Maxay muslimiinta iyo reer Yurub uga naxeen guusha Geert Wilders

Geert Wilders

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guushii lama filaanka ahayd ee uu ku guulaystay siyaasiga midigta fog ee Geert Wilders doorashadii guud ee Arbacadii ka dhacday Holland waxaa aan ku farxin bulshad Muslimka ah iyo Midowga yurub.

Kooxaha waddaniyiinta ah ee garabka midig ee Yurub oo dhan ayaa u hambalyeeyay siyaasiga caanka ah, oo mararka qaarkood loogu yeero Trump-ka Netherland, oo qaab ahaan ay isku egyihiin marka la fiirayo qaabkiisa iyo hadalkiisa kulul.

Dhanka kale Natiijada doorashada ayaa mawjado walaac ah ku abuurtay Qaaradda Yurub iyo guud ahaan Muslimiinta kuwaas oo ka shakisan qaabka hogaamiyaasha dimuqraadiga ee la macaamilka ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee midigta ee Nederland xukumi doona.

Geert Wilders ayaa si cad aragtidiisa ka dhanka ah islaamka uga sheegay meel fagaare ah isaga oo ku baaqay xidhida soo galootiga muslimiinta oo argagixiso uu ku tilmaamay iyo in Masaajidda laga mamnuuco in Quraanka lagu akhriyo, arintaas oo si weyn muslimiintu ay uga caroodeen.

Waxaa lagu helay dambi ah kicin dadweyne iyo takoor, inkastoo markii dambe lagu waayay dambiga, waxaana loo diiday inuu gudaha u galo Ingiriiska Sanadkii 2009kii.

Cabsida laga qabo kooxaha garabka midig ee Yurub

Dhanka kale guushaan waxaa mid weyn u arka kooxaha midigta fog ee Yurub waxayna aaminsan yihiin in aragtiyadoodii ay haddanoqdeen kuwo dhaqan galaya.

"Dabaysha isbedelku waa soo socotaa!" Sidaas waxaa yir Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orbán, ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii Holland.

Hogamiyaha xornimada Flemish ee midigta fog Tom Van Grieken, oo rajaynaya in ku guuleeysto doorashada Belgium aya shaaciyay in uu filayo guul la mid ah tan Holland oo ay ka gaaraan guud ahan Yurub oo dhan.

Qaxootiga oo welwel uu haysto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Walaaca muslimiinta ay ka qabaan Wilders

Ururrada Islaamka ayaa walaac ka muujiyay guusha Wilders. Muslimiintu waxay ka yihiin qiyaastii 5 boqolkiiba dadweynaha Nederlaan.

Xabiib Al kudaari oo madax ka ah urur Muslim ah oo ka jira dalkaasi ayaa wakaaladda wararka Holland u sheegay in cabsida ay qabaan ay tahay in "loo arko muwaadiniin heerka labaad ah”.

Holland oo ka mid ah dalalka ay galaan Muslimiinta ka cararay Colaadaha ka jira dalalkooda ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in hanaanka magangalyo doonka dalkaasi wax laga badelo, maadaam Ra’iisulawasaaha cusub uu yahay nin ka soo horjeeda soo galootiga .

Maxaa u sahlay in Doorashada uu ku guuleysto

Siyaasiga midigta fog ee Geert Wilders ma filaynin inuu ku guulaysan doono doorashada dalkaasi, waxaana taas laga arki karay qoob-ka-ciyaarkii iyo siduu u dhaqamayay intii Doorashada ay socotay oo laga arkayay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Siyaasaddiisa ku saabsan xaddidaadda socdaalka, la dagaallanka dhibaatooyinka guriyeynta Nederland, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ayaa loo arka in ay tahay sababaha ugu weyn ee soo jiitay codbixiyeyaasha reer Holland ee u codeeyay.

Shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ee soo socda ayaa la filayaa in uu noqno doono mid cakiran maadaama ra’iisul wasaaraha cusub ee la doortay uu si weyn uga soo horjeedo qaar ka mid ah siyaasaddaha dalalka Midowga yurub.

Geert Wilders

Xigashada Sawirka, EPA

Waa kuma Geert Wilders

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu ku dhashay magaalada Venlo ee dalka Holland sanadku markuu ahaa 1963-kii, waxaana dhalay aabe iyo hooyo u dhashay dalka Indonesia, waxaana uu ku soo barbaaray qoys Catholic ah ka hor intii aanu noloshiisa dambe ku dhawaaqin in uu mulxid yahay.

Markii uu dhamaystay dugsigii sare waxa uu go’aansaday in uu u safro si uu caalamka u soo arko, waxaana uu damcay in uu u safro dalka Australia, laakin ma uu awoodin maadaama uusan haysan lacag ku filan, sidaas darteed waxa uu aaday Israel, halkaas oo uu ka shaqaynayay in ka badan hal sano. Waxa uu sidoo kale booqday qaar ka mid ah wadamada Carabta.

Safarkaas ayaa saameyn weyn ku yeeshay aragtidiisa siyaasadeed markii dambe.

Wilders waxaa siyaasadda uu ka bilaabay Xisbiga Dadka ee Xoriyadda iyo Dimuqraadiyadda, waxaa uu noqday kaaliyihii baarlamaanka dalkasi intii u dhaxaysay 1990kii ilaa 1998-kii.

Waxa uu ku guulaystay in uu xubin ka noqdo Golaha Wakiilada 1998-kii isaga oo wakiil ka ahaa Xisbiga Xoriyadda iyo Dimuqraadiyadda ee Muxaafidka ah, balse waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay in uu ka baxay Xisbigaas ka dib markii uu khilaaf ka dhashay mawqifkiisii ku saabsanaa ka mid noqoshada Turkiga ee Midowga Yurub 2004-tii.

Sannadkii 2006, waxa uu ku dhawaaqay aasaaska xisbigiisa garabka midig ee xagjirka ah, "Freedom", kaas oo ku guuleystay in uu helo sagaal kursi oo baarlamaanka ah doorashooyinkii isla sanadkaas.

Doorashadii 2010-kii, wuxuu ku guulaysatay xisbigiisa 24 kursi, isagoo noqday xisbiga saddexaad ee ugu badan baarlamaanka. Balse waxa uu diiday doorashooyinkii guud ee 2014-kii.