sida adag loo ilaaliyo, halkaasoo ay ku dhawaaqayeen erayo lagu taageerayo dadka Falastiin.
Morocco: Rabat
Boqollaal qof ayaa iyaguna isugu soo baxay caasimadda Marooko ee Rabat.
Dadkan ayaa ku baaqya in la xiro xafiiska ay Israa'iil halkaas ku leedahay.













