Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dhakhtarkii ugu horeeyay ee beerka qof ka badala Yurub oo maanta dhintay

    Roy Calne

    Xigashada Sawirka, CALNE FAMILY

    Dhaqtar u dhashay dalka Ingiriiska Prof Sir Roy Calne, oo qaliinkii ugu horeeyay ee beerka lagu bedelayo Yurub ka sameeyaa ayaa ku dhintay da'da 93 sano.

    Roy oo la siiyey abaalmarinta halyeynbimada ee dalka Ingiriiska (Pride of Britain ) ayaa hogaaminayay qaliinkii lagu sameeyay isbitaalka Addenbrooke ee Cambridge sanadkii 1968, sanad kadib markii ugu horaysay ee Maraykanku ku guulaysto beerka oo qof laga badalo mid kalena loo galiyo.

    Waxa uu habeenimadii sabtida u dhintay wadne xanuun.

    Wiilkiisa Russell ayaa sheegay in uu ahaa "aabbe aan caadi ahayn".

    "Waxa uu lahaa dabeecad cajiib ah, wax yar oo xamaasad leh iyo aabe cajiib ah oo leh lix caruur ah," ayuu yiri Mr Calne.

    "Dhammaan aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay isaga iyo waxa walba oo uu qabtayba, waxaana tagnay meelo cajiib ah abaal-marintiisa awgeed."

  2. Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

    CABDIQANI CAATEEYE

    Xigashada Sawirka, CABDIQANI CAATEEYE

    Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda gooni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa waraysi uu siiyey telefishinka maxalliga ah ee Horyal waxa uu ku sheegay in uu xilkii iska casilay.

    Cateeye ayaa sheegay inuu doonayo in uu dadka reer Somaliland la wadaago, “in aan maanta xilkaygii halkaas kusoo koobo oo aan iska casilo”.

    Waxa uu is casilaadiisa la xiriiriyey heshiiskii is afgarad ee 1-dii bishan ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa.

    Heshiiskan muranka abuuray ayaa dibadbaxyo ballaaran ka dhaliyey meelo kala duwan oo guud ahaan Soomaaliya ka tirsan gaar ahaanna kuwa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Somaliland.

  3. Maxaa laga yaqaannaa diyaaradaha Boeing 737 Max iyo shilalkii ba’naa ee ay sababeen?

  4. Madaxweynaha falastiin oo ka degay Masar si uu ula kulmo dhiggiisa dalkaas

    Cabbaas iyo Al-Sisi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, halkaasoo uu kula kulmi doono dhiggiisa Masar Abdel Fattah El-Sisi.

    Wakaaladda wararka ee Falastiin ayaa ka soo xigatay safiirka Falastiin ee Masar, Diyaab Al-Lowx, in Cabbaas iyo Sisi ay ka wadahadli doonaan siyaabaha iskaashiga laba geesoodka ah ee loo joojinayo dagaalka Qasa si degdeg ah oo waarta, iyo dadaallada Carabta, gobolka iyo caalamiga ah ee wax looga qabanayo masiibada bini'aadantinimo ee ka dhacday Marinka.

    Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wadahadli doona ka hortagga barakicinta Falastiiniyiinta iyo joojinta weerarada ka imaanaya Israa’iiliyiinta deggan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jirto Qudus, sida uu sheegay safiirka Falastiin ee Qaahira.

  5. Xaggee ku dambeeyay xiriirka madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

  6. Laba wariye oo Qasa lagu dilay - mid ka mid ah waxaa dhalay wariye qoyskiisa hore loo laayey

    Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in labo wariye lagu dilay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay gaari ay saarnaayeen oo marayay galbeedka Khan Yuunis.

    Labadan wariye ayaa lagu kala magacaabaa Mustafa Thuraya iyo Hamza Wael Al Dahdouh, oo ah wiil uu dhalay wariyaha Al-jazeera, kaasoo horey looga dilay qaar kamid ah qoyskiisa duqeyn ay geysatay Israa’iil.

