Ardayda kaalimaha hore ka galay imtixaanka dugsiyada gobolka waqooyi bari Kenya

Ardayda kaalimaha hore galay

Wasiirka waxbarashada kenya ayaa shalay shaaciyay natiijada imtaxaanka Dugsiga hoose iyo dhaxe ee guud ahaan dalka Kenya ee sanad dugsiyeedka 2023-2022 kaas oo ay u fariisteen ku dhawaad hal malyan iyo shan boqol oo arday .

Imtixaanka Sanadkan ayaa ah kii ugu danbeyay ka hor inta aan la dhaqan galin isbaddelka lagu sameyay hanaanka iyo manhajka waxbarashada guud ahaan dalka Kenya kaasoo soo jiray 39 sano.

Ardayga ugu sarreeya imtaxaanka shahaadiga ee Sanadka ayaa keenay 428 dhibcooda ayad oo wadarta guud eel aga rabay ay ahyeed 500 oo dhibcood.

Wiilka kaalinta 1aad ka galay iskuullada waqooyi bari

Xigashada Sawirka, Facebook

Gobolka Waqooyi bari Kenya

Ardayda kaalimaha hore galay imtixaanka sannadka waxaa ka mid ah kuwa Gobolka Waqoyi bari Kenya, waxaana kaalinta koowaad uu ka galay gobolka Axmed Isxaaq Nuur oo 14 sano jir ah kaas oo ka baxay Dugsiga hoose dhaxe ee Gobdeey primary ee magaalada Wajeer.

Isxaaq Axmed-Nuur Ibrahim oo ah aabaha dhalay wiilka kaalinta koobaad u galay gobalka Waqooyi bari kenya oo wareysi siiyay BBC -da ayaa sheegay in wiilkiisa uu ahaa mid dadaal badan. ayguna ay waqti badan galiyeen sidii uu heerkan u soo gaari lahaa, haddeerna uu aad ugu faraxsan yahay in noqdo ardayga ugu horeeya Waqooyi bari Kenya.

“Nin cajiib ah ayuu ahaa wiilkayga oo dadaal badan, akhriska diinta iyo maadiga niyad u haya, anaguna juhdi iyo dadaal badan oo fikir iyo kharashba isugu jira ayaan galinay, macalimiinta waa ay ku dadaleen ” ayuu yiri aabaha wiilka oo BBC -da la hadlay .

In ka badan 10 kiilomitir ayuu sheegay in maalin kasta uu u lugeeyn jiray iskuulka si casharada uu u soo qaato, maadaama xaafada uu daggan yahay ay ka fog tahay iskuulka uu dhigto.

“Xaafadda iyo iskuulka aan dagannahay aad ayay u kala fog yihiin, ilaa shan kilo mitir ayay isku jireen, maalin walba 10 kiilo mitir ayuu lugeeyn jiray waxaas oo dhan wuu u dulqaadanayay oo waxba uma arkin" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Isxaaq Axmed.

Gudoomiyaha Ismaamulka Wajeer, xildhibaanka deegaanka iyo guud ahaan bulshada ayuu sheegay in ay aad soo dhaweeyeen guusha uu wiilka gaaray, ayada oo masuuliyiinta qaar ay balan qaadeen in ay ka bixin doonaan ilaa dugsiga sare.

Nasteexo

Xigashada Sawirka, Qoyska Nasteexo

Gabadha gashay kaalinta koobada gobolka Waqooyi bare kenya

Dhanka gabdhaha ee gobolka Waqooyi bare Kenya waxaa kaalinta koobaad gashay Nasteexo Cabdi Axmed oo 17 jir ah, kana baxday dugsiga hoose iyo dhaxe ee Wajeer Excel Academy, waxaana ay heshay 410 dhibcood.

Mahado Maxamed oo ah hooyada Nasteexo Cabdi oo BBC-da u warrantay ayaa sheegtay in gabadheeda oo xaafidul quraan ah ay filaysay in dhibco fiican ay Imtixaanka ka keeni doonto maadaama ay aad u dadaali jirtay.

“Gabadhayda Kalsooni badan ayaan ku qabay intaas iyo ka badan ayaan ka sugayay, laakin markii aan arkay in dalka oo dhan ardayga u sarreeyo uu wato 428 waa ku farxay” ayey tiri Mahado.

Mahado waxaa ay tilmaantay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii gabadhooda ay heer wanaagsan u gaarsiin lahaayeen.

“Yaraanteedi ayaan aragnay gabdhaan in ay tahay mid faham badan, aniga iyo aabaheed waa ku dadaalnay, waligeed lacag iskuulka loogama soo saarin” ayay tir Mahado oo BBC u warantay.

Maxay ku hamminayaan Axmed iyo Nasteexo Mustaqbalka

Aabaha dhalay Axmed waxa uu sheegay in uu ku dadaali doono sidii wiilkiisa uu waxbarashadiisa uu sii wadi lahaa, mustaqabalkana uu rajeeynayo in uu noqdo duuliye ama Injineer .

Sidoo kale hooyada Nasteexo Cabdi ayaa tilmaantay in gabadheeda ay mustaqabalka noqto Dhaqtaradda carruurta iyo haweenka.

Inkasta oo gobolka Waqooyi bari ay ka jiraan caqabado badan oo dhanka amniga taas oo sababtay in macalimiinta aan u dhalan gobolka ay ka tageen, haddana waxaa muuqta in ardayda ay kaalin fiican ka galeen Imtixaanka guud Kenya.