Maxay yihiin tallaabooyinka sharci ee ay dowladda Soomaaliya qaadi karto kadib heshiiska

Madaxweyne Xasan iyo raysal wasaare Xamse

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kala saxiixday heshiis isfaham kaas oo Itoobiya u oggolaanaya in laga siiyo badda Cas ee Soomaaliya dakad iyo saldhig ciidan taas badalkeedana Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato dal madax banana.

Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin oo kasoo horjeeda Qaanuunka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay fara galinta ka joojiso Soomaaliya, wuxuu sheegay waxa kaliya ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxayn kara uu yahay in ay nabad kuwada noolaadaan.

“Qaanuunka caalamiga ahi (International Law) ma ogola waxa kowdii January Addis Ababa ka dhacay, Waxay kaloo kasoo horjeedaan xeerarka dhaqanka ee caalamka ka jira (International Customary Law), sina dhaqan gal kuma noqon doono,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo kulan deg deg ah yeeshay oo shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xamze Cabdi Bare ayaa si adag uga hortimid heshiiska dowladda Itoobiya.

Dowladda Soomaliya ayaa u yeertay Safiirkii u joogay Adisababa,waxaana qoraal lagu daabacay warbaahinta Dowladda lagu sheegay in Cabdullaahi Maxamed Warfaa uu maanta si rasmi ah uga amba bixi doona Addis Ababa isagoo ku wajahan caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, kadib go'aankii goor dhowayd kasoo baxay Golaha Wasiirada.

Haddaba sharci ahaan Soomaliland heshiis noocan ah dal kale mala gali kartaa maadaama aysan helin aqoonsi caalami ah?
Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Soomaaliya waxaa ay ku adkaysanaysa in Somaliland ay wali tahay qeyb ka mid ah

Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 30 sano ka hor, balse Midowga Afrika (AU) iyo Qarmada Midoobeey midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Axmed Cali Kheyre oo ah khabiir ka faallooda sharciga Caalamiga ah oo BBC-da u warmay ayaa sheegay in dal aan haysan aqoonsi caalami ah uusan gali karin heshiis noocan ah.

“Somaliland aduunka waxaa uu u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, xaduudaha Soomaaliya waxaa la aqoonsaday sanadkii 1960-kii” ayuu yiri Axmed Cali Khayre.

Waxaa uu sheegay in sida ku cad heshiiska aduunka uu gaaray sanadkii 1969-kii kaas oo lagu magacaabo (Vienna Convention) uu yahay mid aan ogalayn nooc kasta oo heshiis ah oo ay gasho cidda aan hayssan aqoonsi caalami ah.

“Somaliland Soomaaliya ayay ka tirsan tahay marka la fiiriyo sharuucada caalamiga ah ,marka heshiiska Soomaaliya ayaa u gali karta xataa qof kasta ma gali karo ee waxaa jira dad awood u leh sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, wasiirka arrimaha dibada, safiirka iyo qofkii kale ee dowladdu u wakiilato”.

“Heshiis macnno leh oo Qaanuunka caalamiga ahi ogalyahay oo la tixgalinayo waa in saas loo galaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale Guuled Dafac oo ah sharci yaqaan ayaa qaba in kasta oo wax labada dhinac ay gaareen uu yahay heshiis isfaham ah haddana loo baahan yahay in wax badan la caddeeyo.

“Waxa la gaaray waa isfaham oo kali ah marka wax badan oo aan wali banaanka imaan ayaa jira waa in baarlamaanka Somaliland heshiiska la horgeeyo” ayuu yiri.

Maxay yihiin tallaabooyinka sharci ee hadda dawladda Soomaaliya u furan?
Sharci yaqanada ka faallooda sharciga caalamiga ah ayaa qaba in Dowladda Soomaaliya ay u furan tahay inay sameeyso Sadex arrin.

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Soomaaliya waxaa ay diiday Heshiiskii Itoobiya Iyo Somaliland

Sharci yaqanada ka faallooda sharciga caalamiga ah ayaa qaba in Dowladda Soomaaliya ay u furan tahay inay sameeyso Sadex arrin.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegatay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheerad ah oo la xiriira heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

“Tallaabooyinka ay qaadi karto Soomaaliya ee u furan ayaa waxa ka mid ah in ay ka codsato golaha amamanka, golaha Midowga Afrika, IGAD iyo jaamacadda Carabta, inay Itoobiya ku cadaadinayaan inay kusoo laabato xayndaabka sharuucda caalamiga ah oo la arko in ay halis ku tahay nabad gobolka iyo xeerarka caalamiga ah” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Cali Kheyre .

“Dawladda Soomaaliya waxa kale oo u furan in kiiska ay gayso maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada si la mid ah heshiiskii isfahamka ahaa ee dhax maray kenya Soomaaliya balse markii dambe ay Soomaaliya gaysay maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada aduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Cali Khayre waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale qaadi karto taallabooyin kale oo ay ka mid yihiin “in dalka ay ka saarto ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ku meel gaarka ah ee Atmis”.

“Sharciga caalamiga ah waxa uu qaba in hadii dal lagu soo xadgubo uu isdifaaco marka waa qodob kale oo u furan dowladda Soomaaliya,” ayuu yir Axmed Cali khayre.

Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiis ula gashay Soomaaliya sanadkii 2018-kii waxan heshiiskaas oo ka kooban ilaa 7 Qodob oo ka mid ahaa in Itoobiya ay maalgashato illaa 4 dekedood oo ka mid ah kuwa Soomaaliya .