  7. Kenya oo wax ka badashay go'aankeedii dalkugalka ee hadal haynta dhaliyey

    Tigidh

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warsaxaafdeeda ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wax looga baddalay go'aan ay hore usoo saartay oo ahaa, in muwaadiniinta awalba dalkugalka u baahnaa ay weli u baahan doonaan si ay usoo galaan Kenya taas oo liddi ku noqotay hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in gebi ahaanba la qaadi doono xayiraadda dalkugalka.

    "Si loo kobciyo dalxiiska sarena looga qaado maalgashiga shisheeye ee dalka, dawladdu waxay meesha ka saartay dalkugalka looga baahan yahay muwaadiniinta dhammaan caalamka ee imaanaya ama dhaxsinka ku noqonaya Kenya" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

    Go'aanka hore ee soo baxay ayaa si qeexan lagu sheegay dalalka iyo dadyowga aan u baahan doonin dalkugalka, taas oo Soomaaliya ka saartay liiskaas maaddaama aan lagu darin dalalkaas.

    Dalalka ku bahoobay ururka goboleedka dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay ayaa mid mid loo xusay si loo cadeeyo in aysan u baahnayn dalkugal, halka Soomaaliya laga tagay.

    Arrintan ayaa hadal hayn ka dhex dhalisay Soomaalida.

    Waxay soo kordhisay dawladda Kenya, nidaam kale oo elektaroonik ah (ETA), kaas oo qofku uu kusoo dalban karo ogolaanshaha in uu dalka soo galo ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka oo isbitaal la dhigay iyo Biden oo aan maalmo lagu wargelin

    Austin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maamulka Biden looma sheegin maalmo in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin la dhigay isbitaal, ugu yaraan hal sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka.

    Lloyd Austin, oo 70 jir ah, ayaa la dhigey Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed Isniintii sababo la xiriira qalliin lagu sameeyay kadib.

    Sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS, in Aqalka Cad aan lagu wargelin arrintan illaa ugu yaraan subaxnimadii Khamiista.

    Mr Austin wuxuu aqbalay mas'uuliyadda isgaarsiin la'aanta.

    "Waan garwaaqsanahay in aan qaban karay shaqo ka wanaagsan sidii aan u hubin lahaa in dadweynaha si habboon loogu wargaliyo," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

    "Waxaan ballan qaadayaa inaan sidan wax ka sii wanaajin doono,” ayuu yiri.

  9. Ruushka gantaalka lidka diyaaradaha ku dilay 11 qof

    S-300

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Weerar gantaallo oo Ruushku qaaday ayaa lagu dilay 11 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah bariga Ukraine, sida uu sheegay sarkaal ciidamada ka tirsan.

    Gantaalladda S-300 ayaa lagu garaacay magaalada Pokrovsk ee dhulka ay Ukraine haysato ee gobolka Donetsk, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi.

    "Cadowgu waxa uu dadka rayidka ah u garaacayaa danihiisa gaarka ah, isaga oo isku dayaya in uu abuuro dhibaato inta uu awoodo," ayuu gudoomiyaha gobolka Vadim Filashkin ku qoray barta Telegram.

    Khudbaddii fiidnimo ee Madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu ku sheegay in ciidamada Ruushku ay beegsadeen meelaha la deggan yahay.

    Ruushka waa inuu dareemo cawaaqibka ka dhalan kara weerarradan oo kale, ayuu Mr Zelensky ku daray. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin.

  10. Faahfaahinta dhinaca sharciga ay dawladda federaalka ku burrisay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

  11. Maydka Abaandulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee shalay lagu dilay dagaalka Gobolka Mudug oo Muqdisho lagu aasay

    Naxashka Maydka taliyaha dhintay oo ay sidaan askar

    Xigashada Sawirka, SNA

    Qoraalka sawirka, Naxashka Maydka taliyaha dhintay oo ay sidaan askar

    Aas qaran ayaa loo sameeyay maydka Abaandulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo shalay ku dhintay dagaal ciidanka Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray Koonfurta Gobolka Mudug.

