"Waan ka xishoonayaa inaan fiiriyo xaaskayga marka ay subixii dhaqeyso go'a aan ku seexannay"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Carruurta, waa wax iska caadi ah oo laga hadli karo in ay sariiraha ku kaadshaan, laakiin marka qof weyn oo ama ka weyn 30 sano in uu qooyo sariir ama ku kaadsho, waa xaalad xanuun oo loo yaqaanno 'enuresis'.
Inta badan dadka xanuunkan la ildaran ayaa waxa ay ka xishoodaan in ay ka hadlaan. Xitaa haddii uu jiro khabiir ay ku kalsoon yihiin oo ku takhasusay raadinta xalka dhibkooda. Laakiin xanuunkan enuresis waa dhibaato si dhakhso ah loo ogaado, xitaa haddii la’isku dayo in la qariyo.
"Waan ka xishoonayaa inaan fiiriyo xaaskeyga markay aroortii dhaqeyso go'a. Way xanuun badan tahay, "ayuu yiri Linus (ma aha magaciisa dhabta ah, waxa uu codsaday in aan la shaacin magiciisa saxda), waa 44 jir, injineer kombuyuutar ah oo jooga magaalada Cotonou, ee dalka Benin.
Waa maxay enuresis?
Enuresis waa kaadida si aan si kas ah loo keenin ee iska imaata xilliga hurdada. Waa khalkhal ku yimaada xakameynta kaadiheysta ee dadka qaarkood. Ilmaha ka yar 5 ama 7 jir, waa wax caadi ah oo markasta dhaca in ay sariirta qooyaan.
Laakiin dadka qaangaarka ah, ayuu xanuunkan ku sababi karaa wallow dadka badi aysan xanuunkan ku baraarugsaneyn.
Waxa ku adkaatay inuu BBC-da u sharraxo xaaladdiisa taasoo mararka qaar keenta inuu guriga joogo maalintii oo dhan. "Waxay saameyneysaa xiriirkayga, laakiin nasiib wanaag waxaan leeyahay xaas ifahmi karta oo daryeel wanaagsan ii sameysa," ayuu yiri.
Waa fursad "aad u weyn", sida uu u qeexayo, oo aysan lamaanayaal badan haysan. Maadaama ay taasi keentay in dad badan ay is furaan.
“Waxaan bilaabay inaan isku kaadsho, gaar ahaan habeenkii, dhawr bilood ka dib markii aan is guursanay xaaskeyga. Runtii ma sharaxi karo waxa keenaya, "ayuu yiri, waxa u uku cel celiyay in uu jiro walaac ku saleysan dhinaca shaqadiisa maadaama aysan fiicneyn kaadi heystiisa, taasina ay keentay in badanaa uu guriga joogo.
Sababaha keena Enuresis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrimaha jireed iyo nafsiyeed waxay keeni karaan xanuunka enuresis ee kudhaca dadka waaweyn.
Nooca 2-aad ee sonkorowga ama caabuqa kaadi mareenka ayaa noqon kara sababta cudurkan, sida ay sheegtay Doctor Anne-Marie.
Waxa kale oo ay noqon kartaa shil sida ay qabaan khubaradu. Dareen yaraan, xaalad riyo u eg iyo sigaar cabbiddu waxay u horseedi karaan xanuunkan.
Laakiin sida laga soo xigtay khabiir dhinaca kaadi-mareenka ah, ayaa sheegay in ay keeni karaan walaac, walbahaar, niyad-jab, cabsi ama cillado dabeecadeed.
La macaamilka bulshada oo yaraata

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka la ildaran enuresis waxay inta badan ka baqaan inay la wadaagaan xaaladooda dadka kale, gaar ahaan kuwa ay jecel yihiin. U dhawaanshaha dadka kale iyo cabsidu waxay noqon kartaa walxo iyaga ka fogeeya bulshada, sida uu caddeeyay Dr Gaoussou oo sharraxaya inuu la kulmay qaar badan oo ka mid ah kiisaskan.“Waxaan isku daynay inaan heshiisiinno lammaane badan oo hal lammaane uu xanuunkan la ildaran yahay. Inta badan, kuwani waxa ay ku dhamaadaan furriin iyo kala tag, "ayuu aqoonsaday dhakhtarka kaadi mareenka kaas oo sheegay in ay jiraan daaweyn waxtar leh oo looga gudbo arrinkan enuresis.
