Sida ay dhaqaatiirtu wadnaha u jareen gabadhan markii natiijadii ay muddo sugaysay loo sheegay

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Mary Njoki Wangari waa haweenay Kenyaan ah oo 27 sano jir ah, nolosheeda waxaa hadheeyey walwalka mustaqbalkeeda ,ka dib markii la siiyey natiijada baadhista oo ay ku samaysay afka makaankeeda.
Baadhistu waxay soo saartay inay tahay haweenay aan ilma galeen lahayn, ugxan la,aan iyo xitaa marinka dhalmada taas oo loo yaqaan MRKH.
Hal sano iyo bar ka dib warka, way aqbashay xaaladda, laakiin waxay doonaysaa inay sii waddo raadinta dawooyin badan oo u suurtagelinaya inay hesho daawaynta bacriminta ah.

Xigashada Sawirka, MARY IS A WOMAN
Sidee lagu ogaaday tan?
Mary waxa ay ku kortay gobolka Nyandarua ee dalka Kenya sida hablaha kale waxa ay ku hammiyi jirtay in ay noqoto hooyo carruur leh, hadda waa riyo ay xasuusato markii ay 12 jirsatay in ay si hamuun u sugaysay caadada maaddaama lagu baray cashar bayoloji ah oo ku saabsan sida habluhu u qaangaadhaan oo ay jidhkooda is bedello kala duwan ugu dhacaan.
Waxay sheegtay in aanu jirin wax isbeddel ah oo la taaban karo oo ay aragtay intii u dhaxaysay 12 jir ilaa 18 jikedii, walaaca ugu wayn wuxuu u billowday markii ay dhammaystay dugsiga sare.
"Waxaan arkay saaxiibbadeyda badan, waxay hore u lahaayeen caadada, xitaa qaarkood waxay dhaleen ilmo da' yar, laakiin aniga jidhkaygu wuxuu ahaa sida gabadh yar oo kale inkastoo sannado ay dhaafeen," ayay tiri Mary.
Haweeneydan ayaa sheegtay in maaddaama ay ku soo kortay miyiga ay weyday qof ka caawiya inay fahamto waxa jirkeeda ka socda, ceebna ay u arkasay inay ka hadasho dhibaatada caadada ka heysata iyo dareenka kala duwan.
Waxay aragtay sanadaha oo sii socda iyo wax isbaddal ah oo aan jiran oo ay ku aragto jirkeeda, waxayna billowday raadinta daawo.
Mary waxay sheegtay inay u tagtay dhakhaatiir kala duwan oo caafimaadka taranka dumarka ah, afar ka mid ah waxay heleen jawaab isku mid ah ka dib markii si fiican loo baaray.
"Waxaa la igu wargeliyay in aanan lahayn xubin ilma galeen, aad ayaan u xanuunsaday, waxaan u maleynayay in dhibaatadayda si degdeg ah loo xallin doono, hadda waxaan aqbalay inaanan sameynin. Ma awoodo inaan carruur ku dhalo laakiin waxaan rajaynayaa in inta hadhay la hagaajin doono si aan u dareemo sida dumarka kale," ayay tidhi Mary.
Caqabadaha la noolaanshaha xaaladdan oo kale

Xigashada Sawirka, MARY IS A WOMAN
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mary ayaa sanadkan 28 jir satay, sanadihii ay nooleyd iyadoo qaangaar ah wax badan ayay soo martay hamigeedu ugu weyn waxay ahayd ina caruur yeelato, laakiin gobolka ay ku nooshahay hadda suurtagal maaha in ay carruur ku dhalato.
Tan iyo markii ay Mary bilawday hawsha xaqiiqo-raadinta waxa ay soo martay ku dhawaad afar khubaro ah si ay isu xaqiijiyaan oo ay nafteeda ugu qanacdo in caloosheeda aanay wax calaamad ah u lahayn ilmo galeenka iyo marinka afka ilmo-galeenka oo run ah.
Mid ka mid ah caqabadaha la noolaanshaha xaaladdan waxaa ka mid ah in loo sheegay inaysan awoodin inay carruur dhali doonto. Way aqbashay xaalada balse waxay rajaynayasaa inay hesho daawoyin lagu hagaajinayo ilma galeenkeeda.
Hadda maadama loo sheegay inaysan awoodin inay carur dhasho laakiin waxay rajaynaysaa in qaliin lagu sameeyo marinta dhalmada si ay fursad ugu hesho inay nin guursato una suura gali kairn xaalad galmo.
"Nolosha iyo aamusnaanta xaaladda aan ku noolahay waa waxa igu dhaliyay walbahaarka, laakiin waxaan rajeynayaa sida ay ii sheegeen dhakhaatiirteyda in ay suurtagal tahay in aan galo xaalad gaar ah. Qalliin lagu sameeyo marinka dhalmada, si haddii aan guursado aysan dhibaato u dhicin.” Ayay tiri Maryan.
Waa maxay hab dhiska taranka haweenka (Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser (MRKH)?
Sida ay khubaradu u sheegeen, cudurka Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser (MRKH) waa cudurka ugu badan ee saameeya hab-dhiska taranka haweenka.
Tani waxay sababtaa in xubinta taranka iyo ilmo-galeenka aysan si fiican u korin ama aysan jirin, inkastoo xubnaha taranka ee dibadda ay yihiin kuwo caadi ah.
Dadka ay dhibaatadan saamayso caadi ahaan ma yeeshaan caadada sababtoo ah maqnaanshaha ilmo-galeenka.Inta badan, calaamada ugu horeysa ee muuqda ee MRKH syndrome waa caadada.
Dadka qaba MRKH syndrome waxay leeyihiin qaab-dhismeedka koromosoomyada dheddigga (46,XX) iyo ugxan-yari oo si caadi ah u shaqeeya.
Waxay kaloo leeyihiin naasaha iyo korriinka xubinta taranka ee caadiga ah. In kasta oo dadka xaaladdan qaba inta badan aanay awoodin inay uuraystaan, waxay carruur ku yeelan karaan taageerada bacriminta.