    Maydka oo loo soo duuliyay Muqdisho ayaa lagu aasay Isbitaal uu leeyahay Miltariga Soomaaliya, waxana aaska ka qayb galay wasiirro iyo taliyayaal ciidan.

    Taliyaha Milariga Soomaaliya Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo kamid ahaa saraakiishii ka qayb galay aaska Suulnuug ayaa sheegay in uu ahaa sarkaal qiimo badan oo ku shahiiday waxa ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

    “Allaha u naxariistee waxa uu ahaa sarkaal qiimo badan, dagaalka uu ku shahiidayna waa dagaal khawaarij lagula jiro, Ilaahay waxan uga rajaynaynaa naxariistiisii janno, annaga nin dhintay iyo labo dhimatay uma istaagayo halganku, mana dhacayso in maanta, maalinba Allaha ka dhigee dib u dhaco halgankii iyo hawlgalkii loogu jiray dagaalka khawaarijta, kaalin fiican ayuu qaatay, ku shahiiday, waxan dhammaanteen sugeynaa inaan sidaas oo kale ugu shahiidno inta cadowga khawaarijta ay wadankeena sii joogi lahaayeen” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

  12. Islaan 90 jir ah oo 5 maalmood kaddib iyadoo nool laga dhex helay burburka dhulgariir kii ku dhuftay Japan

    Dadka deegaanka oo ku dhex lugeynaya burbura gurayaha ku yaala Suzu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka oo ku dhex lugeynaya burbura gurayaha ku yaala Suzu

    Kooxaha gurmadka ayaa islaantan ka soo dhex saaray burburka labo dhisme oo ku yaala magaalada Suzu.

    Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.5 ayaa ku dhuftay xeebaha Japan Isniniintii la soo dhaafay, waxa burburay magaalooyin ku yaala dhulka fog ee jasiiradda Noto.

    In ka badan 120 qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, halka 200 oo kale lagu la’yahay.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Yomiuri Shimbun, 100 shaqaalaha gurmadka degdeg ah ayaa loo diray magaalada Suzu kaddib markii la ogaaday in labo haween ah la aasay iyagoo nool.

    Wargayska oo soo xiganaya booliska ayaa weriyay in islaan waayeel ah ay ka jawaabaysay dhawaaqa kooxda gurmadka, laakiin ay la il darnayd xaraaradda jirkeeda oo aad hoos ugu dhacsanaa.

    Isla aagaasi kooxda gurmadka degdeg ah waxa ay heleen islaan ku jirta da’da afartanaadka.

    72 saacadood ee ugu horreysay dhulgariirka ayaa loo tixgalinyay waqtiga ugu xasaasisan, maxaa yeelay waxa loo arkayay in waqtigaa wixii ka dambeeya ay adag tahay in loo tago dad nool.

    Laakiin labadaa islaamood waxa la helay maalmo kaddib markii daaqadaasi xirantay.

  13. Suxufiyiin ka tirsan TV-ga MM oo qabtay dood ku saabsan Is Afgarad kii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo Hargeysa lagu xiray

    Doodda ay qabteen weriyayaasha la xiray

    Xigashada Sawirka, MMTV

    Qoraalka sawirka, Doodda ay qabteen weriyayaasha la xiray

    Sida ay BBC-da u xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan magaala madaxda Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, waxa xabsiga la dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan TV-ga MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.

    Doodda oo ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxa kala qaybgalay Feysal Cali Sheekh oo madax ka ah Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxayna ku saabsanayd “Faa’iidada iyo Khatarta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya”.

    Intii ay socotay doodda ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka Somaliland ay galeen xarunta TV-ga MM ee Hargeysa halkaas oo ay ka qabteen Weriye Maxamed Ilig, Weriye Maxamed Andar iyo farsamo yaqaan Ilyaas Cabdinaasir.

