‘Waxaan bixiyay £30k si aan gabadheyda yar uga difaaco aabbaheed’

Markii aabbaha gabadheeda la dhigay xabsi sababo la xiriira tacaddi galmo, Bethan ayaa aad uga naxday inay ogaato in wlei loo oggolaanayo inuu arko gabadhooda kaddib marka lasoo daayo. Wuxuu ahaa khatar aysan dooneyn inay qaadato.
Bannaanka maxkamadda Cardiff ee dalka Ingiriiska, haweeney si cajiib ah u lebisan ayaa fadhisay oo si walwal leh u sugeysay. Bethan weligeed hore uma aysan tegin maxkamad qoys, balse waa tan isku dayeysa inay difaacayo gabadheeda – oo aabbaheed lagu eedeeyay dembiyo la xiriira kufsiga carruurta haatanna xabsi ku jira.
Markii la xukumay, bilooyin kahor, waxaa la siiyay amar ka mamnuucaya inuu mustaqbalka wax xiriir ah la sameeyo carruur – balse mamnuuciddaas kama hor istaageyso inuu la xiriiro ilmihiisa.
Isaga iyo Bethan way is qabeen markii gabadhooda ay la dhalatay sidaas darteed xuquuq waalidnimo ayu uku leeyahay, taasoo ugu yaraan u oggolaaneysa inuu wax ka dhoho caafimaadka ilmihiisa, waxbarashada iyo habka nolosha.
Bethan "gebi ahaanba way ka argagaxsan tahay" waxa dhici doona marka laga soo daayo xabsiga. Waxay ka baqeysaa inuu gabadhooda maalin uun iskuulka kasoo kaxeeyo iyadoon ogeyn, sida keliya ee ilmaha looga soo celin karana ay tahay in la maro maxkamadda qoyska. Inta uu gabadha haayana laga yaabo inuu ku sameeyo waxa uu carruurta kale ku sameeyay.
"Weligaa naftaada ma cafin doontid," ayay tiri.
Iyadoo kaashaneysa waaliddiinteeda, Bethan ayaa qaadday tallaabo ay maxkamadda uga codsaneyso inay meesha uga saarto xaqa waalidnimo ee ninkeedii hore ayna ka mamnuucdo dhammaanba inuu xiriir mid toos ah iyo midaan ahaynba la yeesho ilaa ay gabahdooda ka gaarto 18 sano.
Iyadoo ay jirto sida ay u adag yihiin dembiyada ninkeedii hore, haddana Bethan ayaa lagula taliyay in hannaankan uu adag yahay. Waxay ku tilmaantay mid macangag ah waxayna ka baqeysaa inuu awood u yeesho qancinta maxkamadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaq uma lahan iyada gargaar sharci ah, xitaa dhegeysigii hore, kharashaadka ayaa ku badnaa.
Kiiska Bethan ayaa lagu dhegeysan doonaa maxkamadda qoyska, halkaasoo murannada waaliddiinta – ee aalaaba la xiriira carruur aan waxba halabsan – lagu dhegeysto. Ilaa mar dhow, kiisaska ayaa loo maareyn jiray si gaar ah weriyeyaashuna looma oggoleyn inay tebiyaan.
Balse tan iyo bishii January, weriyeyaal oggolaansho heysta ayaa loo oggolaa gudaha maxkamadaha qoyska ee magaalooyinka Leeds, Carlisle iyo Cardiff – taasoo u oggolaaneysa inay si dhow ula socdaan falalka maamullada iyo maxkamadaha.
BBC News ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay la socotay kiiska Bethan.
Gudaha maxkamadda, Bethan ayaa is qarineysay si aan loo arag. Aabbaha ilmaheeda – oo aan qareen heysan – ayaa muuqaal uga soo qeyb galay maxkamadda. Wuxuu u muuqdaa qof gaaban oo fadhiya miis dheer gadaashiisa, hortiisana ay waraaqo tuban yihiin.
Waxaa sidoo kale la jooga dad ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo la taliyeyaal carruurta iyo qoyska ah.
Seygii hore ee Bethan ayaa maxkamadda u sheegay inuu oggol yahay inuu xabsi ku jiro sababo la xiriira dembiyo "aad u adag" wuxuuna sheegayaa inuu "doonayo inuu ilmihiisa waqti la qaato", haddii ay dooneyso inay isaga xiriir la yeelato. Toddobaad walba ayuu warqad u qorayay, kuwaasoo uusan haatan u diri karin.
Markii dambe, wuxuu diray codsi murugo leh oo ah inuu yahay aabbe jecel ilmihiisa, iyadoo codkiisu go’go’ayo ayuuna maxkamadda u sheegay inuu rajeyn lahaa inuu la joogo gabadhiisa.
Bethan iyadu "uma dulqaadan karto" inay dhegeysato, waana "xanuun daran" in la isku dayo in lala heshiiyo ninkan oo tacaddiyo xun u geystay carruurta.

