Maxaa kajira in ay xirmeen waddooyinkii laga geli lahaa Garoonka Aadan Cabdulle?

Adan Cadde

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Adan Cadde

Roobab aad u xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Banaadir, iyadoo ay ka dhasheen daadad xiray waddooyin muhiim u ah caasimadda Muqdisho.

Warar xilli hore soo baxay ayaa sheegayay in ay xirmeen waddooyinka gala garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde ee Muqdisho, xilli dadka doonaya in ay galaan garoonka ay waayeen meel ay maraan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay biyaha xowliga ah uga kala yareyn lahaayeen caasimadda xilli ay xirmeen waddooyin muhiim u ah isu socodka magaalada iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa BBC-da uga warramay sida uu maamulku ula tacaali karo daadadka iyo inta ay awooddoodu la egtahay.

“Daadadka xowliga ah ee ka dhashay roobabka waa kuwo ay nala qabto dunida oo dhan, dalal naga awood badan ayuu saameyn ku yeeshay, hase yeeshee maaddaama horay looga digay, maamulka gobolka waxa uu sameeyay guddi arrintaas ka howlgala, iyagoo sii diyaariya meelaha biyo waraha ah si aysan biyuhu ugu gudbin guryaha meelahaas ka ag dhow,” ayuu yiri.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in maamulku uu ku howlanyahay sidii loo caawin lahaa dadka deggan agagaarka waraha haddii ay biyuhu dhaafaan xadka ama in laga raro meelaha ay deggen yihiin.

Maamulka gobolka ayaa biyaha u isticmaalaya booyado lagu qaado iyadoo gawaari booyado ah la geeyo meelaha ay biyuhu fadhiyaan si looga guro, hase yeshee waxaa is weydiin mudan sida ay awood ugu yeelan karaan in ay kla yareeyaan xowliga biyaha.

Yabooh oo ka hadlaya ayaa yiri, “Waxaa jira booyado ilaa dhowr iyo labaatan ah oo loo qorsheeyay in ay biyaha qaadaan, maadaama roobkii ugu xoogganaa uu toddobaadkan ka day'ay Muqdisho weliba xalay, taasna waxa ay keentay in waddooyin badan ay xirmaan, waliba roobkii xowligiisa awgeed ay gawaarida qaar awoodi waayaan in ay shaqeeyaan, laakiin saakka ilaa duhurkii maanta ayey shaqeeyeen”.

Waxa uu intaa ku daray in mar waliba ay gawaaridu heegan ku jiraan, hase yeeshee aysan awoodi Karin in mararka qaar ay howl galaan.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Waxa kajira in ay xirmeen dhammaan waddooyinka laga galo garoonka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddomiye kuxigeenka oo aan weydiinnay in dhammaan ay xirmeen waddooyinka laga galo garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde, ayaa sheegay in aroortii hore ee saaka ay xirmeen hase yeeshee dib loogu dadaalay in la furo isla markaana lagu guuleystay.

“Roobkii awoodda badnaa ee ka da’ay caasimadda awgeed, waxaa xirmay waddooyin badan oo muhiim u ah Muqdisho, saaka aroortii waxaa xirmay waddooyin laga galo garoonka, hase yeeshee dadaal la sameeyay ayaa lagu furay isla subixiiba, haddana waxaa la furay waddooyin kale oo igana xirmay,” ayuu sii raaciyay guddoomiye Yabooh.

Waxaa xusid mudan in horraan ay xirmeen dhowr waddo oo kale oo lagasoo galo garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde, biyo badan oo fadhiya awgood.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan aysan jirin waxyaabo kale oo lagaga hor tegi karo biyaha xowliga ah ee ka dhashay daadadka roobka marka lagasoo tago booyadaha biyaha looga qaadayo meelaha ay faristaan.

Muqdisho malaha meelaha loogu tala galay in ay biyaha maraan ama ka baxaan ee loo yaqaanno bullaacadaha, taas oo qasbeysa in magaalada ay biyo la ciirciirto haddii aan laga daad gureynin.

Cabashooyin badan ayaa ka imaanaya qaar kamida gobollada dalka iyo roobabka xowliga ah ee ka da’ay guud ahaan Soomaaliya ay ku barakeceen in kabadan nus milyan sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Saameynta ugu badan ayaa lagasoo sheegay maamul goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, iyo koonfur galbeed, iyadoo saameynta ugu badan ay ka dhalatay wabiyada Juba iyo Shabeelle oo fatahaado sameeyay.