wax badan ka ogow xogta wiilka xansuun ee labada qoys isku qabsadeen

Wiilka

Xigashada Sawirka, Shabelle

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshadu ay ku xariirto si weyn looga hadal hayay wiil dhalinyaro ah oo jirkiisa uu ka muuqada dhawaac , kaas oo ay isku haystaan laba qoys oo mid walba sheeganayo in uu yahay wiilkooda.

Bilowga sheekada wiilkan ayaa soo ifbaxday kadib markii 29-kii bishii hore ee Oktoobar la baahiyay muqaalka wiilka oo qoyska gacanta ku haya hada ay ka dalbanayeen dadka Soomaaliyeed in ay ka caawiyeen sidii isbitaal ay ugu qaadi lahaayeen wiilka. Magaciisa ayay ku sheegeen qoyskaan Cabdisamad Maxamed.

Labada qosyba waxay sheegeenin wiilka dhalinyarada ah uu ka mid ahaa askar Dowlladda Soomaaliya ay qortay oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay xerada ciidamada ee Nac-nac.

Markii muqaalka wiilka baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa soo baxay qoyes kale oo ayguna sheganaya in wiilka xanuunsan ay dhaleen, iygoo tilmaamay in uu ka mid ahaa dhalinyaro ciidan loo qoray oo qarax lagula beegsaday isla xerada ay xuseen qoyskii hore ee Nacnac oo ku taal Dagamada Wadjir ee Gobalka Banaadir.

Qoyska gacanta ku haya wiilka

Haweeneey lagu magacabao Fartuun Cumar Maxamuud oo la hadashay talafishinka Shabeelle ayaa sheegatay in habaryar u tahay wiilka xanuunsan gacantana ay ku hayso.

“Maalinkii aad na baafisay kadib waxaa nala soo xariiray qoys sheegay in wiilka ay dhaleen ,waxaa ay dhaheen hooyadii waa dhimatay, Cabdisamad lama dhaho ee Cumar Garabeey ayaa ladhaa, dood dheere kadib waxaa nala geeyay CID,”ayay fartuun u sheegatay Shabeelle TV.

Waxay hadalkeeda ku dartay inay diyaar u tahay in lagu kala baxo nidaamka DNA ee lagu ogaado hiddesidayaasha is leh.

Wadajir

Xigashada Sawirka, Wadajir

Qoyska kale ee sheegtay inay dhaleen wiilka

Qoyskaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in markii xerada qaraxu ka dhacay loo sheegay in wiilkoodii uu dhintay, sidaasn ay ugu samreen oo tacsi ay u dhigeen, balse ay hada baraha Bulshada ku arkeen wiilkoodii oo cid kale haysto.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sumayo Xassan oo sheegtay inay walaalo isku hooyo ah ay yihiin wiilka xanuusan ayaa BBC u sheegtay wiilkooda uu lasoo hadlay inta uusan habeenkii qaraxu ka dhicin xero Nacnac, uuna u sheegay in dalka Ugand loo qaadayo.

“Walaalkay habeenkii inta uusan qaraxu dhacin ayuu nasoo wacay oo noo sheegay in loo qaadayo dalka Uganda. Markii qaraxu dhacayna xerda waa gali waynay oo rasaas ayaa nalagu furay," ayay BBC u sheegtay Sumayo.

Saraakiisha Isbitaalka Dalka Xoogga ayay Sumayo tilmaanatay in ay u sheegen in wiilkoodii geeriyooday balse ilaa 7 Meyd oo loo geeyay ay ka wayeen wiilkoodii.

“habeenkii qaraxa subaxeedii, waxaan tagnay isbitaalka Xogga Dalka, dad badan ayaa halkaas joogay balse saraakiisha ayaa nagu yiri meydka meesha yaal waa yaryahay dadku waa badan yahay ee marka magacayo ayaan yeerinaynaa. Qofkii magaciisa la yeeriyo hasoo galo. Markaas ayay walaalkay magaciisa yeeriyeen,"

"Qolka meydka ayaan galnaya, 7 meyd ayaa ku jirtay, rag waaweyn ayay ahaayeen walaalkayna kuma jirin. Markii aan u soo laabanay waxaa ay noo sheegeen in magacayda ay usoo gudbiyeen Saraakisha xero Nacnac lagana yaabo in uu qaldamo,”

Canaba cali waheliye oo sheegtay inay tahya hooyada wiilka dhashay ayaa BBC la hadashay, iyada oo sheegatay in wiilkeeda la yiraahado Cumar Cali Axmed caalamadna uu leeyahay.

“Hadda ka hor ayaan isbitaalka la galay dadka dhan ayaa ii yaqaan “ ayay tir Canab Cali waheliye oo BBC la hadashay.

BBC ayaan si madax banana u xaqiijin karin sheegshada labadaan qoys.

.

Xigashada Sawirka, social media

Qoraalka sawirka, afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya

Muxuu ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka yiri arrintaan?

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, oo shalay shirjaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa mar wax laga weydiiyay arinta wiilka waxaa uu sheegay in ay soo gaartay Ciidanka Booliska Soomaaliya warbixintiisu oo Saldhiga Dagmada Wadjir lagu diwaan galiyay .

“Shaqsiga muwaadinka ah ee dhaawac ah ee la isku qabsaday ee labada reer ay kala sheegteen warbixintiisu waa ay soo gaartay ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayuu yir afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed.

Gaashaanle Doodishe waxaa kale oo uu xusay in boolisku arinta u gudbiyay Maxkamadda Awoodda u leh, loona baahan yahay in la baaro hidasidaha ama dhacaanka DNA loo yaqaano.

Marka baritaanka lasoo gabgabeeyo ayuu boolisku sheegay in warbixintiisa dadka lala waaagi doono.