Laakiin Linus, marka loo eego kalsoonidiisa, ma jirto wax uu ka walwalo oo dhinaca qoyskiisa ah.
Sidoo kale ma sharaxi karo dulqaadka xaaskiisa ee ku wajahan waxa uu ugu yeeray waqtiyo madow oo noloshiisa ah. "Iyadu waa midda igu dhiirigelisa in aan ixtiraamo talooyinka la iga siiyey daawaynta," ayuu yiri.
Kiiskii Linus, marka laga reebo inuu ciyaaro tennis-ka ina-adeerkii oo noqday saaxiibka ugu fiican, noloshiisa ayaa caawiya xilliyada uu safarrada aadayo isaga oo u keena xafaayadaha dadka waaweyn si uusan ceeb ugu dhex dareemin bulshada.
Waxaa intaa dheer, marar dhif ah in uu baxo, si la mid ah waqti la qaadashada asxaabta ama la joogo qaraabo ama xubin kale oo qoyska ah. Wuxuu door bidayaa inuu joogo guriga oo ay xaaskiisa si fiican u xannaanayso.
"Nasiib wanaag, waxay noqonaysaa mid aad dhif u ah inay tani igu dhacdo inta lagu jiro maalinta. Tani waxaa iga caawisay daawaynta,” ayuu ku nuuxnuuxsaday. Oo wuxuu ku daray: "Weli waa inaan xakameeyaa xaaladda inta lagu jiro habeenkii."
Enuresis-ka ku dhaca dadka waaweyn ayaa ah mid la daweyn karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma jiro daawaynta mucjiso ah oo uu leeyahay xanuunkan. Sida laga soo xigtay urologists, qaab nololeed wanaagsan ayaa kaa caawin kara daaweynta enuresis. Dhakhaatiirtu waxay ku adkaystaan daawaynta hab-dhaqanka si ay u daweeyaan cudurka.
Waa inaad si macquul ah u cabtaa oo aad xaddidaa isticmaalka dareeraha badan. Sidoo kale, kafeega iyo cabitaannada kaarboon ku jira waa in laga fogaadaa. Waxay gacan ka geystaan kicinta kaadiheysta oo mararka qaarkood sababa kaadi badan.
Linus, "ma fududa inaad naftaada ka mamnuucdo waxyaabo gaar ah oo aad caadaysatay", isaga oo tixraacaya dhammaan diidmooyinkan lagula taliyay si uu u daweeyo cudurkan.
Dhakhtarku waxa kale oo uu u qori karaa dawooyinnkale haddii daawaynta habdhaqanku aanay soo saarin natiijooyin lagu qanci karo. Waa dawo ka caawisa xiridda dheecaanka kaadida ee habeenkii. Laakiin way ka waxtar yar tahay kuwa qaar", sababtoo ah soo noqoshada waxay noqon kartaa mid sareeysa.
Sidoo kale, dhakhaatiirta kale ee kaadi mareenku waxay ku talinayaan in la isku daro labada dariiqo ee daawaynta kuwaas oo siinaya natiijooyin aad u wanaagsan.
Habka kale ee lagu taliyey in lagu daaweeyo sariir-qoynta waa sameynta waxa loo yaqaanno Kegel. Waa jimicsi ujeedadiisu tahay in lagu xoojiyo murqaha miskaha oo inta badan waxay keentaa bogsasho dhammaystiran.
Enuresis, sida ay qabaan khubarro badan, waxaa loo tixgeliyaa "xanuunr ceeb ah" taas oo keenta bukaanada intooda badan inay lumiyaan kalsoonida oo ay noqdaan kuwo ka go'an bulshada. Aad ayey ugu badan tahay dumarka marka loo eego ragga.













