"Caawi Dugsigaagii" Qorshaha isxilqaanka ee iskuulladii ay wax ku soo barteen ay dib ugu abaal celinayaan

Xigashada Sawirka, Puntland post
Waa dib u milicsi xasuus ah iyo waayahii waxbarasho ee dugsiyadoodii hoose, dhexe iyo sareba waana barnaamij ardaydii wax baratay ay markaan abaalcelis kula noqonayaan goobahii qaybta ka qaatay dhismaha noloshooda maadaama aqoontu tahay iftiinka aadanaha. Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida ayay kuwii wax soo bartay kula noqonayaan waxii karaankooda ah.
Dadkaan isxilqaamay dibna raba in ay dugsiyadoodii wax ugu celiyaan waxaa kamid ah Raxma Muuse Good oo dugsigeedii hoose kaga baxday iskuulka Axmed Gurey ee magaalada Jigjiga.
Raxma waxay aaminstahay ahmiyadda koobaad ee barnaamijkan ay ku magacaabeen ''Caawi Dugsigaagii" in ay tahay in bulshada lagu baraarujiyo ka qaybqaadashada howlaha danta guud ah. ''Muhiimadda koobaad ee barnaamijka waxay ahayd in kowba aan dadkeenna barno ka qaybgalka bulshada doorka uu leeyahay" ayey tiri.
Iyada oo hadalka sii wadata '' iyo tan labaad ah oo ah in aan taageero u muujinno dugsiyadeenna dayacan, dowladda awoodda ay hayso iyo baahiyaha dugsiyada ka jira way kala badan yihiin" ayay tidhi Raxma oo sharaxaysa doorkan waxay muhiimka u tahay bulshadu in ay qaadato.

Xigashada Sawirka, Jigjiga city administration
Sanadkii 2023, sida ay baahisay warbaahinta Fana ee Ethiopia, madaxweynaha Dowladda Deegaanka Sooomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in 5-tii sanno ee lasoo dhaafay la dhisay 576 dugsiyo dhexe ah, 79 dugsiyo sare ah iyo 11 dugsiyada nooca Boarding-ka loo yaqaanno ah ee ardaydu ay seexdaan.
''Waxaan howshaan u wadnaa in jiilasha dambe ay nagaga daydaan, howlaha aan haddeer wadno, si nin walba dugsiguu wax ku bartay dib ugu noqdo oo qayb uga qaato, nooc walba oo tabarucaad ah oo dhanba" ayay tidhi Raxma oo sii faahfaahinaysa dedaalkan ay haddeer wadaan iyada oo joogta magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida.
Shaqadan ay haddeer wadaan ayay u raadiyeen in ay garab kale u helaan si iskuulada magaalada Jigjiga baahiyaha ay qabaan ay doorkooda ugu qaateen iyadoo siday Raxmo sheegtay ay caawinaad ka heleen dadyoow kala duwan oo ku taageeray fekerkooda si dhaqaale wax tara loogu aruuriyo dugsiyada magaalada caasimadda ah. 'Waxaa noo soo xarooday lacago kala duwan oo dal iyo dibadba leh, oo shacab iyo masuuliyiinba ay ka qayb qaateen" ayay tidhi Raxma.
Waxay ololahoodada ka bilaabeen in ay qurxiyaan, qalabeeyaanna iskuulada Axmed Gurey iyo Xuseen Giire ee magaalada Jigjiga, kuwaasi oo baahi u qabay dayactir iyo kuraasta ardaydu ku fiidhiistaan ah markii hore ahaa kuwo dayacan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mukhtaar Cali Axmed oo isna ka qaybqaatay barnaamijkan isxilqaanka ayaa sheegay in ay wax weyn ka dhigan tahay howshan ay bilaabeen, tahayna masuuliyad wadareed bulsho oo muhiim ah in sare u qaadista waxbarashada ay qayb ka noqonayso. ' ' wax weyn bay ka dhigan tahay [howshani], sidaan ogsoonahayna waxbarashadu waa laf dhabarka horumarka, laf dhabarta nabadgalyada iyo maamulka suuban, sidaas daraadeed si aan waxbarashada u xoojinno oo aan ogsoonahay in ayna dowladdu wax walba qaban karin, waa in shacabkuna ay ka qayb qaataan." ayuu yidhi Mukhtaar oo isna qeexaya doorka muhiimka ah ee bulshadu ay tahay in ay ka qayb qaataan waxbarashada guud.
Sanadahii u danbeeyay waxbarashada guud ee Ethiopia ayay caqabado haysatay marka la eego tirada ardayda ka gudbaysa imtixaannada dugsiyada sare ee Ethiopia oo dowlad deegaanka Soomaalidu ka mid tahay. Hay'adda UNESCO ayaa ayana sheegtay in 51% dadka qaangaadhay ee ku nool Itoobiya ay yihiin kuwo aan waxna qorin waxna akhrin.