Ilmaha Bethan wuxuu ka mid yahay in ka badan 80,000 oo layskula soo qaaday maxkamadaha qoyska.
Sanadkii 2022, celcelis ahaan muddada kiiska qoyska ee gudaha England iyo Wales waxay qaadan jireen 10 bilood, amaba ilaa 45 toddobaad – waa hab "aan dhisneyn", sida ay qabaan Law Society.
Balse xuquuqda waalid waa mid keliya lagu maareyn karo amar maxkamadeed, sida ay qabto Hannah Markham KC, guddoomiyaha Ururka Family Law Bar.
"Xitaa haddii qof uu xabsi ugu jiro dembiyo kufsi carruur oo daran, way lahaanayaan mas’uuliyadda waalidnimo," ayay tiri - iyadoo Bethan ku tilmaantay "geesiyad" maaddaama ay xaaladdan mareyso.
Toddobaadyada soo socda haweeneydan ayaa waqti la qaadan doonta Bethan iyo gabadheeda, iyadoo aabbahana ku booqan doonta xabsiga.
Kiiskan ayaa degdeg ku socday, Bethan ayaana kusoo laabatay Xarunta Caddaaladda Qoyska ee Cardiff saddex bilood kadib.
Warbixinta haweeneyda bulshada u shaqeysa ayaa aad xasaasi ah kuna saabsan ninkii hore ee Bethan. Wuxuu u muuqdaa mid barooranaya kana xun inuusan noqon karin aabbaha ilmihiisu uu u qalmo, kahor inta uusan u mahadcelin maxkamadda.
Wuxuu rajeynayaa in dib qiimeyn loogu sameeyo marka lasii daayo wuxuuna codsanayaa warbixin sanadle ah oo la xiriirta xaaladda gabadhiisa.
Bethan iyadu, noocan xiriir ee aan tooska ahayn uma cuntamayo. Iyadoo kiisku uu sii socday, biilasha Bethan ayaa cirka isku shareeray. Waaliddiinteeda ayaana caawinaad u sameeyay.
"Waan u damqanayaa dadka aan iska bixin karin lacagtaas," ayuu yiri aabbaha Bethan. "Xaalad adag ayay ku jiraan."

Kiiska ayaa saameyn ku yeeshay noloshooda, balse marka loo barbardhigo kiisas badan oo maxkamadaha qoyska ah, kan dhaqso ayuu u socdaa – dhegeysiga ugu dambeeya waa wax ka yar labo toddobaad.
Aan ku laabanno maxkamadda, qaadiga ayaa soo koobaya warbixinta qofka u shaqeeya bulshada. Bethan "nafis weyn ayay dareentay" markii la go’aamiyay in ilmahooda ay mar walba iyada la noolaadaan, iyadoo mas’uuliyadda waalidnimo ee ninkeeda hore la xannibay.
Waxaa loo arkay inuu yahay qof aad khatar u ah sida uu xaakimku sheegay, lamana oggolaan codsigiisa ah inuu helo warbixin sanadle ah.
Waa la ogeysiin doonaa haddii ay gabadhiisa xanuun daran woo wajaho, amaba ay dal kale u guuraan.
"Aad ayaan uga mahdinayaa," ayay tiri.
Waaliddiinta Bethan ayaa sidoo kale aad ugu qanacsan.
"Markii ugu horreysay muddo saddex sano ah waxay gabadheyda u xoreeyeen inay gabadheeda u korsan karto si caadi ah, farxad leh, oo caafimaad leh," ayay tiri hooyada Bethan.
Marka laga soo tago saameynta dareen ee kiiskan uu yeeshay, waxaa sidoo kale ku baxday lacag ka badan £30,000.













