Sideed ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskax ahaan fiyow yahay iyo in kale?

Xigashada Sawirka, Getty Images
In aad aragto ilmo xanaaqsan ma ahan wax lagu farxo, gaar ahaan haddii aad tahay waalid, macallin ama mas'uul, goob caruurta lagu xanaaneeyo.
Haddii carruurta ay xanaaqaan ayaga oo ku sugan meel fagaare ah ama fasalka dugsiga, waa ayba ka sii daran tahay mararka kale .
Laakiin sidee ayaan ku ogaan karnaa in ay jirto sabab uu wiilkaaga ama gabadhaadu u xanaaqsan tahay iyo in uu isyeelyeelayaan?
Cilmi baaris ay sameeyeen khuburo caafimaad ayaad jawaabta ka ogaan doontaa.
Pepe Diasio, oo ah agaasimaha fulinta machadka Wales ee Magaladda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in caruurta aysan caadiyan imaan dugsiyada ayga oo raba in ay wax khaldan sameeyaan si ula kac ah.
”Carruurtu badanaa ma imaadaan dugsiyadda iyaga oo raba inay si qaab daran u dhaqmaan,“
Diasio, waxaa kale oo uu sheegay, in ku dhawaad 80% dhibaatooyinka ay dugsiyadu la tacaalaan ay si toosa ula xiriiraan xaaladaha qaar ee nolosha qoysaska ubadka.
"Ma doonayo in aan soo jeediyo in dhammaan dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka ay ku lug leeyihiin dabeecad xun, laakiin waxaa jira marka uu qofku u baahan yahay xoogaa taageero ah oo u heli waayo waxay si xun u saameyn kartaa hab dhaqanka."ayuu yir iagaasimaha fulinta ee machadka Wales.
Cilmi-baaris dhowaan ay daabacday Hay'adda Caafimaadka Dhimirka ee Ingiriiska ayaa soo jeedinaysa in carruurtu ay wax ka beddelaan dhaqankooda marka ay wax "ka welwelaan" ama "ka murugoodaan".

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixinta Hay'adda Caafimaadka Dhimirka ee Ingiriiska waxaa kale oo lagu sheegay in cunugu hadii uusan ooyin aysan macnaheedu ahyen in uusan qabin xanuunada dhimirka.
1,323 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 jir oo daraasadda ka qayb qaatay ayaa sheegay in waqtiyada ay dareemeen niyad-jabka ama walwalka ay yihiin marka ay dagaal galaan ama qof kale ay is khilaafaan.
Rubuc ka mid ah carruurta la wareystay inta lagu jiray cilmi barista ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmeen dhamaystirka hawshooda.
Karen Young, oo ah khabiiirad cilmi-nafsiga ku takhakhustay iyo qoraa bogagga ka faalooda cilmu-nafsiga ayaa sheegtay in welwelku uu ka imaan karo maskax caafimaad qabta, oo hadii ay carruurtu walwalaan aysan ahyeen in ay qabaan xanuun dhimirka.
Dr. Antonis Kousoulis, oo ah maamulaha ururka caafimaadka dhimirka, ayaa sheegay in dadka da'da yar ee qaba dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka ee aan la aqoonsan inta badan lagu calaamadiyo inay yihiin caruur dhib badan.
"Waa kuwa qas-wadayaasha ah, carruurta fasalka carqaladeeya, Sidaas ayaa loo arkaa," ayuu yir Dr. Antonis Kousoulis.
Gabdhaha ayaa se la sheegay inay ka duwan yihiin wiilasha, oo ay inta badan isku ekeeyaan dhibaatada haysata, goonina uga soocnaadaan dadka kale inta ay xaalkaan ku jiraan.

Haddaba sidee lagu ogaan karaa in dhaqanka xun ee ilmahu sabab u yahay caafimaadka maskaxda iyo in kale?
Sida uu daacabaya website-ka Dugsiga Caafimaadka Maskaxda, qaabka dhaqanka ilmuhu waa habka kaliya ee ay ku sameeyaan xiriir, si ay u muujiyaan hadii ay dhibaato dareemayaan ama ay wax fahmi la' yihiin.
"Sida daraadeed waxaa muhiim ah in la fahmo waxa ilmuhu isku dayayo inuu kuu sheego, isaga oo adeegsanaya qaab dhaqan gooni ah.
Cilmi barista ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha caafimaadka maskaxda marxaladda hore, iyda oo ka digtay hadii taas ay dhici wayso in ay saameyn ku yeelan doonto jiilka soo socada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arimaha loo baahan yahay in loo dhug lahaado
- Jawaabahooda, dabeecad xumada, carada joogtada ah, inuusan kala haysan ilmuhu.
- Inuu ooyin halmar iska soo jaro iyo qaylo
- Dabeecad isdifaacid oo joogto ah iyo inuu dadka kale ku eedeeyo waxyaabaha qaldama.
Brenda McHugh, oo ah macalimad hore waxna ka aasaastay iskuul qoysaska wax lagu baro ayaa tiri: "Waa dhibaato inaan mar walba dagala kala hor imaano [caruurta].
"Marka ay tahay xiriir xumo iyo hadii ay tahay calaamado dhibaato ku soo fool leh ilmaha lama kala sooci karo."
Cilmbibaarayaasha ayaa qaba in waalidiinta iyo macalimiinta looga baaan yahay inay dulqaad yeeshaan oo ay fahmaan sababta ilmuhu si gooni ah ugu dhaqmayaan, markii ay fahmaanna caawin u fidiyaan.