    Illaa hadda saraakiisha sirdoonka iyo kuwa booliska ee Somaliland kama aanay hadlin xariga suxufiyiintan xalay jeelka loo dhaadhicyay.

  14. Liiska ugu dambeeya ee Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo maanta hadal jeedin ka hor sameynaya Barlamaaanka

    Barlamaanka Puntland

    Xigashada Sawirka, Puntland TV

    Qoraalka sawirka, Barlamaanka Puntland

    11 Murashax oo isu diiwaan galiyay in ay ka qaybgalaan doorashada Madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota ayaa goordhow hadal jeedin ka sameyn doona fadhi ay leeyihiin xildhibaannada cusub ee Barlamaanka Puntland.

    Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo Siciiid Cabdilaahi Dani, Madaxweyne hore Cabdiwali Gaas, labo wasiir arimo dibadeed oo horey xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka, iyo xubno kale oo xilal sare uga soo qabtay Maamulka Puntaland ayaa ku loolami doona doorashada oo beri ka dhici doonta magaalada Garoowe.

    Xildhibaannada Barlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa codeyn doona, iyadoo murashaxii ugu cod bata wareegga ugu dambeeya ama murashaxa wareegga koowaad hela codadka sedex meelood labo meelood uu noqon doono Madaxweynaha cusub ee Puntland.

    Xildhibaannada ayaa sidoo kale maanta dhagaysan doona khudbadaha murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweyne Kuxigeenka oo iyana gaaraya 11 xubnood.

    Puntaland waa maamulka kaliya ee waqtigeeda ku qabta doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa marka la eego Maamullada kale ee Soomaaliya, taas oo aad loogu amaanay.

  15. Dagaalka Qasa: “Ciidamada Israa’iil waxay qodeen 1,100 qabri gudaha Qasa si ay u xadaan xubnaha maydadka”

    Maydad dib loo aasayo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maydad dib loo aasayo

    Sida uu sheegay xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Qasa “ciiadamada Israa’iil waxa ay qodeen 1,100 qabri oo ku yaala xabaallaha Tufaax, bariga magaalada Qasa, waxayna xadeen maydadka 150 qof…tani waa dambi cusub oo kamid ah taxanaha dambiyada ay galayaan kuwa soo duulay inta ay ku guda jireen dagaalkooda isir sifeynta ah ee ka dhanka ah shacabkeena Marinka Qasa”.

    Wuxuna intaa ku daray bayaanka xafiiska warfaafintu:

    “Ciidamada Israa’iil waxay dambigan soo celceliyeen marrar badan, waxana u dambeeyay maydadka 80 qof oo horey u shahiiday kuwaas oo ay ka xadeen gobolka Qasa, iyo woqooyiga Marinka, iyagoo markii dambe soo wareejiyay iyagoo lagu aasay Rafax, waxana ka muuqday jirkooda isbadal weyn, waxana si cad u muuqata in xubnaha qaarkood lagala baxay”.

    Sabtidii Falastiiiniyiintu waxay maydad la soo faagay dib ugu aaseen xabaallaha xaafadda Qasa, halkaas oo ay horey ciidamada Israa’iil uga fuliyeen weerar dhinaca dhulka ah dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanad kii hore sida uu muujiyay muuqaal ay leedahay France Press.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay baari doonaan, mana bixin faahfaahin intaa ka badan.

  16. Turkiga: “Duulaanka cadowtooyo ee Israa’iil ee sii kordhaya waxa uu khatar ku yahay amniga Mandiqada”

    Kulanka Labada Wasiir

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Kulanka Labada Wasiir

    Turkiga ayaa sheegay in uu Maraykanka u xaqiijiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qasa, isla markaana gargaarku u gaaro isagoon kala go’ lahayn intii lagu jiray kulan ku dhexmaray magaalada Istanbuul wasiirrada labada wadan.

