2025: Qodobbo kaa caawin kara inaad naftaada horumariso sanadkan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Billowga sanadka cusub waa waqti lagu samayn karo isbeddel nololeed iyo go'aamo lagu wanaajinayo maskaxda iyo caafimaadka isla markaana lagu dhisayo qorshaha iyo hiigsiga cusub.
Imaatinka sanad kale oo cusub, waxaa laga yaabaa inaad ka fikirto waxa aad rabto inaad gaarto iyo nooca qofka aad rabto inaad noqoto 12-ka bilood ee soo socda.
Inta badan dadka waxay joojiyaan go'aanadooda bartamaha sanadka, sida laga soo xigtay hal daraasad.
Waxaan soo qaadan doonnaa dhowr qodob oo qof kasta u noqon karta waddo uu u mari karo guusha sanadka cusub, isla markaana ay ku taliyeen seynisyahannada.
Si kastaba ha ahaatee, go'aaminta waxa aad diirada saarayso, waxay noqon kartaa mid adag. Haddaba, si ay kaaga caawiyaan inaad go'aansato, halkan waxaa ah toddoba arrimood oo noloshaada ah oo aad diiradda saari karto toddobaadka ugu horreeya ee sannadka cusub adigoo isticmaalaya qaar ka mid ah talooyinka sayniska.
Diirad saaridda iyo wanaajinta hurdada
Waxaa muhiim ah in qof kasta oo inaga mida uu helo hurdo ku filan si uu wakhtigiisa wax badan ugu qabsado, saynisyahannadu waxay yiraahdeen waa inaan dhammaanteen waqti badan ku qaadannaa sariirta xilliga.
Cilmi baaris ayaa muujisay in aadanuhu ay dareemaan hurdo xilliyeedka, taasoo la macno ah inay u baahan yihiin nasasho badan. Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in hurdada oo joogto ah ay naga caawin karto inaan ilaalinno caafimaad qabka.
Jimicsiga iyo nidaaminta habkaaga jireed
Haddii aad tahay qof ku fiican jimicsiga, xitaa haddii aadan tegin goobaha lagu jimicsado waxa aad sameyn kartaa jimicsi aan badneyn, dhaqdhaqaaqa lugaha jilbaha iyo is jimcinta kale ee jirka iyo waliba jucinta faraha, waxay ku siin karaan furfurnaan iyo in ay gacan ka gaystaan dhimista walaaca.
Sidoo kale waa wakhti ku habboon in la baxo oo la sameeyo xoogaa jimicsi qabow, taas oo lala xiriiriyay caafimaadka wadnaha oo wanaagsan, habka difaaca jirka iyo kor u qaadida miisaanka oo yaraada iyadoo la beddelo unugyada dufanka cad.
Ha ka xishoon inaad ku lugeyso meelaha boorka iyo dhoobada leh, wasakheynta waxay kaa caawin kartaa inaad kor u qaaddo kala duwanaanta dareemaha maskaxeed ee ku nool jirkeena.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diiradda saar maskaxdaada
La sheekeyso dadka kugu cusub, isku day in aad ku dhiirrato waxyaabo badan oo kugu cusub, la qabso nolosha waliba siyaabo kala duwan, Dhammaan waxyaabahan waxay kaa caawin karaan inaad dareento farxad, adkeysi badan iyo walbahaar yar, sida uu qabo saynisku. Waxa kale oo aad isku dayi kartaa wax cusub, haddii ay ahaan lahayd barashada xirfad cusub si aad u kordhiso shaqada maskaxdaada, taas oo kaa caawineysa dib u dhiska maskaxeed.
Haddii ay taasi u egtahay shaqo aad u adag, waxaad had iyo jeer isku daydaa inaad ka fikirto waxyar oo naftada raalli gelin kara. Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in haddii aad isku aragto inaad yar tahay, laga yaabo inaad sii noolaato muddo dheer.
In mararka qaar aad araagto waxyaabo kaa nixiya iyo in aad la kulanto cabsi waxay yarayn kartaa walbahaarka, waxay kor u qaadi kartaa xusuusta waxayna ku siin kartaa dareen weyn oo ku saabsan xiriirka dadka kale iyo adduunka kugu xeeran.
Diiradda saar cilaaqaadkaaga iyo xiriirrada dhow
Inaad yeelato saaxiibbo adiga ayay kuu fiican tahay, waxay kor u qaadi karaan habka difaacaaga, waxay hagaajin karaan caafimaadka wadnahaaga waxayna kaa dhigi karaan inaad dareento farxad.
Haddii aad ku darsato waqtiga aad la qaadanayso asxaabtaada xoogaa madadaalo ah, waxa ay sidoo kale kaa caawin kartaa in aad dareento in aad ka sheekeyso waxyaabo badan oo kaa dhex guuxaya si aad nafis u dareento.
Saaxiibbada aan leenahayna waxay bedeli karaan caadooyinkeenna, wanaag iyo xumaanba.

Xigashada Sawirka, MANAN VATSYAYANA/AFP VIA GETTY IMAGES
Diirad saaridda iyo wanaajinta cunnadaada
Waa sax, waxa aan jecelnahay waxyaabaha mac-macaan iyo wixii ay naftu dooneyso, qaar badan oo naga mid ah ayaa si xad dhaaf ah ugu raaxaysanaya, hase yeeshee la socoshada cunnadaada iyo waxyaabaha faa’iidooyinka kuu leh waxa ay naftaada ka caawisaa waxyaabo badan.
Cunista cunto isku dheeli tiran dabcan way fiican tahay wakhti kasta oo sanadka ah, laakiin malaha xataa way ka sii fiicnaan doontaa markastaba. Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in cuntada oo ay ku jiraan mac-macaanka yaryar sida shokolaatada oo aad macaan karto cunisteeda balse ay wax u dhimi karto habka shaqada ee maskaxda iyo muuqaalka jirkaba.
Marka ay timaado khudaarta, ma aha kaliya inaad cuntid cagaarkaaga, cilmi-baaris ayaa muujisay in miraha iyo khudradda kala duwan ay labaduba kor u qaadaan caafimaadka maskaxda waxayna yareeyaan fursadaha uu ku qaadi karo cudurrada wadnaha.