    Wakaaladda Warrarka Turkiga ee Anaadool oo soo xiganaysay illo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sheegtay“wasiir Hakan Fiidaan in duulaanka cadowtinimo ee Israa’iil ee sii kordhaya uu khatar wayn ku yahay guud ahaan amniga Mandiqada, isagoo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajoodyada la xiriirra dhismaha dawlad Falastiin leedahay waqtiga ugu dhaw ee suurtagalka ah”.

    Sidoo kale intii uu socday kulanka labada wasiir, waxa uu wasiirka Turkiga ah kala hadlay dhigiisa Maraykanka iibka diyaaraddaha dagaalka ee uu farasameeyo Maraykanka ee F16 iyo xubinimada Sweden ee gaashaanbuurta NATO iyo qadiyado kale oo gobolleed sida Suuriya iyo Ciraaq sida ay sheegtay Wakaaladda Anaadool.

  17. Miltariga Soomaaliya oo sheegay in dhawr iyo labaatan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Gobolka Mudug.

    Dhulka u dhexeeya Caad iyo Jeexjeexa

    Xigashada Sawirka, SNA

    Qoraalka sawirka, Dhulka u dhexeeya Caad iyo Jeexjeexa

    Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah uu duqeyn xagga cirka ah oo xalay ka dhacday Gobolka Mudug uu ku dilay 26 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

    Duqeynta oo ka dhacday meel wax yar u jirta deegaanka Jeexjeexa oo in dhawaalaba ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ayay Milatarigu sheegeen in kooxda la weerarray ay gabaad ka dhiganayeen dhufeysyo ay qoteen, balse markii habeenimada la gaaray ay damceen in ay dibbadda u soo baxaan, markaas oo duqeynta lala beegsaday, sida aan ka soo xiganay warbaahinta ciidamada Soomaaliya.

    Miltariga ayaa sheegay in dagaalladii shalay ka dhacay aaga deegaanka Caad iyo duqeynta ka dhacday Jeexjeexa lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Iska hor’imaadyadii shalay ka dhacay Gobolka Mudug ciidamada Soomaaliya waxa kaga dhintay sarkaal sare oo la yiraahdo Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor sida ay baahisay Wasaaradda Gaashaandhiga.

    Al-Shabaab waxay dhankooda sheegeen in dagaalladii shalay ka dhacay Gobolka Mudug ay ku dileen 11 ka tirsan ciidamada dawladda oo ku jiro Abaanduulihii Guutada 18-aad ee Gorgor, mase sheegin dhinacooda tirada uga dhimatay dagaalka.

  18. Arooryo suuban saaxibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com

  19. Doomo ku soo dhawaaday markab ganacsi oo marayay meel u dhow xeebaha Yemen

    Ururka ganacsiga badaha ee Britain (UKMTO) ayaa sheegay in ay heleen warbixin ku saabsan lix doonyood oo yaryar oo ku soo dhawaaday markab ganacsi meel 50 meyl koonfur bari ka xigta magaalada Mokha ee dalka Yemen.

    Ururka Ganacsiga badaha ee Ingiriiska ayaa intaa ku daray, in "aan la arkin hub ama ciidamo isbahaysi ah oo gargaar ka bixiya aagga."

    Bishii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay sameynta isbaheysi caalami ah oo wata magaca "ilaaliyaha Barwaaqo", ujeeddaduna tahay in lagu sugo howlgallada marin badeed ee Badda Cas, kadib weeraro isdaba joog ah oo ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ka fuliyeen ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ay sheegeen in ay "ku xiran yihiin Israa'iil."

  20. Mdaxweynaha Xassan oo saxiixay sahrci lagu burinayo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saxiixey sharci lagu buriyey heshiiska Badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

    Sharcign ayaa waxa soo saaray labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya..

    bbc

    Xigashada Sawirka, sntv